Beribaa gabadhi ninkeedi nacday, waanna dhibsatay habdhaqankiisa, waxa ay u ergootey labadii reer ee ay ka soo jeedeen. Ninka oo sharaarad lahaa aadna u kululaa ayay ileyn alabkiisa waa taqaane ka sheegtay arrimo ay ogtahay inuu gadoodi doono, kaddibna isaguna isma odhan war eeda iska dhawre waa kula booday oo dadkii oo wada jooga ayuu inuu u gacanqaado, balse waa la wada joogsadey waanna laga wada xanaaqey.

Halkaas ayaa hadal laga dhegeysto ugu dambeysay gabadhiina waxa ay ku guuleysatay in ay dadkii oo dhammi u marag furaan sidi iyadu rabtayna loo yeelo.

Haddaba bannaanbixii ay ku dhawaaqeen tartamayaashu ma ahayn mid ay keliya rabaan in ay ku dhaliilaan Farmaajo ee waxa ay rabeen in ay habdhaqankiisa soomaali iyo adduunkaba tusaan.

Arrintaasi waxa ay u dhacday sidii ay u dhigeen, ma aysan ahayn ujeedka tartamayaashu in nin weliba dhawr boqol oo beeshiisa hubbeeyo oo ay soo jabhadeeyaan, magaalada dhan ka qabsadaan oo dagaallamaan ee waxa ay rabeen in ay soo dedejiyaan habdhaqanka xun ee kelitalisnimada, macangagnimada iyo dhiigyacabnimada Farmaajo in ay bannaanka keenaan.

Waxa ay hoggaanka dowladdu ku baaneen awoodda iyo hantida dowladda taasoo ay ku muquuniyeen tartamayaashii soo abaabuley, waxa ay weerareen habeennimadii ilaaladii tartamayaasha, taasoo keentay in labada dhinacba dad ku dhintaan dhiigna ku daato.

Waxaa dhanka kale maalinnimadii wareer cad loo geystay tartamayaal kale oo bannaanbaxay taasina waxa ay keentay, in dadweyne aan hubeysnayn halkaas dhaawac iyo dhimasho ka soo gaadho qaarna naftoodu halis gasho.

Dadka halkaas ku bannaanbaxay ma aysan dagaallamin ee waa bannaanbaxeen.

Dhanka dagaalka aanba libinta siino kuwa ku dagaallamay magaca dowladda, dhanka guuldarradana aanba siino dadweynaha la baacsaday ee hubkii, dhaqaalihi iyo awoodii dowladeed ee la wada lahaa lagu muquuniyey.

Is weydiinta ayaa ah dhanka siyaasadda yaa guuleystay?

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu filayey tartamayaashu in ay la dagaallamaan oo uu ku sunto iney yihiin qaswadayaal nabadda iyo hannaaanka dowladda ka soo horjeeda.

Tartamayaashuna waxa ay ku tashadeen in aysan dagaallamin ee bannaanka loo soo saaro foolka iyo dhaqanka dhabta ah ee Madaxweynihii hore ee Farmaajo.

Farmaajo tiisii uma aysan hirgelin, waxaa uu noqday nin la dagaallamaya madax bannaanida dadweynaha, halka tartamayaashu noqdeen dad u halgamaya gobonnimada iyo madaxbannaanida dadweynaha.

Waxaase maanta soomaali guri ay joogto iyo adduunkaba ogaadeen halista nabadgelyo ee soomaaliya daaqeyso.

Shalay waxa ay arrintu taagnayd muran siyaasadeed maantase arrinta muuqataa waa xasilooni darro nabadgelyo oo abuuri karta mar kale colaad sokeeye.

Farmaajo waxaa uu soo. ifbaxay foolkiisa dhabta ah ee keligii taliye macangag ah oo kursiga inuu dhiig u daadiyo raba isagoo muddo xileedkiisi dhammaaday, waxaanna qiraal noqdey dhammaan eedaymihii loo jeedinayey.

Sidoo kale indhaha dadweynaha soomaaliyeed ee waxgaradka ah iyo adduunkuba waxa ay u soo jeesteen dhanka tallaabooyinka uu qaadayo Madaxweynihii hore ee Farmaajo.

Waxaa halkaas kansho weyn ka helay siyaasiyiin iyagu marti ka ahaa go’aan ka gaadhista talada dalka iyo qabashada doorashada oo doorweyn ku yeelan doona aaya ka talinta bulshada soomaaliyeed.

Farmaajo waxaa ku furantey furrin cusub oo siyaasadeed oo ka culeys badan tii dowlad goboleedyadii diidanaa, sidoo ka soo waxaa ka horjeestay dad badan oo rumaysnaa in laga gardarran yahay siyaabo kale loo diidan yahay.

Waxaa hoos u dhac kii hore ka daran ku yimid hanka siyaasadeed iyo higsiga soo laabasho inuu hoggaanka dalka dib u qabto ee Farmaajo.

Haddaba marka aynu eegno saadaasha siyaasadeed ee soomaaliya yaa guuleystay yaase guuldarreystay?

Anigu waxa aan leeyahay dagaalki gacanta iyo xabbada, dad dilka, waxaa guuleystay Farmaajo, dagaalkii siyaasaddana waxaa guuleystay Tartamayaasha madaxtinnimada iyo taageerayaashooda! Arrinku waa ninba dhan u badi, welina dheeshu waa socotaa. Dhawduse cadduur uma dhacsana.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here