Hadaan Lacag iyo Moos ama Muus hordhigo Daanyeero waxay Daanyeeradu Dooranayaan Mooska Maxaa yeelay ma garanayaan in Lacagta ay ku iibsan karaan Moos ka badan…!

Si taa la mid ah inta badan Dadka marka lakala dooransiiyo Mashruuc iyo Mushaar Bille ah , ee shaqo Cayiman intooda badan waxay dooranayaan Shaqada Billaha ah, maxaa yeelay ma garanayaan in Mashaariicda laga helo wax ka badan Mushaarka,oo noloshooda wax ka bedelaya gebi ahaan.

Waxyaabaha Dadka ka dhiga Saboolka waxaa ka mid ah in aysan aqoon Fursadda ku jirta Mashaariicda.

Maxaa yeelay Inta ay noolaayeen oo ay wax ka baranayeen Iskuulada waxay arkayeen , had iyo goor Shaqada in Bishii Mushaar lagu qaato, waxayna meeshii ay Naftooda u shaqeysan lahaayeen u shaqeeyaan Asaagood..!

Waa Sax Mushaarka Billaha ah wuxuu kaa hor istaagaa Saboolnimada Laakiin ku darso wuxuu kaloo kaa hor istaagaa Inaad Taajir noqoto ( hodon noqoto).

Nolosheyda ma arkin qof shaqeeya 8 Subaxnimo illaa 3 Galabnimo oo Taajir noqday illaa mid wax isdaba mariyay ( Musuqmaasuqay) Moyee..

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Xigasho: Mohamed Ahmed Jimale

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here