«Ismiidaamiye qarax xambaaarsan ah ayaa madaxda dalka dili raba»

Oo NISA shaqadeedu maxey tahay markaas?
Hadeyba ogyihiin maxey uga hor tegi la’yihiin ama talaabooyin caddeynaya in warkoodu sax yahay u qaadi waayeen?

Dulucda qoraalka NISA waa handaad ku socota Ra’isulwasaare Rooble oo jilbaha dhulka ugu dhuftay damicii waalnaa ee Farmaajo ama N&N kaasoo ay ugu horeysay iney boobaan kuraastii baarlamanka labadiisa aqal.

Rooble waxaa u fulay dhamaan go’aanadii masiiriga ahaa ee uu gaaray iyo mas’uuliyiintii uu shaqada ka ceyriyay ee la tuhunsana ineysan dalka wanaagiisa wadin.
Halka diidmadii Farmaajo ee go’aanadaas aaney Facebookiisa soo dhaafin soda:

1-Xil ku celintii NISA ee Fahad Yasin.
2-Diidmadii ceyrintii Wasiir Xundubey.
3-magacaabistii Wasiirka amniga Abdullahi Mohamed Nur.
4-soo celinta xiriirkii UAE iyo Soomaaliya.
5- soo celinta xiriirkii Kenya iyo Soomaaliya.
6- lacagti muddada ka xayirneyd Somaliland.
Iyo kala diristii shaqaalaha madaxtooyada ee gudiga doorashooyinka laga dhigay.

Intaas kadib waxa uu madaxweynihii hore soo saaray xeer jeebkiisa ah oo uu leeyahay waxaan shaqada uga qaaday Ra’isulwasaaaraha inkastoo eysan afkiisa soo dhaafin.
Ugu dambeyn: ma aheyn wax qarsoon Isku milanka Argagaxisada iyo NISA, waxaase la yaab leh in dowladnimadii Soomaaliyeed ee waqtiga dheer soo socotay sida uu Farmaajo ula degay oo weliba ugu roog roogsanaayo markuu xaqiiqsaday inuusan soo noqon doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here