HomeWarkiiNISA oo Digniin culus ka soo saartay lacagaha ay Alshabaab ka qaadaan...

NISA oo Digniin culus ka soo saartay lacagaha ay Alshabaab ka qaadaan Ganacsatada

WARGELIN IYO DIGNIIN
Muqdisho, Luuliyo 20, 2025: Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), waxa ay dabagal iyo baaris ku haysaa hantida iyo dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed ee Argagixisada, waxa ayna si gaar ah isha ugu haysaa uruurinta Baadda ay Khawaarijtu ugu yeerto Zakawaadka. Sidaas darteed, ganacsatada iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed, waxaa looga digayaa in ay qayb ka noqdaan ama ay ku lug yeeshaan arrinkaas.
Qof kasta oo bixiya Baadda ay Khawaarijtu ugu yeerto Zakawaadka, waxa uu ku dhacayaa dembiyada maalgelinta Argagixisada ee ku xusan shuruucda dalka, iyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya ka-hortagga iyo la-dagaalanka maalgelinta Argagixisada. Haddaba, ciddii lagu helo bixinta Baadda Argagixisada, waxaa laga qaadayaa tallaabo deg-deg ah oo waafaqsan shuruucda dalka iyo go’aannada maamul ee khuseeya.
Ganacsade/Muwaadin, waxaa lagu xasuusinayaa in Hay’adaha amniga ee ay khusayso aad la soo wadaagto wax kasta oo la xiriira Baadda ay Khawaarijtu qaaddo iyo culays kasta ee aad Argagixisada kala kulantid.

May be an image of text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -