Ciidamada hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA oo howlgal balaraan sameeyay, ayaa gacanta ku soo dhigay Miino nooca dhulka lagu aaso ah, taasoo ay sheegeen in la galiyay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.

Saraakiil kamid ah NISA oo howlgalkan horboodayay ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in soo saarista miinadan ay gacan weyn ka geysteen dadka shacabka ah, kuwaasoo laamaha amaanka ku soo wargeliyay arrintan.

Waxa ay ku eedeeyeen Shabaab iney damacsaneyd in dadka shacabka ah ay ku dhibaateeyaan qaraxa ay wadada ku aaseen, saraakiisha ma aysan cadeyn iney dad u soo qabteen falkan.

Deegaanka Ceelashaba biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa kamid ah meelaha qaraxyada iyo dilalka ay ka geystaan xubnaha Shabaab, iyadoo halkaasi ay ka howlgalaan ciidamo badan oo NISA, iyadoo qaarkood ay halkaasi uga howlgalaan dhar cad ahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here