HomeWarkiiNISA oo gacanta ku dhigtay Shabakad Alshabaab ah oo Muqdisho ku dhuumaaleysanayay+SAWIRR

NISA oo gacanta ku dhigtay Shabakad Alshabaab ah oo Muqdisho ku dhuumaaleysanayay+SAWIRR

Muqdisho, 27 November 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad Khawaarij ah oo ka kooban ilaa 11 dhagar-qabe, kuwaas oo ku howlanaa falal argagixiso isla markaana ku dhuumaaleysanayay Muqdisho iyo deegaanno ka tirsan Gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe.

Dhagar-qabeyaashan ayey Khawaarijtu u soo diyaariyeen inay fuliyaan shirqoollo argagixiso, basaasnimo, iyo inay isku dhex qarin karaan shacabka, Ciidanka Sirdoonka Qaranka oo hayay xogtooda oo dhammeystiran ayaa mid mid u soo qabtay xilli ay qaarkood gacanta kula jireen fal-dambiyeedyo argagixiso.

Xubnahan Khawaarijta ah ayaa loo gudbin doonaa hay’adaha ku shaqada leh, si looga qaado tallaabada ku habboon. Fadlan Muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.May be a graphic of text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -