Nisa oo Gacanta ku dhigtay Shabakad Qaraxyada u qaabilsan gobolka Banaadir

Hogaanka hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka soomaaliya ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in caasimada dalka ee muqdisho ay ku qabteen shabkad kooxd Al shabaab u qaabilsaneed ababulka iyo qaraxyada kadhaca magalada.
Hay’adda NISA ayaa sheegtay in howlgalka
ciidamada Nabad sugida 26-kii ilaa 28-kii ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho lagu soo qabtay Shabakad Al Shabaab u qaabilsan qaraxyada iyo maadooyin qaraxyada laga sameeyo.

“Howlgalo qorsheysan oo uu ciidanka Amnigu ka fuliyey Muqdisho 26 ilaa 28 bishaan,  ayaa lagu soo qabtey Shabakad qaraxyada u qaabilsan AS, iyo maadooyinka qaraxyada laga sameeyo.Wada shaqaynta shacbka iyo  laamaha Amniga waa sababta keentay guushaan” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA.

Hay’adda NISA sooma bandhigin magacyada iyo muuqaalka xubnaha la tuhmayo in ay katirsan yihiin Al Shabaab ee lagu qabtay howlgalkan ka dhacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064