HomeWarkiiNISA oo ka hadashay Howlgal Alshabaab badan lagu laayay oo ka dhacay...

NISA oo ka hadashay Howlgal Alshabaab badan lagu laayay oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

WAR SAXAAFADEED

Muqdisho, October 21, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Kuukaayle oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday goobo ay gabbaad ka dhiganayeen maleeshiyaadka Khawaarijta.

Howlgalka waxaa lagu dilay Toddobo dhagarqabe, waxaana lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo teendhooyin ay cadowgu ku dhuumaaleysanayeen.

Howlgalka oo dhacay seddax mar oo kala duwan oo isla xalay ah, ayaa kan koowaad lagu beegsaday teendho ay maleeshiyaad ku jireen, taas oo sababtay dhimashada seddax xubnood oo Khawaarij ah, howlgalka labaad oo daqiiqado uun ka dambeeyay ayaa lagu soo afjaray nolosha afar dhagarqabe oo kale, iyada oo ugu dambeyna beegsiga seddaxaad lagu gubay gaadiid dagaal oo ay Khawaarijtu halkaas ku diyaariyeen si ay ugu qaadaan Maleeshiyaadka ay abaabulayeen.

Ciidanka Hay’adda NISA ayaa qaaday hawlgalkaan kaddib markii la sugay xog sirdoon oo muujinaysay dhaqdhaqaaqyo ay maleeshiyaad Khawaarijta ah, oo watay gaadiid dagaal, ka sameynayeen deegaanka Kuukaayle oo hoostaga degmada Maxaas, xogta oo loo beddelay howlgal ayaana suurtagalisay in halkaas lagu soo afjaro Khawaarijtii abaabulka wadday.

Howlgalkan ayaa kusoo dhammaaday si guul ah, waxaana Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ka go’an in meel kasta lagu beegsado cadowga Khawaarijta ah ee ku howlan dhagarta iyo dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454. 

See less
May be a doodle of text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -