HomeWarkiiNISA oo ka hadashay howlgal lagu dilay Alshabaab badan oo ka dhacay...

NISA oo ka hadashay howlgal lagu dilay Alshabaab badan oo ka dhacay Gobolka Sh.dhexe

WAR SAXAAFADEED
Muqdisho, February 03, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka lagu magacaabo Qaahira ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ku dilay ilaa toddobo (7) dhagar-qabe oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Khawaarijta, iyada oo sidoo kale weerarkaas lagu burburiyay kayd hub iyo xarumo gabbaad u ahaa Khawaarijta.
Howlgalkan oo la fuliyay xalay gelinkii dambe ayaa daba socday howlgalkii maalmo ka hor lagu bartilmaameedsaday koox Horjoogeyaal ah oo ku shirayay guri ku yaalay deegaanka Maxaa Saciid ee isla Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu soo afjaray nolosha ilaa shan Horjooge halka seddax kalana dhaawac culus lagu gaarsiiyay.
Markale, waxaa lagu wargelinayaa dadka rayidka ah, in ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Khawaariijta, oo mar kasta bartilmaameed u ah Ciidanka Qaranka. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454May be a doodle of map and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -