Hay’ada Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku qabatay qarax loo soo diyaariyey qaab aan horey loo arag.

Xarunta degmada Xamarweyne oo maanta ay ka dhacaysay munaasabad xilwareejin ah ayaa waxaa lagu weerari lahaa Camero nooca ay Wariyeyaashu wax ku duubaan oo lagu soo xiray qarax.

Ilo ka tirsan Laamaha Amaanka ayaa ii xaqiijiyey in Camerada iyo muuqaal duubihiiba lagu qabtay aafaafka hore ee Gobolka, kaddib daba-gal lagu hayey, iyadoo Camerada uu watay ay ahayd nooca waaweyn ee TV-yada, qaraxna uu ku jiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here