HomeWarkiiNISA oo soo qabatay Alshabaab dhawaan ka baxsaday goob dhaqan celin ah...

NISA oo soo qabatay Alshabaab dhawaan ka baxsaday goob dhaqan celin ah dibna ugu laabtay kooxda.

Ciidanka Naba sugida Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa soo qabtay Alshabaab dhawaan ka baxsaday goob dhaqan celin ah oo Dowladu ku leedahay Magaalada Muqdisho xili uu dib ugu laabtay kooxda Alshabaab ee awalba uu ka tirsanaa balse marna uusan ka tanaasulin intii uu ku jirey dhaqan celinta.

Alshabaabkaan oo lagu magacaabo Aadan Xasan Guhaad ayaa ku biirey Alshabaab markiisii hore sanadkii 2018-kii,wuxuuna tababar ku soo qaatay deegaan hoos taga Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Goboka Geddo.

Sida Dowladu sheegtay ninkaan ayaa iskiis isugu soo dhiibay ciidamada Xooga Dalka ee ku sugan Magaalada Buurdhuubo ee Gobolka Geddo dhamaadkii sanadkii 2019-kii  kadibna waxaa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho halkaasoo hore laga geeyay goobta dhaqan celinta ee xera Sarindi oo aalaaba lagu hayo dagaalamayaasha Alshabaab kuwaada iskood isku soo dhiiba.

Markii dhaqan celinta ay u dhamatay oo la sii daayay ayuu shaqadiisii dib ugu laabtay xili uu hore xubin uga ahaa waxa ay kooxda Alshabaab u yaqaan Maktabka qaraxyada,ugu danbeyn waxaa soo qabtay ciidamada NISA ee ka howlgala Magaalada Luuq ee Gobolka Geddo, hada wuxuu ku eedeysan yahay inuu ka danbeeyay qaraxa Ba gacmeed ay ku dhimatay cunug 8 jir ahayd iyo weerarka xarumaha NISA ee Geddo.

Alshabaabkaan ayaa dhawaan dib loo soo qabtay xili uu qaraxyo geysnayay wuxuuna hada mar kale gacanta ugu jiraa Dowlada iyadoo lagu wado inay xukunto Maxkamada Ciidamada ee uu Gudoomiyaha ka yahay Jen.Shuute.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -