HomeWarkiiNISA oo war ka soo saartay howl-galkii ka dhacay Gobolka Hiiraan

NISA oo war ka soo saartay howl-galkii ka dhacay Gobolka Hiiraan

WAR SAXAAFADEED

Muqdisho, September 03, 2025: Howlgal si gaar ah loo qorsheeyay, oo ay iska kaashadeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka, ayaa ka dhacay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay horjoogeyaal sare oo ka tirsanaa Khawaarijta iyo maleeshiyaad badan.

Horjoogeyaasha lagu dilay howlgalka ayaa kala ahaa Cabdullaahi Xasan Cumar, oo Khawaarijta ugu magacownaa waxa ay ugu yeeraan Amniyaadka Hirshabeelle; Horjooge lagu soo koobay magaciisa Cusaam, oo ka tirsanaa qaybta Maaliyadda; iyo labo horjooge ah kuwaasi oo kala ahaa Horjooge Qudaame Dheere iyo Cabdul Ladhiif.

Ciidamada ayaa si gaar ah u beegsaday xarun ay horjoogeyaashan ku sugnaayeen, iyada oo si buuxda loo soo afjaray dhammaan horjoogeyaashan iyo ku dhowaad 10 ka tirsan maleeshiyaadka Argagixisada.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah bartilmaameedyada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa shacabka iyo Saaxiibada Caalamka, ay ku dabar goynayso cadowga Khawaarijta ah.

May be a doodle of text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -