WAR-SAXAAFADEED
Muqdisho, Juun 24, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaysa Saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorshaysan oo ay xalay ka fuliyeen Isgoyska Gaycad ee deegaanka Mabaax ee Gobolka Hiiraan waxaa lagu dilay 13 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah, kuwaas oo ahaa firxadka maleeshiyaad iyo horjoogeyaal hore loogu beegsaday isla deegaankaan.
Hawlgalkan oo la fuliyay labo mar oo is xigtay ayaa bartilmaameedkiisu ahaa goob ay isku abaabulayeen maleeshiyaadka khawaarijta ah si ay dhagaro ugu maleegaan Shacabka Soomaaliyeed waxaana halkaas lagu soo afjaray dhagartoodii, iyada oo sidoo kale la burburiyey dhammaan hubkii iyo agabkii ay wateen.
Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxaa ka go’an in ay meel kasta ku beegsato cadawga Khawaariijta ah ee ku hawlan dhagarta iyo dhibaataynta Shacabka Soomaaliyeed.May be an image of text that says "SAXAAFADEED 24, 2025: tirsan Muqdisho, Juun Ciidanka Hay'adda Sirdoonka Nabadsugidda Qaranka (NISA) kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorshaysan oo xalay fuliyeen Isgoyska Gaycad deegaanka Mabaax ee Gobolka Hiiraan, waxaa lagu dilay xubnood oo maleeshiyaadka Khawaarijta ahaa maleeshiyaad horjoogeyaal hore loogu beegsaday isla deegaankan. ee kuwaas Hawlgalkan oo firxadka fuliyay labo mar ayaa bartilmaameedkiisu ahaa goob isku abaabulayeen maleeshiyaadka khawaarijta dhagaro ugu maleegaan Shacabka Soomaaliyeed waxaana halkaas lagu soo afjaray dhagartoodii, iyada oo sidoo kale burburiyey dhammaan hubkii iyo agabkii ay wateen. Ha'yadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka meel ku beegsato cadawga Khawaariijta iyo dhibaataynta Shacabka Soomaaliyeed. go'an hawlan dhagarta -DHAMMAAD-"