Magaalada Oslo ee Dalka Norway waxaa ka dhacay shir looga hadlay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ iyo waxyaabaha iska baddelay deegaannadii laga qabsaday waxaana ka qaybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS Axmed Macalin Fiqi.

Shirkaan loogu magac daray “Madasha Oslo” waxaa warbixin guud looga dhageystay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka xog-warramay xaaladda deegaannada ay qabsatay Dowladda.

Advertisement

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in guullo muhiim ah ay gaareen Ciidamada Dowladda Federaalka ee kaashanaya Daraawiishta Dowlad-Goboleedyada iyo Dadka deegaanka kaddib markii ay qabsadeen deegaanno dhowr ah.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay dardargelinta wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ waxaana la sugayaa sida uu u dhaqangalo heshiiskii afar geesoodka ahaa ee Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya & Kenya ku gaareen Muqdisho ee ahaa in la qaado dagaal ay iskaashanayaan.

“Madasha Norway” oo ah kulan furan oo ballaaran waxaa lagu gorfeeyaa xaalado kala duwan iyada oo lagu martiqaado mas’uuliyiin ka kala socota hadba waddanka la doonayo in laga hadlo iyada oo ay ka qaybgalaan madax katirsan Dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here