XIGASHO LAACIB.NET
Ciyaaryahankii hore ee Super Eagles, John Mikel Obi, ayaa shaaciyay sababta ka dambeysa in Chelsea ay ku guuldarreysato inay garaacdo Arsenal kulankii Premier League ee axaddii. Obi ayaa ku sababeeyay fashilka Chelsea kaadhkii casaa ee Moises Caicedo loo taagay bilowgii ciyaarta.
Inkasta oo ay Chelsea hoggaanka qabatay qeybtii labaad kadib madax uu dhaliyay Trevor Chalobah, hadana Arsenal ayaa goolka barbaraha keensatay iyadoo oo uu u dhaliyay Mikel Merino.
Xilli ciyaareedkan, Chelsea waxa loo taagay toddobo kaadh cas 20-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.
Mikel Obi oo ka hadlayay podcast-kiisa ayaa yiri:
“Taasi waa afar kaadh cas xilli ciyaareedkan; runtii ma aha wax la aqbali karo. Hore ayaan uga hadlay. Tababaraha waa inuu la hadlaa ciyaartoyda, sababtoo ah waxa ay naga luminayaan ciyaaro.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Haddii aad eegto ciyaartaas, haddii aan ku dhamaysan lahayn 11 ciyaaryahan, waxaan filayaa inaan guulaysan lahayn. Ma dhihi karo si fudud ayaad ku guuleysan lahaydeen, laakiin si un waan u xaqiijin lahayn.”
XIGASHO LAACIB.NET
