XIGASHO LAACIB.NET
Khadkii dhexe ee hore ee Chelsea, John Obi Mikel, ayaa ahaa mid ka mid ah dadka sida weyn oo codka dheer ugu ololeynayay in Victor Osimhen uu u wareego Stamford Bridge.
Kooxda Blues ayaa go’aansatay inaysan ka hor imaan istiraatiijiyadeeda suuqa kala iibsiga, iyagoo taas beddelkeeda la soo saxiixatay weeraryahannada da’da yar ee Joao Pedro iyo Liam Delap.
Si kastaba ha ahaatee, Mikel wuxuu weli aaminsan yahay in ninka ay isku dalka yihiin uu noqon lahaa saxiixii ugu fiicnaa ee Chelsea, kaasoo keeni lahaa wax ka duwan kuwa ay hadda haystaan.
“Victor Osimhen. Wuxuu fidin karaa ciyaarta, wuxuu ka ordi karaa daafaca gadaashiisa, wuxuu gadaal ugu soo degi karaa inuu kubbadda qaato, goolalna wuxuu u dhalin karaa si kasta, wax walba ayuu qaban karaa,” ayuu Mikel u sheegay Sky Sports.
Sidoo kale, wuxuu hoggaaminayaa ololaha Nigeria ee koobka Qaramada Afrika. Ka hor semi-finalka ay la ciyaarayaan Algeria maalinta Arbacada, 27-jirkan ayaa shabaqa soo taabtay afar jeer shan kulan oo uu ciyaaray, oo ay ku jiraan saddex gool oo uu dhaliyay labadii wareeg ee isreeb-reebka ahaa.
XIGASHO LAACIB.NET

