Odayaal ka hor yimid falkii maamulka Somaliland iyo Laascaanood kaga barakiciyeen dad Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Koonfurta ayaa sheegay in ay maamulka Koonfur Galbeed u gudbin doonaan galka magacyada rag taageeray barakicinta iyo kuwo ka tirsan maamulka gobolka iyo degmada.

Wariye madaxbannaan ayaa wada aqoonsaday rag sheegtay inay magaca magaalada ku hadlayaan iyagoo taageeray dambigii laga galay dadkii magaalada uu maamulka Somaliland ka barakiciyay.

Dhammaan magacyada iyo wajiyada ragga taageeray barakicinta oo la aqoonsaday.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka dalbaday dowladda Somaliland inay fasiraad ka bixiso go’aankii dad gaaraya 2000 oo qof lagaga soo barakiciyay Laascaanood.

Maamulka Somaliland, oo shalay warqad soo saaray, ayaa dadka uu barakiciyay ku tilmaamay “dad sharci-darro ku deggenaa Laascaanood.”

 

Office Naiorbi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here