Xili maamulka Jubbland uu kala qeybsan yahay ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho imaanayay Odayaal ka soo jeeda Jubland gaar ahaan Beesha uu ka dhashay Farmaajo ee Mareexaan, kuwaas oo diyaarado looga soo qaaday Gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in odayaashan ay la kulmeen wasiirka arrimaha gudaha Jeneral Mukhtaar Xuseen Afrax, si loo dhiso Maamul kale oo ka madax banana axmed Madoobe oo uu Madaxweyne ka yahay C/rashiid Janan.

Mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, oo uu ku jiro wasiirka ayaa maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho ka billaabay kulamo loo qabanayo odayaashan oo badankood ku beel ah madaxweyne Farmaajo.

Kulan dhacay Talaadadii ayaa qoraal ay wasaaradda kasoo saartay lagu yiri “Odayaal dhaqameedka beelaha dagga Julabaland iyo siyaasiinta ka soo jeeda maamlkaas ayaa u gudbiyay Wasiirka Wasaaradda cabashooyin ku aaddan sida ay ku dhisantahay Dowlad Goboleedka Jubaland.”

“Waxaa ay caddeeyeeyn in aysan ku qanacsaneyn guud ahaan Maamulka Jubaland. Isla markaana ay daneynayaan maamul lagu dhiso si wada ogal ah, damaanad qaadi kara Nabadgalyadooda iyo isku haynta wada jirkooda iyo horumarkooda, shacabka ku dhaqan maamulka Jubaland.”

Sidoo kale Odayaashaan oo la dejiyay hoteelo ayaa loo sheegay in ay ka qeyb geli doonaan kulamo kale oo looga tashanayo dhismaha Jubaland cusub, oo loo wado in uu Madaxweyne ka Noqdo C/rashiid janan.

Office Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here