Jowhar (dayniiile.com)-Wararka laga helaayo Xarunta Maamulka Hirshabelle ee Jowhar ayaa sheegaya in maanta xabsiga la dhiigay koox Odayaal ah oo ku eedeysan hurin Colaad Beeleeed.

Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa bixiyay amarka lagu soo xirey Odayaashaani oo la sheegay inay iyagu huriyeen Dagaal Beeleed maalmihii ugu danbeeyay ka dhacaayay deegaano dhaco duleedka Magaalada Jowhar.

Advertisement

Odayaashaan oo tiradooda lagu sheegay 8 odey dhaqameed ayaa lagu wadaa in sharciga la hor keeno madaama ay ku eedeysan yihiin iyagu ka danbeeyaan dagaalka labada beelood ka dhaxeeya.

Maalmihii ugu dabeeyay waxaa dagaalo qabayaaladeysan ay ka dhacayeen deegaanada Gaashaanle iyo Tuqaareey uu ku dhaw Magaalada Jowhar.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleCali Jeyte oo Muqdisho kula kulmay Gudoomiyaha Hay’ada Maareynta Masiibooyinka+SAWIRRO
Next articleSamsung Galaxy S21 FE 5G 128GB: Your Comprehensive Guide to Samsung Feature-Packed Affordable Flagship

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here