BUULO-BURDE (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Macwisleyda reer Hiiraan ayaa ogaaday xog sheegeysay in Odayaal Gobolka u dhashay ay u safreen dhanka Alshabaab si ay wada xaajood ula yeeshaan balse way ka hor tageen.
Sida ay soo xigatay idaacada Kulmiye Sarkaal Macawisleyda ka tirsan guud ahaan odayaashii u socday Alshabaab ay wadada u galeen kadibna gacanta ku soo dhigeen badankood inta kalana ay ku raad joogaan.
Macawisleyda waxay uga digeen odayaasha guud ahaan inay isku dayaan la macaamilka kooxda Alshabaab oo dagaal uu kala dhexeeyo, si kastaba ha ku timadee waxay diideen in Alshaabab la aado.
Dhanka kale xogta ka hadleysa socdaalka odayaashaani ugu socdeen Alshabaab laguma sii faahfaahin ujeedka ay ka lahaayeen tagistooda gaar ahaan inay la xiriirto inay ku biiraan kooxda inay heshiis deegaan ka rabeen intaba iyo sidoo kale inay arimo garsoor.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COMÂ
