Kulan ay Maanta ku yeesheen magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan qeybaha kala duwan ee Bulshaweynta Beesha Xawaadle oo ay ugu horeyaan Odayaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada, iyo dhalinyarada Beesha Xawaadle ayaa lagu iclaamiyay shirweyne guud oo ka dhici doono gudaha magaalada Baledweyne.
Qaar ka mid ah Waxgaradka Beesha Xawaadle oo si kooban ula hadlay Warbaahinta ayaa waxay sheegeen in shirweyne guud oo ay Beesha kaga tashaneyso aayaheed uu ka dhici doono Beledweyne 11-ka bishaan August.

Odoyaasha la hadlay warbaahinta waxay sheegeen in shirkaan uu iclaamiyay Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo dhawaan dib ugu laabtay magaalada Baledweyne oo uu ka maqna mudo ka badan hal sano.

“Waxaa dhici doono 11-ka bishaan kulan guud oo looga tashanayo Aayaha Beesha kadib shirkii 1-aad ee lagu soo gabagabeeyay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, shirkaana waa mid daba socda shirkii Nairoobi, Ugaaska ayaa ku baaqay waxaana looga hadlaya aayaha beesha, waxaana kasoo qeyb galaya dhamaan waxgaradka beesha ee ku kala sugan dunida dacaladeeda” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka Beesha Xawaadle oo warbaahinta la hadlay.

Advertisement

Si kastaba ha ahaate shirkaan lagu wado in Beesha Xawaadle uu Baledweyne kaga furmo 11-ka bishaan ayaa waxaa la faliya iney kasoo baxaan natiijooyin wanaagsan oo ku aadan caqabadaha ka taagan Baledweyne ee ka dhashay xilka qaadistii Cali Jeyte oo sababtay in Baledweyne looga dhawaaqo maamul la baxay Hiiraan State oo uu madaxweyne ka yahay Cali Jeyte Cismaan iyo waliba tabashooyin kale oo ay beesha ka qabto xilalka ay ka heyso dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ay horay u sheegtay ineysan aheyn kuwa u qalma beesha.

Previous articleDowladda Soomaaliya iyo kooxda Alshabaab oo lagu eedeeyay inay askareeyeen boqolaal carruur ah
Next articleWarbixin: Alshabaab iyo Boka haram oo loo diiwaan galiyay inay rabshadaha ugu dhimashada badan ka geysteen Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here