HomeWarkiiOdayaashii la xirey oo la sii daayay iyo Shariif oo durba ka...

Odayaashii la xirey oo la sii daayay iyo Shariif oo durba ka hadlay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa goor dhaw dib xoriyadooda u helay Odayaashioi dhaqanka ee goor dhawayd Ciidamada Dowladu ka xireen Hotelka Lafweyn ee Degmada Karaan.

Odayaasha laga sii daayay xabsig Saldhiga Degmada Kaaraan oo ay daqiiqado ku xirnaayeen balse Dowladu go’aansatay inay si dedeg ah u sii deyso, guud ahaan odayaasha oo ilaa dhowr iyo labaatan ah ayaa la sheegay in badankood ay ku heyb yihiin Xildhibaan Shariif .

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay Hotelka Jazeera wuxuu ka sheegay in Nabadoonada jufadiisa Ciidamada Dowladu xireen islamarkaana uu isagana ka badbaaday isku day dil taasoo uu ula jeedo is rasaaseyntii ka dhacday doraad saldhiga Degmada Warta Nabada.

Si kastaba Talaabada Dowladu Odayaasha ku xirtay ayaa macquul ah inay sii kordhiso xiisada colaadeed ee labadaan beri laga dareemayo Caasimada Muqdisho oo mudo sanado ah Nabad buuxda uu Alle ku manaystay , xiisadaan ayaa ka dhalatay laba arin isku dhicii doraad iyo banaan baxa ay iclaamiyeen mucaaradka.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COMm

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -