Mid ka mida Salaadiinta reer Waqooyiga Soomaaliya gaar ahaan beesha Habar-jeclo Ugaas Axmed  Saleebaan Shidde ayaa shaaca ka qaaday inuu ka bad baaday isku day dil lala dqmasanaa.

“Kooxo  afdku u duuban yahay oo Tooreeyo ku hubeysan ayaa  isoo weerareen anoo ka baxay gurigeyga  Degmada Warta Nabada ee Muqdisho, waxay i gaarsiiyeen nabaro badan oo jirkeyga ah”ayuu yiri Ugaas Axmed  Saleebaan Shidde.

Advertisement

Masuulkaan wuxuu muuqaal dadka ku tusay meelaha ay dhaawacyada ka soo gaaren isagoona ku celceliyay in Alle SWT uu ka bad baadiyay qorshe uu sheegay in la doonayay in lagu dilo.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayuu ku eedeeyay inuu isagu ka danbeeyo uuna usoo direy dadka dili rabay.

Mar uu ka hadlayay sababta iyo waxa Muuse Biixi kala dhexeeya ayuu sheegay inuu dhawaan saxaafada u sheegay in dadka reer Waqooyiga ah ee xamar lagu dilaayay inuu Muuse Biixi ka danbeeyo islamarkaana uu ka dhigaayo in dadka xamar iyo Dowlada Somalia inay ka danbeeyaan.

“Hargeysaa habeen dhexdaasi la iga soo wacay waxay iigu hanjabeen inay in la i dili doono hadi aanan ka bixin afaaraha Madaxweyne Muuse biixi.

Hadaba Hadalada Odey dhaqameedkaani ka daado muuqaalkaani hoose:-

 

Previous articleKu dhac iyo Hab
Next articleRa’iisulwasaare Xamze “Adduunka waxaa ka jirta wal-wal dhanka nabada ah+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here