CABUD-WAAQ (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Cabud-waaq ee Gobolka Gal-gaduud ayaa sheegaya in saaka maleeshiyaad hubeysan halkaasi aano qabiil ugu toogteen odey dadka deegaanka ahaa kana mid ahaa aqoonyahanada.
Ninka la dilay oo lagu magacaabi jirey Cabdi Ciise Qooleey ayaa lagu dilay afafka hore ee Masaajidka uu saaka ku tukaday salaadii subax, kooxihii dilka fuliyay ayaa iaga baxsaday goobta markii ay rasaas badan ku hubsadeen marxuumka.
Dilka ninkaan ayaa la rumeysan yahay inuu la xiriiro aanooyin qabiil oo sanadahaan danbe ka socday deegaanada Maamulka Galmudug.
Maamulka Degmada Cabud-waaq iyo maamulka Galmudug wali wax talaabo ah ma qaadin kaasoo ay ku soo qabanayaan, sharcigana ku horkeeneen gacan ku dhiiglayaasha saaka fuliyay dilkaasi.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
