Odowaa oo Caawa u hooyday magaalada Balad xaawo

0

Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed Genaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa galabta ka degay Garoonka Dayuuradaha Degmada Doolow ee gobolka Gedo

Waxaa Taliyaha ku wehliya safarkiisa Taliyaha Guutada 17aad ee Ciidamada Kumandooska Gorgor Gaashaanle Dayax, Taliyaha Qeybta 43aad Guutada 10aad ee Gobolka Gedo iyo saraakiil kale.

Taliyaha iyo ciidamo kale oo DF u dirtay gobolka Gedo ayaa caawa safar dhulka ku gaaray degmada Belad-xaawo ee gobolka Gedo halkaasoo ay horey ugu sugnaayeen ciidamo kale oo ka tirsan xoogga dalka

Socdaalka taliyaha xoogga dalka iyo ciidamada cusub ee DF u dirtay Belad Xaawo ayaa ku soo aaday xili dhowaan dowlada Kenya ay qoraal digniin ah soo gaarsiisay DF kaasoo ay sheegtay iney weerari doonto ciidamada ku sugan xadka Belad-xaawo hadii halkaas ay mar kale shaqaaqo ka dhacdo, iyadoo labada ciidan ay dhowaan halkaas ku dhexmartay israsaaseyn muddo kooban socotay.

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here