XIGASHO LAACIB.NET
Weeraryahankii hore ee Chelsea, Olivier Giroud, ayaa magacaabay laba ciyaaryahan oo uu aaminsan yahay in Chelsea u baahan tahay inay la soo saxiixato suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.
Isagoo la hadlayay Sky Sports, Giroud wuxuu sheegay in Chelsea ay u baahan tahay weeraryahan cusub (No.9) iyo daafac dhexe si loo xoojiyo kooxda uu hoggaamiyo tababare Enzo Maresca.
Xiddiga reer France ayaa yiri:
“Isaga [Maresca] wuxuu u baahan yahay weeraryahan joogto ah. Wuxuu u baahan yahay inuu helo ciyaaryahan fiican.
Ciyaaryahan dhalin kara goolal toddobaad kasta. Qolka labiska waxaa ka buuxa ciyaartoy hibbo badan, balse waxaan u maleynayaa inuu u baahan yahay khibrad dheeraad ah.
Kooxdu waa mid aad u da’yar. Waxaa laga yaabaa inuu u baahdo, ama uu dareemayo inuu u baahan yahay, hal ama laba ciyaaryahan oo kale.
