
Isbitaalka taqasusiga & tacliimiga ah ee DALMAR ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si habsami leh uga socda howlo isugu jira, baaritaano, daweyn iyo indho-fiiqid bilaash ah oo loo sameynayo boqolaal qof oo danyar ah.
Guddoomiyaha heyadda Al-Nur Foundation ahna agaasimaha Isbitaalka Dalmar Prof.Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa sheegay in dadka ka faa’iideystay mashruucan samafalka ah ay badankood ka kala yimaadeen xeryaha barakacayaasha Muqdisho, aysana jirin wax lacag ah oo laga qaadayo haba yaraatee.
“Isbitaalka Dalmar waxaa ka socda howlo isugu jira, baaritaanno, daweyn iyo indho fiiqis samafal ah oo soo socday illaa bishii hore, iyadoo maalintii 3aad lagu guda jiro howshii qaliinka, dadka ka faa’iideysanaya waxaan ka soo kala xulnay xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla Muqdisho iyo nawaaxigeeda sida degmooyinka Hodan, Wadajir, Garasbaaley, Dharkeynley, Heliwaa, iyo dadka danyarta ah ee Isbitaalka yimaada oo aan ku darnay” ayuu yiri agaasimaha.
Dr. Dalmar ayaa faahfaahin ka bixiyey sida uu socdo mashruucan samafalka ah iyo heyadaha iska kaashaday. “Waxaa lagu qabanayaa ololahan Dalmar Hospital oo ay isla fulinayaan Dhakhaatiir kala socota hay’adaha Al-Nur Foundation of Somalia ee Soomaaliya iyo Al-Basar International Foundation ee dalka Pakistan iyadoo ay fududaysay hay’adda King Salman Relief ee dalka boqortooyada Saudi Arabia. ” ayuu yiri Prof. Dalmar.
Hay’adaha Al-Nur Foundation of Somalia ee Soomaaliya iyo Al-Basar International Foundation ee dalka Pakistan ayaa markii ugu horraysay wada billaabay ololaha indha fiiqista lacag la’aanta ahaa bishii September ee sannadkii 2005 kaasoo ay ka fuliyeen isbitaalka indhaha Al-Nur oo ku yaalla degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho sida uu sheegay Dr. Dalmar.
Waxaa uu intaas ku daray in howshan samafalka ah mudadii ay socotay dadka loo kala saarayey kuwa daaweyn u baahan iyo qaar uu qaliin u soo baxay, wuxuuna xusay in qaliinka indho fiiqista oo socon doona muddo shan cisho ah uu bilowday 17kii bishan Agoosto sanadka 2025, uuna socon doono illaa 21ka isla bishan.
“Waxaa mashruucan ka faa’iideystay dad gaaraya 4776 dadkaas 3870 oo ka mid ah waxaa oo loo sameeyey baaritaan & daweyn bilaash ah, iyadoo qaliin dhinaca Indhaha uu u soo baxay illaa 457 qof oo hadda qaliimada loo sameynayo ay si habsami leh uga socdaan xarunta isbitaalka,” ayuu intaa ku daray Dr. Dalmar oo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iney maalmahan dhiman ka faa’ideystaan qaliimada iyo daaweynta socota ayna iman karaan xarunta isbitaalka.
Waxaa uu sheegay in Qaliinkan socda uu yahay mid casri ah oo indhaha aan la toleyn, isla markaana uu yahay nooca qofka marka qaliinka la dhameeyo uu horey ka soconaayo wuxuuna tilmaamay in si weyn loogu guuleystay.
Agaasimaha Al-Nuur Foundation Dr. Dalmar ayaa xusay in mashaariicdan noocan ah ee samafalka ah ay soo wadeen muddo ka badan 20 sanadood, ayna ka faa’iideysteen kumanaan qof oo dalka ku baahsan isagoo u mahad celiyey dhamaan heyadaha ka qeyb qaadanaya mashruucan, shaqaalaha Isbitaalka Dalmar iyo intii kale ee gacanta ka geysatay fududeynta iyo taaba gelinta howshan samafalka ah.
Mudane Fakhrudiin Dakhan oo hogaaminaya dhaqaatiirta ka socota heyadda Al-Basar International Foundation dalka Pakistan ayaa sheegay in Somalia ay ka mid tahay dalalka ugu badan caalamka ee indha la’aantu ay ka jirto sidaas awgeedna ay u doorteen iney ka qeyb qaataan fulinta mashaariicda noocan ah, isagoo ka mahad celiyey sida isaga iyo kooxda la socota loogu soo dhoweeyey Magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah iyo kuwa danyarta ah ee sida bilaashka ah uga faa’iideystay mashruucan samafalka ah ayaa sheegay in loo sameeyey daweyn iyo qaliimo ay u baahnaayeen indhahooda, aysana jirin wax qarash ah oo laga qaaday, iyagoo u mahad celiyey maamulka isbitaalka Dalmar iyo heyadihii kale ee gacanta ka geystay howshan.
Mashquul fara badan ayaa maalmahan laga dareemayaa Isbitaalka Dalmar iyadoo ay soo buuxiyeen dad u badan kuwo da’ah oo isugu jiray rag iyo haween kuwaasoo loo sameynayey qaliimo bilaash ah, iyadoo shaqaalaha isbitaalkana ay wadeen howlo ay ku baxnaaninayaan bukaanada indhaha loo qalo iyo kuwa loo diyaarinayo qaliinka intaba.




