Guddoomiyaha Ururuka ONLF ayaa sheegay in ay waajib tahay in gabood fallaadi loo geystay shacabka Soomaalida Itoobiya in lagu soo daro wadaxaajoodka la filayo dhawaan inuu ka billawdo dalka Itoobiya.

Guddoomiyaha ONLF C/raxmaan Mahdi oo laanta Af-Axmaariga ee BBC-da waraysi siiyey ayaa sheegay in dalku yahay mid ay qomwiyadaha iyo shucuubta Itoobiya wada leeyihiin markaa arrimaha quseeya masiirka dalka in loo baahan yahay in si siman bulshooyinka dalka looga qayb geliyo.

Waxaanu intaa ku daray in ay tahay in shacabka Soomaalida ee ay dowladihi talada dalka Itoobiya isaga dambeeyey dhibaatooyinka faraha badan u geysteenna ay magdhaw helaan.

 

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here