HomeCiyaarahaOpta SuperComputer oo soo saaray saadaal cusub oo Premier League-ga ah ka...

Opta SuperComputer oo soo saaray saadaal cusub oo Premier League-ga ah ka dib guushii United

XIGASHO LAACIB.NET

Opta SuperComputer ayaa wali Arsenal u arka kuwa ugu cadcad inay ku guuleystaan Premier League xilli-ciyaareedkan 2025/2026, inkastoo Axaddii laga jebiyay rikoodhkoodii guulaha ee Emirates, kadib guushii 3–2 ee Manchester United.

Goolka quruxda badan ee Matheus Cunha uu ka dhaliyay meel ka baxsan xerada ganaaxa ayaa soo afjaray hamigii Arsenal ee guuldarro la’aanta, iyadoo natiijadaas ay sidoo kale yaraysay farqiga dhibcaha, kadib markii Manchester City iyo Aston Villa ay labaduba badiyeen.

Si kastaba, Opta ayaa wali Arsenal siineysa 84.44% fursad ay ku qaadaan horyaalka markii ugu horreysay muddo ka badan 20 sano, halka Manchester City loo arko kuwa labaad ee ugu cadcad oo leh 8.38%, Aston Villa 7.09%, halka Liverpool fursaddeedu ka hooseyso 1%.

Waxaa harsan 15 kulan oo Premier League ah xilli-ciyaareedkan, taas oo ka dhigeysa tartanka mid gebi ahaanba furan, inkastoo SuperComputer-ku wali ku adkeysanayo Arsenal.

XIGASHO LAACIB.NET
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -