Orod yahanka Joshua Cheptegei oo jabiyay koobka oroddada 10,000m ee ragga

0

Orod yahanka Joshua Cheptegei oo u dhashay dalka Uganda ayaa sanadkan qaaday koobka oroddada 10,000m ee ragga, halka Letesenbet Gidey oo Itoobiya u dhalatayna ay jebisay rikoorka oroddada 5,000m ee haweenka.

Tartankan oo ka dhacay magaalada Valencia ee dalka Spain ayaa Cheptegei, oo 24 jir ah, wuxuu orodkaas ku dhammeystay 26 daqiiqo iyo 11.00 seken, isagoo koobka ka qaaday Kenenisa Bekele oo muddo 15 sano ah haystay rikoorkaas, waxaana u dhaxeeyay farqi ah lix seken.

Gidey, oo 22 jir ah, ayaa iyadana orodkaas ku soo afjartay 14 daqiiqo iyo 6.62 seken, waxayna koobka ka qaadday Tirunesh Dibaba oo sanadkii 2008 ku soo afjartay 14 daqiiqo iyo 11.15 seken.

“Waan faraxsanahay,” ayay tiri Gidey, oo sidoo kale tartanka orodka 10,000m oo ay sanadkii hore kaga qeyb gashay Dooxa ku guuleysatay billadda qalinka.

Cheptegei ayaa guulo is daba joog ah ka soo hooyay tartanka oroddada muddo toban bilood gudahood ah. Bishii December ee sanadkii hore wuxuu ku guuleystay tartanka orodka 10km iyo kan 5km oo uu ku guuleystay bishii February.

Sidoo kale bishii August, wyxyy jebiyay rikoor kale oo uu Bekele heystay muddo 16 sano ah, waana tartanka 5,000m, waxaana u dhaxeeyay farqi labo seken ah.

.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here