HomeCiyaarahaOusmane Dembélé oo ku guulaystay Abaalmarinta Xiddiga ugu fiican Adduunka.

Ousmane Dembélé oo ku guulaystay Abaalmarinta Xiddiga ugu fiican Adduunka.

XIGASHO LAACIB.NET

Xiddiga reer France Ousmane Dembélé, oo u ciyaara kooxda Faransiiska ee Paris Saint-Germain, ayaa ku guuleystay abaalmarinta “The Best” ee ciyaaryahanka ugu fiican adduunka sanadka 2025, taas oo ay bixiso Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka (FIFA).

Xiddiga Faransiiska ayaa kula tartamay abaalmarintan laacibiinta Lamine Yamal (Barcelona) iyo Kylian Mbappé (Real Madrid).

Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa Dembélé guddoonsiiyay abaalmarinta xaflad lagu qabtay caawa caasimadda dalka Qatar ee Doha.

Waxaa xusid mudan in xiddiga Faransiiska uu sidoo kale horay ugu guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or-ka ay bixiso jariidadda France Football, kaddib xilli-ciyaareed taariikhi ah oo uu la qaatay kooxda Paris Saint-Germain.

XIGASHO LAACIB.NET 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -