whitebackground600
Home Blog Page 107

Sarkaal ka tirsanaa Xamaas oo Gaza lagu dilay

Ciidamada Israel ayaa weli sii wada weerarada ay ka geysanayaan marinka Gaza, iyagoo ku dilay Khan Younis sarkaal ka tirsanaa Xamaas Salah al-Bardawil, ka dib maalin ay dhaceen duqeymo aan kala joogsi laheyn oo ay ku dhinteen ugu yaraan 34 falastiiniyiin ah.

Ciidamada Israel ayaa sidoo kale weeraraya koonfurta Lubnaan ka dib markii la sheegay in lagu weeraray gantaal, oo ay ku dhinteen ugu yaraan 7 qof, isla markaana ay halis galiyeen heshiis xabad joojin ah oo ay la galeen Xisbullah afar bilood ka hor.

Dhanka kale Mareykanka ayaa sii wada weerarada dhanka cirka ah ee uu ka wado dalka Yemen, isagoo saddex weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha ee Xudeydah iyo mid kale oo lagu weeraray dekedda As-Salif ee Badda Cas, sida ay sheegtay warbaahinta Yemen.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 49,747 falastiiniyiin ah la xaqiijiyay inay dhinteen 113,213 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza.

Xafiiska warbaahinta ee dawladda Gaza ayaa cusboonaysiiyay dhimashadeeda in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumanaan Falastiiniyiin ah oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.

Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay 7-dii Oktoobar 2023 in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Alshabaab bambo ku tuuri rabay ciidamada oo shacabku ay qabteen

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shalay Waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacday dhacdo cajib ahayd kadib markii shacab masaajid ka soo baxay ay si kadis ah u arkeen nin Alshabaab ka tirsan oo rabay inuu weerar gaadmo ah ku qaado ciidamo Dowlada Somalia ka tirsan.

Dhacdadaani waxay ka dhacday isgoyska Warshada sigaarka iyo taraqa ee Magaalada Muqdisho, ninkaan la qabtay ee Alshabaabka lag sheegay wuxuu rabay inuu Bambo F1 ku tuuro kuna qarxiyo ciidamo Dowlada ka tirsan oo bar koontarool ku leh naaaxiga Warshada sigaarka iyo taraqa balse waxaa gacanta ku dhigay shacab.

Wararka ayaa tilmaamaya in shacabka oo ka soo baxay masaajid uu mid ka mida isku duubo ninka Bam-bada tuuri rabay halka intii kalana ay la sii qabteen sidaasna loogu gacan geliyay ciidamadii uu rabay inuu laayo.

Waa dhacdadii labaad oo Muqdisho ka dhacda sidaan oo kale Dayniile waxaa maalin ka hor shacabku soo qabteen nin Alshabaab ka tirsan oo isna weerar bambo geysan rabay.

Shacabka Muqdisho ayaa waqtiyadaan danbe aad ugu dhiiranaya inay laamaha amaanka la shaqeeyaan oo waliba naftooda huraan si ay nin Alshabaab ah gacanta uga qabtaan isagoo ku howlan falal amni daro.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 1 personMay be an image of 1 person

Diyaarad kale oo nuuca dagaalka ah oo Turkey siineyso Dowlada Somalia

No description available.Dowlada Turkey ayaa la sheegay inay mar kale Dowlada Somalia siineyso Diyaaradda T129 ATAK oo ah mid casri ah islamarkaana sida tiknikada u dagaalami karta iyadoo markii firdhin karta boqolaal baalooto oo rasaas ah.

Diyaaradaan oo la sheegay in maalmaha soo socda la soo gaarsiin doono Muqdisho ayaa dagaalka Alshabaab macquul ay tahay inay soo afjarto marka la eego awoodeeda dagaal.

T129 ATAK, waa mid ka mid ah Diyaaradaha qummaatiga u kaca (Helicopters) ee loogu talagalay dagaallada iyo howl-gallada toos-ka ah, gaar ahaan taageerada ciidamada dhulka,sidoo kale waxay awood u leedahay inay taangiyada gubto iyadoo gantaaladeedu ka mid yihiin kuwa anti taangiga.

Helicopter-kaan asalkeeda waxa hore u farsameeyay Talyaaniga,hadana waxaa dib u soo saaray dalka Turkiga, iyadoo dhanka kale kaashaneysa Leonardo S.p.A-ga Talyaaniga.

Mar sharaxaad laga bixinaayay waxtarka Helicopter-kaan  T129 ATAK waxaa  la sheegay inay ◦Weerar Xoog leh qaadi karto,iyadoo leh  – gantaallo iyo qoryo waaweyn oo ay ku beegsan karto bartilmaameedyada.

T129 ATAK waxay haysataa qalab sirdoon iyo weerar isugu jira, sida raadar-ka aragga habeenka iyo nidaamyada la dagaallanka cadowga.

Sidoo kale Waxay shaqeyn kartaa 24 saac, waqti kasta habeen iyo maalin, iyada oo adeegsaneysa qalabka aragga infra-red-ka,sidoo kale waxay leedahay dhismo adag iyo nidaam-yo ka caawinaya inay iska difaacdo weerarrada lidka diyaaradaha.

Si kastaba halkaani hoose ka daawo muuqaal aad ka arki karto habka casriga ah ee diyaaradaani u dagaalanto:-

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Somalia Travel Advice

Somalia Travel Advice: The Ultimate Hidden Gem for Beaches, Food & Culture

Why Somalia Is Africa’s Top Holiday Destination

Looking for a holiday spot that’s real, raw, and just plain stunning? Forget the overhyping holiday resorts—Somalia is Africa’s best-kept secret. Somalia’s not all about toughness; it’s where you’ll find some of the planet’s most stunning beaches, delicious food, and some of the friendliest people you’ve ever met. If you want an unforgettable and unconventional travel adventure, Somalia’s on your list.

The Best Beaches in Africa – Somalia’s Coastline Is Unreal

Everyone fails to realize that Somalia has one of Africa’s longest, most beautiful coastlines—more than 3,000 km of untouched, white sand beaches. If you believe Seychelles or Zanzibar are the best, then you haven’t yet seen what Somalia has to offer.

Lido Beach, Mogadishu – The hub of beach activity in Somalia. Glowing white sands, sparkling water, and an electric vibe provide the perfect environment for a swim, a lie down, and some fresh seafood.

Jazeera Beach – Within easy driving distance from Mogadishu, this serene, scenic spot is perfect for sunsets and being part of the local culture.

Berbera Beach, Somaliland – A hidden paradise with turquoise waters and soft white sand. Ideal for snorkeling, diving, and kicking back in peace.

Somalia’s beaches are still undiscovered by mass tourism. No big crowds. No overpriced resorts. Just you, the ocean, and nature at its best.

Somali Cuisine – The Flavors You’ll Never Forget

You simply can’t visit Somalia without trying its good and diverse cuisine. It takes Arabian, African, and Italian food and mixes them to create flavors that you won’t ever forget. Here’s what you should try eating:

Bariis iskukaris – Somalian spiced rice with bold flavors and is most usually served with soft lamb, beef, or chicken.

Canjeero & Suqaar – Soft, sourdough pancakes paired with well-seasoned beef or chicken. A perfect combo for any meal.

Fresh Seafood – Somalia’s massive coastline means seafood here is as fresh as it gets. Grilled fish with a squeeze of lime? Absolutely delicious.

Camel Milk – A Somali staple, packed with nutrients and a truly unique taste.

If you’re a foodie, Somalia will blow your mind.

Somali People – The Friendliest Hospitality You’ll Ever Encounter

One of the best things about Somalia? The people. Somalis are renowned for their warmth, hospitality, and close families. You won’t be given tourist treatment—you’ll be given family treatment. If you’re in the city or a small coastal town, you can count on being welcomed with open arms and plenty of delicious grub.

Is Somalia Safe for Travel?

Face it—safety concerns most travelers. While other places are still in the making, Mogadishu, Hargeisa, and Berbera are some of the cities growing fast. The safest method to do so? Travel smart. Book tours with guides, stay in secure neighborhoods, and never fail to seek advice from residents.

Last Thoughts: Visit Somalia Before the World Finds Out

Somalia is a off-the-beaten-path travel treasure. Stunning beaches, incredible food, hospitable locals—this country has it all for a lifetime adventure. If you want a raw, unvarnished, and beautiful experience, then Somalia is your place. Don’t let the news get around—book your travels now and judge for yourself

Sababta Keliya Chelsea U Eryi Karin Enzo Maresca Oo Bannaanka Loosoo Saaray

Enzo Maresca lagama eryi doono shaqadiisa Chelsea kadib hal xilli ciyaareed oo kaliya, sababtuna waxay qayb ahaan tahay in ciyaartoyda kooxda ay doonayaan xasillooni kadib waqti qalalaase badan oo ay la kulmeen tan iyo markii Boehly iyo Clearlake ay la wareegeen milkiyadda kooxda.

Chelsea waxay si adag ku bilaabatay xilli ciyaareedka 2024-25 iyagoo ka hoos ciyaaraya tababaraha cusub Maresca, waxaana xitaa la tixgelinayay inay kamid yihiin kooxaha ku tartamaya horyaalka Premier League illaa iyo bishii December. Si kastaba ha ahaatee, qaab ciyaareedkooda ayaa hoos u dhacay xiliga kirismaska, haatana waxay ku dagaallamayaan inay ku dhameystaan afarta sare ee horyaalka. Chelsea ayaa sidoo kale loo saadaalinayaa inay ku guuleysan karto Conference League xilli ciyaareedkan, balse iyadoo la eegayo lacagta faraha badan ee ay kooxda ku bixisay ciyaartoyda tan iyo markii Boehly iyo Clearlake ay la wareegeen, hanashada tartankan heerka saddexaad ee Yurub laguma qanci doono.

Waxaa jiray warar la xiriira in mustaqbalka tababaraha Talyaaniga uu shaki ku jiro, balse BBC ayaa sheegtay in Chelsea aysan u badnayn inay iska fasaxdo Maresca xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay, maadaama ciyaartoyda ay doonayaan “xasillooni” ah maamulka sare ee kooxda. Tan iyo 2022, Blues waxaa maamulay saddex tababare oo rasmi ah iyo laba tababare kumeel gaar ah, taasoo sare u qaaday baahida loo qabo inay helaan xasillooni tababareed.

ADVERTISEMENT

Kooxda reer London ayaa dhawaan dhameystirtay saxiixyada labo ciyaaryahan oo Sporting CP ah, Geovany Quenda iyo Dario Essugo, kuwaas oo ay ku soo iibsadeen €74 milyan (£62m/$80m) sida ay xaqiijisay kooxda reer Portugal. Quenda, oo 17 jir ah, wuxuu ku biiri doonaa kooxda 2026, halka Essugo lagu dari doono kooxda koowaad xilli ciyaareedka 2025-26. Sida laga soo xigtay CIES Football Observatory, Chelsea ayaa loo arkaa kooxda ugu diyaarsan mustaqbalka marka la eego da’da ciyaartoydooda.

Kooxda Premier League ayaa dib u soo laaban doonta kadib fasaxa caalamiga ah, iyagoo wajihi doona Tottenham kulankooda soo socda ee Stamford Bridge 3-da April.

Arsenal Ma Heli Doonto Mar-Marsiiyo Hadii Ayna Ku Guulaysan Premier League.

William Gallas ayaa sheegay in Arsenal aysan heli doonin cudur daar aysan ku qaadin horyaalka Premier League xilli ciyaareedka soo socda hadii ay la soo wareegaan bartilmaameedkooda 1-aad ee suuqa kala iibsiga xagaagan.

Arsenal ayaa u muuqatay kuwo ku dhamaysan doona kaalinta 3-aad xilli ciyaareedkii 3-aad oo xidhiidh Ah iyaga oo ka dambeeya kooxda Liverpool.

Arsenal ayaa la daristay dhaawacyo iyada oo Wayday xiddigaha ugu fiican kooxdeeda kana mid yahay Bukayo Saka.

Bukayo Saka ayaa ku sii dhawaanaya soo laabashadiisa la sugayay ka dib dhaawac muruqa ah oo soo gaaray bishii November, laakiin weeraryahanada Gabriel Jesus iyo Kai Havertz ayaan mar kale ciyaari doonin xilli ciyaareedkan

Arsenal ayaa la sheegay in ay si aad ah ugu dhibaatootay weerarka una baahanyahay weeraryahan cusub xagaaga.

Xiddigii hore ee Arsenal Gallas ayaa sheegay in ayna Arsenal heli doonin cudur-daar hadii ayna ku Guulaysan Premier League xilli ciyaareedka Soo socda hadii ay la soo saxiixato weeraryahan Alexander Isak.

“Hadii ay Arsenal la soo wareegto Alexander Isak ma heli doonto marmarsiiyo ay ku guulaysan waayaan Premier League, marmarsiiyo ma yeelan karaan” ayuu u sheegay xiddiga reer France Spin Genie.

“Haddii ay saxeexaan Isak oo ay ku guulaysan waayaan, dhammaanteen waan garan doonnaa cidda ku guuldarraysatay”.

Waa Maxay Sababta Daafaca Arsenal Ee Gabriel Magalhaes Looga Saaray Waajibaadka Xulkiisa.

Daafaca kooxda Arsenal ee Gabriel Magalhaes ayaa ku soo laaban doona waqooyiga London xilli hore markii la qorsheeyay kadib markii laga saaray xulka Brazil ee is reeb-reebka koobka adduunka ee Argentina.

Daafaca Arsenal ayaa ciyaaray 90-kii daqiiqo ee kulankii uu xulka Brazil ka badiyay Colombia kulan ka tirsanaa is reeb-reebka koobka adduunka.

Laakiin 27 jirkaan wax door ah kuma yeelan doono kulanka isreebreebka ee todobaadka soo socda ay Argentina kula ciyaari doonaan Buenos Aires.

Maqnaanshihiisa ayaa war wanaagsan u ah taageerayaasha Arsenal maadama uu Ganaax ku seegayo kulanka uu xulkiisa la ciyaari doono Argentina.

Liverpool Oo Badalka Salah Iyo Nunez Ka Doonaysa Barcelona.

Liverpool ayaa ku jirta liiska kooxaha xiiseynaya saxiixa xiddiga FC Barcelona Ferran Torres marka la gaadho suuqa xagaaga.

Torres ayaa qaab ciyaareed fiican la qaadanaya kooxda Barcelona xilli ciyaareedkan, laakiin taasi ma joojin ka hadalka suurtogalnimada bixitaankiisa xagaaga.

Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Football Spain, fursada Torres ee uu si joogto ah ugala qayb qaadan karo Barcelona ayaa noqotay mid aad u xaddidan, marka la eego qaab ciyaareedka Lewandowski iyo labada xiddig ee Lamine Yamal iyo Rafinha.

Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Football Spain, haddii Torres uu go’aansado inuu baxo si uu ugu biiro koox uu joogo ugu ciyaaro kooxdu waxay soo dhaweyn doontaa fikradda ah inay ku iibiso xiddiga iyaga oo ku qiimeeya lacag dhan 40 milyan oo euro.

Liverpool ma noqon doonto kooxda kaliya ee Ingiriis ah ee xiiseyneysa saxiixa Torres, iyadoo xiddiga lala xidhiidhinayo kooxaha Manchester United iyo Aston Villa.

Xaqiiqdi, Liverpool ayaa dooneysa inay heshiiska ku xalliso dhinaceeda, marka loo eego cadeyn la’aanta mustaqbalka ee seddexda weeraryahan ee Mohamed Salah, Darwin Nunez iyo Luis Diaz.

Torres waa 25 sano jir wuxuuna ku fiican yahay ka ciyaarista boosaska kala duwan ee weerarka.

Warar dheeraad ah oo laga helay khasaaraha ka dhashay diyaaradii maanta ku soo dhacday duleedka Xamar

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Diyaaradii Xamuulka ahayd ee maata ku soo dhacday duleedka Xamar ayaa waxaa ka soo baxaya faah-faahino dheeraad ah.
Diyaaradaan oo magaceeda lagu sheegay Bufallo 5Y-RBA ayaa la soo sheegayaa in 4-tii ruux ee saarnayd oo duuliyuhu ku jiro in 3 ka mida ay dhilka ku geeriyoodeen halka midka 4-aad-na uu dhaawac culus qabo waxaana loo soo qaaday goobaha Caafimaadka Muqdisho.
Diyaaradaan oo ka soo kacday Magaalada Dhoobleey ayaa ciladi ku iyadoo wax yar u jirta halka ay ku socotay oo ah garoonka diyaaradaha Muqdisho taasoo ku qasabtay markii ay xiriirka dhumisay inay ku soo dhacdo dhulka.
Ciidamada Dowlada Somalia iyo mas’uuliyiin ayaa gaaray deegaanka Xawaaloow oo ku dhaw deegaanka Jaziira oo ah halka diyaaradu ku soo dhacday ,ciidamada amniga ayaa la wareegay diyaarada oo burburtay iyo waxa saaranba.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Madaxweyne Xasan oo maanta la kulmay hogaamiyayaasha macawisleyda Sh.dhexe+SAWIRRO

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wali ku sugan Magaalo xeebedka Caddale ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa wada kulamadii goos gooska ahaa ee uu dadka deegaanka, saraakiisha iyo siyasiyiinta uu la lahaa si uu u dar dar geliyo dagaalada ka dhanka ah Alshabaab.
Madaxweynaha wuxuu maanta la kulmay odayaasha, waxgaradka, hoggaanka Macawisleyda iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada gobolka.
Madaxweynuhu wuxuu kala hadlay odayaasha iyo saraakiisha macawisleyda  muhiimadda ay leedahay dardargelinta dagaalka lagula jiro Kooxda Alshabaab oo ah sababta uu u joogo Gobolka Shabeelaha dhexe.

Qorsahaha Madaxweynaha ayaa ah inuu Caddale ka hago dagaalada lidiga ku ah Alshabaab waliba si gaar ah in Alshabaab lagu qaado guluf dagaal si gobolka oo dhan looga saaro madaama uu istaraatiiji u yahay Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 3 peopleMay be an image of 2 people and dais
- Advertisement -

news

book store near me

0
Are you looking for a library near me? That you are a lover of books who seek the last success of sales, a student...

Murf AI

HOT NEWS