Home Blog Page 11

Xildhibaanada Aqalka sare oo ansixiyay afar hindise sharciyeed

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga Lixaad kulankiisa 4-aad oo ajandihiisu ahaa:
1.Akhrinta Saddexaad ee Hndise Sharciyeedka Hay’addaha Maaliyadda.
2.Akhrinta Saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Canshuurta Dakhliga.
3.AkhrintaSaddexaad ee Hindise sharciyeedka Shirkadaha Caymiska.
4.Akhrinta Saddexaad ee Hindise sharciyeedka wax-ka-beddelka sharciga Lacag dhaqista iyo ka hortaga Maalgalinta Argagixisada.
Ugu horrayn, Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Sanatar Ibraahim Awgab Cismaan ayaa Sanatarrada la wadaagay xogta akhrinta labaad iyo sida uu guddigu u soo qaabeeyay Sharciyadyada Maaliyadda ee kor ku xusan, Intaas ka dib waxaa la gudagalay ansixinta Sharciyada Maaliyadda, iyagoo Sanatarradu mid mid ugu codeeyeen. Midwalbana waxaa codka kalsoonida siiyey 27 sanatar wax diiday ma jirin, waxaana ka aamusayna 1 sanatar oo kaliya.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradaha Maaliyadda XFS, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange oo kulanka maanta goobjoog ahaa, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare iyo Guddiga ka shaqeeyay sharciyada maanta la ansixiyay uga mahadceliyay, sida wanaagsan oo ay turxaan bixinta iyo toosinta ugu sameeyeen sharciyada loo ansixiyay oo muhiimad gaar ah u leh dadka iyo Dowladnimada Soomaaliyeed.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.May be an image of 1 person and daisMay be an image of 11 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 personMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and dais

Maxay ka dhigan tahay in labo wasiir hal bil gudeheed loo magacaabo wasaaradda gaashaandhigga xilligan xasaasiga ah?

XIGASHO BBC SOMALI

Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa markii labaad muddo bil iyo bar ah gudaheed ah sameeyey isku shaandhayn kooban ku sameeyey xubno ka mid ah golihiisa wasiiradda.

Barre, oo xilka Raysal Wasaaraha Soomaaliya loo magacaabay bartamihi bishii luuliyo ee sanadkii 2022-kii ayaa ugu yaraan 4 jeer labo sano iyo dheeraad uu xilkaas hayo isku shaandhaayn ku sameeyey golaha wasiirada.

Tii ugu dambaysay oo uu shalay sameeyey ayaa saamaysay wasaaraddo muhiim u ah dalka oo ay ka mid yihiin wasaaradda arimaha dibadda, gaashaandhiga iyo xafiiska Raysal Wasaaraha.

Saddex wasiir ayaa muddadaas isku baddelay wasaaradda gaashaandhigga xilli Soomaaliya ay wajahayso caqabado dhanka ammaanka ah iyo dagaal ay dowladdu kula jirto kooxda al-shabaab.

Sidaas oo kale wasaaradda arrimaha dibadda ayey isku kala baddeleen saddex wasiir iyadoo Soomaaliya ay kaalin muhima ka ciyaarayso diblomaasiyada caalamiga maadaama ay hadda ku fadhido kurisga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, sidaas oo kalana ay ku biirtay ururka Bulshada Bariga Afrika.

Dadka arrimaha ammaanka iyo diplomaasiyada ka faaloda ayaa qaba in isbaddelada badani ay dhaawaci karaan howlaha shaqo ee horyaalla wasaaraddaha.

Muhiimada Wasaaradda gaashandhigga iyo saameynta isbaddellada ku dhacay?Wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya

Inta badan waa mid la isku raacsan yahay muhiimada ay dal u leedahay wasaaradda difaaca marka ay timaado arrimaha ammaanka iyo la dagaalanka cadowga dalkaasi ee gudaha iyo dibadda.

Wasaaradda gaashandhigga ee Soomaaliya oo ah wasaarad ay horyaallaan howlo halbowle u ah dalka ayey xafiiskaasi qabteen saddex wasiir muddo labo sano iyo bar ka badan xukuumada Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa bishii Agoosto ee sanadkii 2022-kii lo magacaabay wasiirka gaashandhigga ee dalka kaas oo xilka hayey ilaa 17-kii Maarso ee sanadkan markaas oo xilka wasaaradda gaashandhigga loo magacaabay Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo xilka la wareegay bilowgii Bishan April ee sanadkan.

Jibriil, oo muddo saddex asbuuc ka yar jooga xafiiska ayaa mar kale wasaaradda loo magaacabay wasiir cusub taas oo muujisay in bil gudaheed ay xafiiska isku baddelayaan labo wasiir.

Axmed Macallin Fiqi oo xilalka ugu muhimsan ka qabtay dowladda ayaa hadda noqonaya wasiirka gaashandhiga ee dalka isagoo horrey u soo maamulay wasaaraddaha arrimaha gudaha iyo dibadda ee dalka, tani waxay Danjire Fiqi, ka dhigaysaa inuu saddex wasaaraddood oo muhima ka qabtay hal xukuumad muddo laba sanno iyo dheeraad ah.

Axmed Kaboole oo arrimaha ammaanka ka faallooda ayaa qaba in isbaddelo badan ee lagu sameeyo wasaarad sida gaashaandhigga oo kale ah ay keenaan xaaladdo markaa soo kordhay.

“Runtii muhiimadu waa in wasaaradda gaashaandhigga ay hesho degganaansho, hoggaan ciidan oo karti leh iyo qorshe istaraatiijiya oo waara, waxaan is leeyhay shaqsiyaad ayaa isbaddelaya waxaana mooddaa in lagu jaangoynayo weerarada dhaca isbaddelkaasi, taasina wax macna ma samaynayso,”ayuu BBC-da u sheegay Kaboole oo ku xeeldheer arrimaha ammaanka.

Dhinaca kale agaasimaha machadka daraasaadka ee Heritage, Mukhtaar Maxamuud Saney, ayaa BBC-da u sheegay in inkastoo isbaddeladu ay yihiin sunaha dowladnimada haddana ay ahayd in si qoto dheer wax loo eego.

“Waqti xasaasiya oo dalku marayo iyadoo dagaalka lagula jiro nimaankaas arggaxisda wasaaradda gaashandhiggu deganaansho ayey u baahnayd in la calwiyo uma baahnayn oo maalin qof cusub lagu tijaabiyo marka hore in laga fiirsado ayey ahayd qofka la geynayo xukuumadii kowaad ee la dhisayey, haddii marka qofka labaad la geynayana waxay ahayd in aad loo fiirsado,”ayuu yiri Saney

Wuxuu intaa ku daray inay tahay caqabad aad u weyn in wasaaraddaas ay ku dhacaan isbaddeladas noocaas ah waqtigan xaadirka ah aysana kaalameyn taas oo ku sheegay inay qayb ka tahay culaysyada haysta dowlad dhiska Soomaaliya.

Isbaddeladii wasaaradda arrimaha dibadda xilli Soomaliya fadhido Golaha Ammaanka

Inta badan waa mid la isku raacsan yahay muhiimada ay dal u leedahay wasaaradda difaaca marka ay timaado arrimaha ammaanka iyo la dagaalanka cadowga dalkaasi ee gudaha iyo dibadda.

Wasaaradda gaashandhigga ee Soomaaliya oo ah wasaarad ay horyaallaan howlo halbowle u ah dalka ayey xafiiskaasi qabteen saddex wasiir muddo labo sano iyo bar ka badan xukuumada Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa bishii Agoosto ee sanadkii 2022-kii lo magacaabay wasiirka gaashandhigga ee dalka kaas oo xilka hayey ilaa 17-kii Maarso ee sanadkan markaas oo xilka wasaaradda gaashandhigga loo magacaabay Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo xilka la wareegay bilowgii Bishan April ee sanadkan.

Jibriil, oo muddo saddex asbuuc ka yar jooga xafiiska ayaa mar kale wasaaradda loo magaacabay wasiir cusub taas oo muujisay in bil gudaheed ay xafiiska isku baddelayaan labo wasiir.

Axmed Macallin Fiqi oo xilalka ugu muhimsan ka qabtay dowladda ayaa hadda noqonaya wasiirka gaashandhiga ee dalka isagoo horrey u soo maamulay wasaaraddaha arrimaha gudaha iyo dibadda ee dalka, tani waxay Danjire Fiqi, ka dhigaysaa inuu saddex wasaaraddood oo muhima ka qabtay hal xukuumad muddo laba sanno iyo dheeraad ah.

Axmed Kaboole oo arrimaha ammaanka ka faallooda ayaa qaba in isbaddelo badan ee lagu sameeyo wasaarad sida gaashaandhigga oo kale ah ay keenaan xaaladdo markaa soo kordhay.

“Runtii muhiimadu waa in wasaaradda gaashaandhigga ay hesho degganaansho, hoggaan ciidan oo karti leh iyo qorshe istaraatiijiya oo waara, waxaan is leeyhay shaqsiyaad ayaa isbaddelaya waxaana mooddaa in lagu jaangoynayo weerarada dhaca isbaddelkaasi, taasina wax macna ma samaynayso,”ayuu BBC-da u sheegay Kaboole oo ku xeeldheer arrimaha ammaanka.

Dhinaca kale agaasimaha machadka daraasaadka ee Heritage, Mukhtaar Maxamuud Saney, ayaa BBC-da u sheegay in inkastoo isbaddeladu ay yihiin sunaha dowladnimada haddana ay ahayd in si qoto dheer wax loo eego.

“Waqti xasaasiya oo dalku marayo iyadoo dagaalka lagula jiro nimaankaas arggaxisda wasaaradda gaashandhiggu deganaansho ayey u baahnayd in la calwiyo uma baahnayn oo maalin qof cusub lagu tijaabiyo marka hore in laga fiirsado ayey ahayd qofka la geynayo xukuumadii kowaad ee la dhisayey, haddii marka qofka labaad la geynayana waxay ahayd in aad loo fiirsado,”ayuu yiri Saney

Wuxuu intaa ku daray inay tahay caqabad aad u weyn in wasaaraddaas ay ku dhacaan isbaddeladas noocaas ah waqtigan xaadirka ah aysana kaalameyn taas oo ku sheegay inay qayb ka tahay culaysyada haysta dowlad dhiska Soomaaliya.

Isbaddeladii wasaaradda arrimaha dibadda xilli Soomaliya fadhido Golaha Ammaanka

Si la mid ah wasaaradda gaashandhiga waxaa isbaddel dhowr jeer lagu sameeyey wasiiradii wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka.

Isbaddeladaas ayaa ku dhacay wasaaradda iyadoo Soomaaliya ay fadhido kursiga an joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay ku matasho wadamada Bariga Afrika iyadoo sido kale dalku ku biiray Dallada Bulshada Bariga Afrika.

Wasiirkii hore Abshir Cumar Huruuse ayaa bishii Agoosto sanadkii 2022-kii loo magacabay wasiirka arrimaha dibadda walow uu iska casiley xilkaas waxa wasaaradd loo magacabay Ahmed Macallin Fiqi 7-dii bishii April 2024-kii iyadoo hadda Cabdisalaan Cabdi Cali uu hoggaamin doono wasaaraddaasi.

Haddaba maxaa lagu fasir karaa samaynta diblomaasiyadeed ee isbaddeladaas?

Dr. Cabdiweli Maxamuud Gurey, waa aqoonyahan bartay siyaasadda iyo xiriirka caalamiga wuxuu BBC-da u sheegay in diblomaasiyada lagu qiimeeyo xasiloonideeda.

“Arrinta ugu wanaagsan oo saldhiga wasaaradda arrimaha dibadda waxaa weeyen waqti ku filan ayaa la siiyaa diblomaasiyiinta, tusaale ahaan safiirada waxaa la siiyaa afar sano cidda isku xiraysana waa wasiirka arrimaha dibadda marka hadii wasiirkii uusan waqti haysan waa dareemi kartaa , wasiirkii oo an baran dowladdihii oo an xog badna ka hayn oo an siyaasaddii waxyaabo badan oo dhacay ka turjumayn ayaa mid kale la keenaya”ayuu yiri Gurey.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Ciidamada iyo shacabka reer Xarar-dheere oo u dabaal degay magacaabista Wasiirka Gaashaandhiga+SAWIRRO

No description available.XARARDHEERE (DAYNIILE.COM)-Ciidanka deegaanka ee ku sugan degmada Xarardheere ee Koonfurta gobolka Mudug iyo Shacabka Magaaladaasi ayaa si diirran u soo dhaweeyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi.

Shacabka iyo ciidamada deegaanka ayaa dabaal degooda isugu soo baxay Magaalo xeebeedka Xarardheere iyagoo wata gadiidkooda dagalka iyo hubkooda culus kadibna hadalo kookoban ayay jeediyeen.

Sidoo kale ciyaaro dhaqameedyo iyo rasaas kor loo ridaayay ayay ugu bdabaal degeen xili shacab iyo ciidamaba laga dareemi karay wajiyadooda sida ay ugu faraxsan yihiin magacaabista Axmed Macalin Fiqi.

Sarkaal u hadlay ciidamada deegaanka ayaa goobta isu soo baxa ka sheegay in Wasiir Axmed Macalin Fiqi uu abaal badan ku leeyahay reer Xarardheere isagoo bil dhan la joogay xili uu dhiirigelin siinayay ciidamada deegaanka 2023 markaasoo deegaano badan laga baxay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMNo description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Dowlada Somalia oo ka qeyb-gashay shirka ganacsi ee u dhexeeya Carabta iyo Shiinaha+SAWIRRO

May be an image of 5 people, dais and textWasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamud Abdullahi Ahmed (Abukaate), ayaa maanta ka qeyb-galay Meertada 11-aad ee Shirweynaha Iskaashiga Ganacsi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Wadamada Carabta, oo si rasmi ah uga furmay magaalada Haikou, oo ah caasimadda gobolka Hainan ee Jamhuuriyadda Shiinaha.
Shirkan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale, maalgashi, iyo horumarinta warshadaha ee labada dhinac. Sidoo kale, shirkan waxa ka soo qeyb-galay madax sare oo ka kala socday dalalka Carabta iyo Shiinaha, kuwaas oo ka wada hadlayay fursadaha cusub ee iskaashiga iyo horumarinta xiriirka labada geesood.May be an image of ‎8 people, dais and ‎text that says "‎国一度 بنتڈدى التمر لتماون াক لمید 구 中主場 ผิว 中国-阿拉 China- The The1thChira- 11thChina- 11th الصيني * العربي التعاون 中国‎"‎‎May be an image of 5 people, suit, dais and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and text

Sarkaal ka tirsan ciidamada Xooga oo lagu dilay Balad-xaawo

BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)- Wararka ka imaanaya Gobolka Geddo ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland gaar ahaana Magaalada Balad-xaawo ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga Dalka oo lagu magacaabi jirey Indha-buur Axmed Diiriye.

Kooxo hubeysan oo loo maleynayo inay Alshabaab ka tirsan yihiin ayaa dilay sida wararka qaar sheegayaan wayna ka baxsadeen goobta markii ay dilka fuliyee.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in koxaha dilka fuliyay ay xirnaayeen dareyska ciidamada Xooga dalka,waxaana socda baaritaano la xiriira kiiskaasi mar hadii tuhumana ay jiraan.

Dilka sarkaalkaan ciidamada Milateriga Somalia ka tirsanaa ayaa ku soo aaday xili xiisad ay ka taagan magaaladaasi taasoo u dhexeysa ciidamada Faderaalka iyo kuwa Maamulka Jubaland.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Alshabaab oo Saaka madaafiic ku garaaceen xerada Xalane

Tira madaafiic nuuca hoobiyaha loo yaqaan ayay Kooxda Alshabaab waxay saaka a eegteen xerada xalane ee Magaalada Muqdisho halkaasoo ay ka degan yihiin hay’adaha shisheeye sida Qaramada Midoobe iyo safaaradaha dalaka rer galbeedka.

Hoobiyayaashaan oo ahaa ilaa baaooto ayaa la soo warinayaa inay gudaha xalane ku dhaceen inkastoo aan laga heyn ogta khasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi.

Mid ka mid ah madaafiida ayaa ku dhacay nawaaxiga mafcon oo ah xarun muhiim u ah shqaalaha qaramada midoobe.

Kooxda Alshabaab oo weerarka ka dib sheegatay inay iyaga ka dambeeyaan ayaan warkooda ku darin hadii ay jirto khasaare nafeed oo ka dhashay weerarkooda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Dowlada oo ka hadashay Howlgalo dhul iyo cir ah oo ka dhan ah kooxda Alshabaab

Af-hayeenka Wasaarada Gaashaandhiga Somalia Sheekh Abuukar ayaa ka war bixiyay howlgalo dhulka iyo cirka isugu jira oo ka dhan ah kooxda Alshabaab kuwaasoo dhamaantood ka dhacay gobolka shabeelaha dhexe.

Sheekh Abuukar wuxuu sheegay in ciidamada Xooga oo kaashanaya kuwa deegaanka ay weerar ku qaadeen deegaanka Tawakal oo ku dhaw Degmada Aadan Yabaal halkaasoo sida uu sheegay ay isku urursanayeen kooxda Alshabaab.

Sarkaalkaan wuxuu sheegay in weerarkaasi jab xoogan lagu gaarsiiyay dagaalamayaashii Alshabaab ka tirsanaa.

Sidoo kale mar uu ka hadlayay duqeyn dhanka cirka ah oo laga fuliyay deegaanka sumadaale ayuu sheegay in lagu dilay ilaa 60 ka tirsanaa kooxda alshabaab,afhayeenka wuxuu intaasi ku daray in dadka deegaanku ay la wadaageen tiradaasi oo ah khasaaraha soo gaaray alshabaab .

Deegaanka Towfiiq oo ku dhaw Degmada Masaajid Cali Gaduud duqeyn iyadana lala eegtay ayuu Afhayeenku soo hadal qaaday ,wuxuuna sheegay in lagu dhameeyay intii ka soo hartay firxadka alshabaabii ka soo cararay deegaanka Wargaadh.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Liverpool oo garaacday Tottenham kuna guuleysatay Horyaalka Premier League

XIGASHO LAACIB.NET

Liverpool ayaa gaartay guul weyn kadib markii ay 5-1 ku xasuuqeen Tottenham Hotspur kulankii 34-aad ee horyaalka Premier League ee ka dhacay garoonka Anfield.

Tottenham ayaa hoggaanka la wareegtay daqiiqaddii 12aad markii Dominic Solanke uu dhaliyay goolka koowaad, balse Liverpool ayaa si degdeg ah uga jawaabtay iyadoo Luis Díaz uu goolka barbaraha keenay daqiiqaddii 16aad.

Mac Allister ayaa u dhaliyay Liverpool goolkii labaad daqiiqaddii 24aad, halka Cody Gakpo uu dhaliyay goolkii saddexaad daqiiqaddii 34aad ee qeybtii hore.

Daqiiqaddii 63aad ee ciyaarta, Mohamed Salah ayaa dhaliyay goolka afraad ee Liverpool, waxaana Udogie si kama’ ah isaga dhaliyay goolkii shanaad ee Tottenham daqiiqaddii 69aad.

Guushan ayaa Liverpool u korodhsatay dhibcaha ilaa 82, iyagoo si rasmi ah ugu guuleystay horyaalka Premier League, halka Tottenham ay kusii jirto kaalinta 16aad iyadoo leh 37 dhibcood.

Liverpool Oo Garaacday Tottenham Kuna Guuleysatay Horyaalka Premier League

Muxuu Mohamed Salah ka yiri hanashada Liverpool ee Premier League xilli ciyaareedkaan

XIGASHO LAACIB.NET

‘Waa maxay awooddayda’ – Mohamed Salah oo ka hadlay saameynta ‘layaabka leh’ ee uu ku yeeshay guusha Liverpool, xiddiga Masarna qirtay in hanashada Premier League ee xilli ciyaareed kaan ay “ka sii duwan tahay” sidii uu ula guuleystay horyaalkii hore Jurgen Klopp.

Mohamed Salah ayaa shaaca ka qaaday sababta ay hanashada horyaalka Premier League ee 2024-25 ugu gaar tahay marka loo barbardhigo guushii hore ee ay la gaareen tababarihii hore ee kooxda.

Salah ayaa sidoo kale ahaa xiddig muhiim ah markii Liverpool ay 2020 qaaday horyaalkeedii ugu horreeyay muddo 30 sano ah, balse wuxuu qirtay in uu dareemayo in guusha sanadkan ay ka macno badan tahay tii hore, isagoo sheegay in la qabsashada tababare cusub iyo koox cusub ay muujinayso qiimaha uu leeyahay Anfield.

Salah ayaa BBC Sport u sheegay:

“Waa wax layaab leh. Inaan horyaalka ku guuleysto iyo saameynta aan yeeshayba waa wax aan la rumaysan karin. Aniga ahaan, horyaalkaan wuxuu ahaa dareen gaar ah. Jurgen [Klopp] muusan joogi , ciyaartooy kale oo aan si weyn u ixtiraamo ma joogin, balse inaan guuleysanay iyadoo tababare cusub iyo koox cusub nala joogaan waxay muujinaysaa waxa aan awoodno.”Muxuu Mohamed Salah Ka Yiri Hanashada Liverpool Ee Premier League Ee Xilli Ciyaareed Kaan

- Advertisement -

news

Murf AI

0
Murf AI: The Ultimate Platform for High-Quality Voiceovers in Multimedia Content In present day day virtual international, content introduction is extra important than ever. Whether...

book store near me

HOT NEWS