Home Blog Page 116

Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka oo beeniyay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu duray Digniintii amni ee kasoo baxday Safaarada Mareykanka

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Mareykanka Daahir Carab ayaa shaaca ka qaaday in aysan xiriir lahayn khudbadii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Jimcihii jeediyay kagana hadlay inay jiraan dad shisheeye iyo kuwa gudaha kusugan oo abuuraya amni darri iyo digniintii kasoo baxday Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya.

Safiir Daahir Carab ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya khudbadiisu ay ahayd mid ku wajahan shacabka uuna kaga hadlay arrimaha xilligaan ka taagan Soomaaliya gaar ahaan dagaalada socda iyo sidii loo garab istaagi lahaa Ciidamada Soomaaliyeed.

Waxa uu xusay in xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo Dowladda Mareykanka oo xogaha amaanka ku saabsanna ay la wadaagto taa uu carabka ku dhuftay inay cadeeyn u tahay in si dhab digniinta loo qaaday kadib go’aanadii kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada ee todobaadkii hore dhacay.

Safiirka ayaa hadalkaan ka sheegay wareysi uu siiyay VOA laanteedi af Soomaaliga isagoo xusay in wararka rasmiga ah ee ammaanka la xiriira meelaha laga qaadanayo ay tahay Xukuumadda Soomaaliya.

Wixii ka dambeeyay khudbadii uu Jumcihii jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa jiray hadal hayn farabadan oo ka dhalatay iyo fasiraado kala duwan oo laga bixiyay taa oo ay ugu weyneed in Madaxweynaha uu meesha ka saaray digniintii Safaarada Mareykanka kasoo saartay in Al shabaab qorsheenayaan inay weeraro ka geystaan gudaha caasimadda Muqdisho.

Qatar” Weerar Lagu Qaado Xarumaha Nukliyeerka Iran Waa Khatar Weyn oo Ku Habsata Gacanka”

Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta weerar lagu qaado xarumaha nukliyeerka ee Iran, isagoo xusay in arrintaasi ay sababi karto dhibaatooyin ba’an oo saameynaya guud ahaan waddamada Gacanka Carbeed.

Digniintan ayaa timid xilli xiisadda gobolka ay cirka isku sii shareerayso, iyadoo laga cabsi qabo in dagaal dhaco.

Haddii xarumaha nukliyeerka la burburiyo, sunta halista ah ee ka soo baxda waxay sababi kartaa wasakhayn ba’an oo gaarta biyaha Gacanka, taasoo si toos ah u saameyn karta nololsha shacabka ku nool Qatar, Imaaraadka iyo Kuwait.

Biyaha Gacanka oo ah isha ugu weyn ee biyaha laga cabo iyo kalluumeysiga, ayaa la filayaa in ay si xun u wasakhowaan haddii shil nukliyeer ahi dhaco, taasoo halis gelinaysa nololsha malaayiin qof.

Sunta nukliyeerka waxay sidoo kale keeni kartaa cudurro halis ah sida kansarka, dhibaatooyin dhanka neef-mareenka ah iyo waxyeello xagga taranka ah, maadaama ay hawada, biyaha iyo cuntaduba wasakhowi karaan.

DFS oo sheegtay in booqashadii madaxweynaha Soomaaliland uu Imaaraadka dhowaan ku tagey aysan xariirka labada dal waxba ka badelayn

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xariirka ay la leedahay dalka isku tagga Imaaraadka carabtu uu aad u wanaagsanyahay, islamarkaana aanu wax ka badelayn booqashadii heerka sare ahayd iyo marti-qaadkii madaxweyne ee ay dhowaan u sameeyeen madaxweynaha Soomaaliland Cabdiraxmaan Cirro.

Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad oo wareysi siiyay TV-ga dowladda ayaa sheegay in Imaaraadku ay dhowaan madaxweynaha Soomaaliland ku marti-qaadeen shir ganacsi, taasi aysan wax dhibaato ah keenayn, asagoo intaa ku daray in ay Soo dhoweynayaan in madaxda dowlad goboleedyadu ay sidoo kale shirarka noocaas ah ka qeyb-galaan.

Dowladda Imaaraadka ayaa dhowaan madaxweynaha Soomaaliland ku mart-qaaday hab-maamuus heer madaxweyne dal, si uu ugu qeyb-galo, shirkii World Governments summit, ayadoo ay xusid mudan tahay in wasiirro DFS ka socatay lagu qoray magaca “Somaliland Republic”, inkastoo dib loo saxay.

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa dhowaan sheegay inay qaadayaan tillaabooyin ka dhan ah hab-dhaqanka Imaaraadka, asagoo sheegay inaysan oggolaan doonin faragelin Arrimaha gudaha dalka lagu sameeyo.

Ciidanka oo dalka oo howlgal ay ka sameeyeen shabeellada hoose ku diley hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 143-aad ee guutada 14-ka October ayaa howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ku ku dilay madixii kooxda Al-Shabaab uqaabilsanaa Sakawaadka iyo Sahanka deegaanka Beledul-amiin ee degmada Afgooye.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Daa’uud Maxamed Maleele ayaa ka howlgali jirey tuulooyinka hoostaga deegaanada Sabiid iyo Beledul-amiin, si gaar ah dadka beeraleyda ah ayaa la sheegay inuu ka qaadi jiray Sakawaadka.

Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhagarqabe Daa’uud ku dilay deegaanka Beledul-amiin ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegtay warbaahin

Dagaal beeleed ka socda gobolka Sanaag

Wararka ka imanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dagaal beeleed uu ka socdo deegaanka Dooxada Dureera, oo u dhaxaysa Damala-xagare iyo Dawaco.

Dagaalkan ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo ismaandhaaf ka dhashay dhul daaqsimeedka Dureera, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ku dhowaad 10 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalka.

Dagaallada beelaha ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo noqnoqday gobolka Sanaag. bishii Agoosto 2023, dagaal beeleed sababay dhimashada ugu yaraan 5 qof iyo dhaawaca in ka badan 10 qof ayaa ka dhacay degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag.

Sidoo kale, bishii December 2023, dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Dararweyne ayaa sababay dhimashada saddex qof.

Gobolka Sanaag ayaa ka mid ahaa meelaha degan ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Mareykanku uu dib u fasaxay dhaqaalihii uu Soomaaliya ku taageeri jirey

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Mareykanku uu dib u fasaxay deeqihii maaliyadeed ee uu Soomaaliya siin jirey, islamarkaana lacag ka badan bilyan barkii uu sanad walba ku bixin doono amniga dalka.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in aysan wax walba iska badelin dhaqaalihii uu ku bixin jirey amniga Soomaaliya, sidoo kale uu dib u fasaxay lacagtii uu ku bixin jirey arrimaha Bini’aadantinimada.

Maamulka Trump ayaa dhowaan meesha ka saaray shaqooyinkii ay qaban jirtay hay’adda USAID, taas oo walaac ku abuurtay dalal ay Soomaaliya kamid tahay oo dhaqaale mashaariic iyo kab miisaaniyadeed isugu jirta ka heli jiray Mareykanka.

Degdeg:- Qarax xoog badan ayaa ka dhacey Muqdisho . Dhanka D/Wadajir ee xiga garoonka diyaaradaha

Qarax xoog badan ayaa ka dhacey Muqdisho . Dhanka D/Wadajir ee xiga garoonka diyaaradaha ayaa laga maqley rasaas ayaana socota.

Qaraxa aya ahaa mid aad u xoogan waxaan la ogeyn. bartilmaameydka qaraxa hase ahaate xabado aya la maqlay dhinaca wadajir gaar ahaan garoonka diyaaradaha aagagarkiisa.

wixi faahfaahin ah halkaan kala soco.

Madaxweyne Saciid Deni “Waxaan rabnaa in amniga iyo nolosha dadka aan la siyaasadeynin marnaba, amnigu siyaasad ma galo,”

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa kulan la qaatay Cuqaasha iyo Nabadoonada Gobolka Bari, isaga oo kala hadlay  arrimaha la xiriira hawlgalka ka dhanka ah Daacish iyo halka ay marayaan.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyaya ciidamada Puntland qeybta ka ahaa dagaalkii Daacish ee Buuraha Calmiskaad, isaga oo sheegay in waxii maanta ka horeeyay uu cafiyaya dambiyada ay galeen

Sidoo kale, waxa uu carrabka ku adkeeyay in hadda kaddib aysan dhici doonin qof laga garaabi doono amni darro,isaga oo tilmaamay cidii isku dayda in ay amniga carqaladeyso dhinac loogu soo jeesan doono.

“Ammaan darro cid aan ku xurmeyn doono majirto, mid-dhow iyo mid-dheer ba. Waxaan rajeynaa iskuduubnidaas maanta la muujiyay ciddii isku dayeysa in ay carqaladeeyso in aan meel ugu soo wada jeesanno,” ayuu yiri, Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

Dhanka kale, waxa uu tilmaamay in aan amniga la siyaasadeen oo lakala saaro, isaga oo tilmaamay in uu amniga siyaasad galin.

“Waxaan rabnaa amniga iyo nolosha dadka in aan la siyaasadeynin marnaba, amnigu siyaasad ma galo,”  ayuu yiri, Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

Hadalka Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni, ayaa imaanaya xilli uu dhawaan uu ku dhawaaqay hawlgalka wejiga 3-aad ee dagaalka ka dhanka ah Daacish.

Deg Deg. Buundii ay kasoo gudbi jireen Kooxda AS oo la bur buriyey.

Buundii ay kasoo gudbi jireen Kooxda AS oo la bur buriyey.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo Kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa burburiyay Buundadii ay ka soo gudbeen Khawaarijtii ka dagaalantay Gobolka Shabellaha Dhexe.

- Advertisement -

news

Weekly Meal Planner and Grocery List | Google Sheets Digital Template...

0
Weekly menu and shopping list | Digital model of Google sheets | Automated purchase list | Food preparation | Printable digital food planner Plan your...

Murf AI

book store near me

HOT NEWS