DAYNIILE.COM
Wiilka uu dhalay Madaxweyne Xasan oo xil ciidan loo magacaabay
DAYNIILE.COM
Madaxweyne Xasan “Musharaxnimadeyda wali go’aan kama gaarin
MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay marka muda xileedkiisu dhamaado inuu mar kale isasoo sharaxayo iyo inuu ka tanaasulayo arimahaasi.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in waqti xaadirkaan uusan go’aan rasmi ah ka gaarin inuu mar kale isasoo sharaxayo.
“Wali ma go’aansan inaan Musharax noqdo, hada waxaan xooga saaray dhanka amniga” ayuu yiri Madaxweyne Xassan
Wuxuu intaasi ku daray inuu shaacin doono go’aankiisa marka doorashada xiligeeda la gaaro, sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay inay ku xirnaan doono go’aankiisa had-ba siyaasada halkeey mareyso.
Madaxweynaha wuxuu sidoo kale sheegay inuu xooga saarayo sidii dalka uu uga dhici lahaa doorasho qof iyo cad oo Dowladiisu ku talo jirto inay hirgeliso.
Xassan Sheekh oo wareysi siiyay warbaahin Kenya laga leeyahay ayaa mar uu ka hadlayay amniga wuxuu sheegay in wax badan ay u qabsoomeen madaama ololohiisii musharaxnimada ay ku jirtay inuu kooxda alshabaab dagaal la galo.
“markaan madaxtooyada ku soo laabtay 2022 waxaan ku guuleysanay inaan hagaaajino amniga Muqdisho oo qaraxyadu bil kasta dhici jireen hada aad bay u yaraadeen”ayuu yiri Madaxweyne Xasan oo intaas ku daray in Muqdisho amnigeeda ay qeyb ka qaateen dhismooyinka daaraha dheedheer ee xamar ka socda iyo maalgashiga socda.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Xamaas oo shaacisay weeraro ay ku qaaday ciidamada Yuhuuda
QAZA (DAYNIILE.COM)-Mujaahidiinta Xamaas ayaa ka war bixiyay weeraro ka dhan ah ciidamada Israel ee ku sugan magaalada Gaza kuwaasoo ay marar iyo goobo kala duwan fuliyeen saacadihii ugu dambeeyay.
Guutada al-Qudus ee garabka melleteriga ee Jihaad Islaami ah ee falastiiniyiin ayaa sheegay in dagaalyahanadooda ay gantaal la hagayay ku garaaceen dhismo ay ciidamada Israel gabaad ka dhiganayeen magaalada Gaza.
Dhanka kale, Guutada Qassam ee Xamaas ayaa sheegtay in ay beegsatay taangi uu ku jiro gantaalaha lidka hubka ayna ku qarxiyeen walxaha qarxa askarta Israa’iil ee ku sugan isla aagga.
Inta badan Gaalada jabkooda waa qarsadaan mana jirto warbaahin u dhiiran karta inay markiiba gaaraan meelaha qaraxyada iyo weerarada lagula beegsado xili lagu yaqaan inay wariyayaasha dilaan xitaa cirka waa ka soo duqeeyaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalada buuraha Yasooman iyo Abooreey
YASOOMAN (DAYNIILE.COM)-Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xooga iyo kuwa deegaanku isla qaadeen duulaan ka dhan ah dagaalamayaal alshabaab ka tirsan oo ku sugnaa buuraha Yasooman iyo Abooreey.
Dagaalka oo ahaa howlgal qorsheysan ayay ciidamada isbahaysanaya waxay ka fuliyeen goob ay dib isugu abaabulayeen Alshabaab maalmihii ugu dambeeyay isla aagaasi cashir lagu siiyay.
Ciidamadas Dowlada iyo kuwa deegaanka oo ka warheysay qorshaha ay alshabaab ku doonayeen inay duulaan ku soo qaadaan ayaa ka kor dhacay kadibna waxay ka harqiyeen rasaas iyo gantaalaha garabka laga rido.
Ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka waxaa u suurtagashay inay cagta mariyaan kooxdii Alshabaab isla markaana ka eryaan agaaas oo dhan xili ay doonayeen inay isasoo abaabulaan kadibna weeraro soo qaadaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Maxaa ka jira wasiirka arimaha dibada loo rabay shaqsi qurba joog ah
MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in kooxda Madaxweyne Xassan ku gadaaman ay xilka Wasiirka arimaha dibada la rabeen shaqsi qurba koog ah kaasoo aan la ogeyn inuu yimid iyo inuu wali qurbihiisa jiro.
Ninkaan oo Mareykanka jooga ayaa hore mar hadal heyntiisu u soo baxday balse labadii maalmood ee u danbeysay ayay aad u xoogeysatay iyadoo wararka qaar sheegayaan in si gaar ah uu ninkaasi u wato Wasiiru Dowlaha wasaarada arimaha dibada Cali Balcad oo aad ugu dhaw madaxweynaha.
Kooxda Madaxweynaha waxaa ka guuleystay oo dhankiisa qorsheynayay inuu xilkaan isagu qabto Ra’iisulwasaare xigeenka 2-aad ee dalka C/salaan Cabdi Cali kaasoo ugu dambeyn galabta loo magacaabay, waxaana wax la waday Xamsa Cabdi Barre.
Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha ayaa ugu dambeyn ku qancay in C/salaan Cabdi Cali lagu aamini karo wasaarada arimaha dibada si Fiqi gaashaandhiga loo geeyo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Wasiir Muqdisho ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya



Israa’iil oo weerartay caasimadda Lubnaan iyo wararkii ugu dambeeyay ee Gaza
Israa’iil ayaa weerar cirka ah ku qaaday duleedka koonfureed ee caasimadda Lubnaan ee Beirut, taasoo cirka isku shareertay qiiq aad u badan.
Ciidamada Israel ayaa xoojiyay weerarada guud ahaan marinka Qaza, iyagoo dilay ugu yaraan 50 falastiiniyiin ah tan iyo waaberigii Axadii.
Dhex dhexaadiyaha Qatar ayaa sheegay in xoogaa horumar ah laga gaaray wadahadallada lagu doonayo in lagu xaqiijiyo heshiis cusub oo dhexmara Israa’iil iyo Xamaas.
Ugu yaraan 52,243 falastiiniyiin ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 117,639 ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo markii uu billowday 18 bilood ka hor. Xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Gaza ayaa cusboonaysiiyay dhimashadeeda in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.
Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Ra’iisulwasaare Xamsa oo isku shaandheyn kooban ku sameeyay Golaha Wasiirada
MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi-Barre ayaa goor dhaw oo galabta ah isku shaandheyn kooban wuxuu ku sameeyay Golaha Wasiirada Somalia iyadoo laba wasiir xilalka laga badalay.
Axmed Macalin Fiqi oo ahaa Wasiirkii arimaha dibada ayaa xilka laga qaaday waxaana loo badalay Wasiirka Gaashaandhiga Somalia.
Wasiirkii Gaashaandhiga Jabriil C/rashiid ayaa xilkaasi laga qaaday waxaana loo badalay Ra’iisulwasaare xigeen 2-aad inuu noqdo.
Ra’isiulwasaare xigeenkii 2-aad C/salaan Cabdi Cali ayaa xilkaasi laga qaaday waxaana loo badalay oo loo magacaabay wasiirka Arimaha dibada Somalia.
Ma jirto masuul kale oo isku shaandheyntaani ay saameyay, waxayna arintaani ku soo aadeya xili maalmihii ugu dambeysay la hadal hayay in Madaxweyne Xassan uusan ku qanacsaneyn ninka dhawaan loo dhiibay Wasiirka Gaashaandhiga Jabriil kaasoo aan ku firfircooneyn shaqadaasi xili dalku dagaal ku jiro.
Guud ahaan isku shaandheyntaani waxaa loo sameeyay dalab iyo codsi ka yimid Madaxweyne Xassan oo uu u gudbiyay Ra’iisulwasaaraha Somalia Xamsa taasoo salka ku heysa in Wasaarada gaashaandhiga loo helo qof ku haboon, waxaana ugu dambeyn loo dhiibay Fiqi oo Madaxweynaha saaxiibadiisa ugu horeeya ka mid ah.
Dooqa ah in Wasiir Fiqi gaashaandhiga loo dhiibo maalmo ka hor ayaa la isla gartay laakiin waxaa wareer ka taagnaa cida wasaarada arimaha dibada ka bixi karta ee isaga lagu badei karo taasoo ilaa iyo galabta soo gaaray waxaana ugu dambeyn madaxda sare isla garteen in Ra’iisulwasaare xigeenka iyo Wasiirka gaashaandhiga la isku badalo madaama ay isku reerna ka soo jeedaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM