Home Blog Page 17

Macawisleyda Hiiraan iyo Milateriga oo Galabta howlgal isla fuliyay

Ciidamo ka tirsan Milateriga Somalia iyo kuwa macawisleyda Gobolka Hiiraan ayaa galabta isla fuliyay howlgal ka dhan ahaa kooxda Alshabaab.
Howlgalka ayaa ka dhacay inta u dhexeysa Yasooman iyo Abooreen waxayna ciidamada is bahaystay weerar ku ekeeyeen Alshabaab aagaasi isku urursanaysay.
Ciidamada Dowlada iyo kuwa macawisleyda waxay ka hor tageen weeraro ay alshabaabku qorsheynayeen kadib markii ay dagaal kala hortageen kaasoo waqti kooban qaatay.
Faah-faahin buuxda lagama hayo dagaalkaasi iyo khasaaraha kala garay dhinacyada ,mana jirto warar dhanka Dowlada ka soo baxay oo sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay howlgalkaani.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 1 person and Uluru

Ciidamada xooga oo burburiyay goobo Alshabaab gaadiidka lacag uga qaadi jireen

Sida lagu shaaciyay raadiyaha Dowlada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey Deeganada Maduulow ,Xasan Biid iyo C/hi Garweyne.
Howlgalka waxaa lagu burburiyay guud ahaan goobihi ay ku baadi Jireen Shacabka ,Howlgalkan ayaa waxaa fuliyey Uruka 26Aad ee guutada 6aad qeybta 60aad XDS.
Sidoo kale waxana hogaaminayey Hawlgalka Taliyaha Ururka 26 Guutada 6’aad Qaybta 60 XDS Gashaanle Faarax xirsi cabdule.
Dowlada ayaa soo bandhitay sawirada waxyaabihii ciidamadu kula soo wareegeen intii ay howlgalka ku jireen.May be an image of motorcycle, scooter and dirt bikeMay be an image of 1 person and textMay be an image of ‎1 person, studying and ‎text that says "‎STIND WACADALABOCD QEYBTA: GANDUEN 1343 والولايات السیاسة ساني ار MANTASAA VAALIVADA Y NoOs AnAAMΚ- WAROADDA DALAGYADA BEERAHA OEyBTA: 35 والولايات السياسة AЛEИAЛOKA‎"‎‎May be an image of motorcycle and dirt bikeMay be an image of 2 people, motorcycle, dirt bike, scooter and textMay be an image of ‎one or more people, money and ‎text that says "‎oTpeAR MAKTABKA WILAAYADAISLAAMIGA WILAAYADA MAALIYADA SH/HOOSE ISLAAMIGA لوللمة WARQADDA LASOCODKA واوللايي ီသော်မတကါရါ် الإسلامية البالي السفلى المعتب شبیلی ΕΥBTA: DHAQDHAQAAQA GAA 1345 والولايات اسة WILAAYADA ISLAAMIGA EE SH/HOOSE بالولابامة السياسة WARQADDA DALAGYADA BEERA ΕA: 350‎"‎‎

Xaakim Mareykan ah loo xiray caawinta Tahriibayaal 

Agaasimaha FBI-da Kash Patel ayaa sheegay in xaakim Mareykan ah loo xiray caawinta muhaajiriin aan sharciyeysneyn oo ka baxsanaya wakiillada federaalka, taasoo sare u qaadeysa halganka sii kordhaya ee Aqalka Cad iyo maxkamadaha ee ku aaddan siyaasadaha tarxiilka adag ee madaxweyne Donald Trump.

Dhanka kale Ergeyga Maraykanka Steve Witkoff iyo Vladimir Putin ayaa ka wada hadlay suurtagalnimada wadahadalka tooska ah ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine intii lagu jiray kulan ka dhacay Moscow, Kremlin ayaa sidaas yidhi.

Suuqyada saamiyada Wall Street ayaa hoos u dhacay ka dib markii Trump uu muujiyay inuu saadaaliyay canshuur adag oo Mareykanka ah xitaa ka dib markii uu gaaro heshiisyo ganacsi.

Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu “hogaamin doono kooxda” weerarrada Iran haddii wadahadallada ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka ee Tehran aysan ka soo bixin heshiis cusub, sida uu sheegay wareysi uu siiyay Time Magazine.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

WFP oo sheegtay in keydkii cunada ee reer Gaza inuu dhamaaday

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada ee WFP ayaa sheegtay in kaydkii gargaarka ee raashinka ee Gaza ay gebi ahaanba dhammaatay sababo la xidhiidha go’doominta guud ee Israa’iil ee siddeedda toddobaad ah.

Xafiiska warbaahinta ee Gaza ayaa ka digay in xannibaadda ay gelisay in ka badan 1 milyan oo carruur ah halis macaluul ah, iyagoo ka codsanaya gelitaanka cunto, daawo iyo shidaal marinka.

Wasaaradda caafimaadka ee deegaanka ayaa sheegtay in meydadka 84 qof oo lagu dilay weerarrada Israel ay soo gaareen cisbitaallada Gaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, oo ay ku jiraan lix qof oo hore loo dilay oo markii dambe la soo kabsaday.

Ugu yaraan 51,439 falastiiniyiin ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 117,416 ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo markii uu billowday 18 bilood ka hor.

Xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Gaza ayaa cusboonaysiiyay dhimashadeeda in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.

Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay 7-dii Oktoobar 2023 in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Wasiir C/raxmaan Ceynte oo madaxdii dalka soo martay dhamaantood si xun u bah-dilay 

Wasiir hore  C/raxmaan Ceynte oo goor dhaw qoraal dheer soo dhigay baraha bulshada ayaa  ku dhaliilay dhamaab  madaxdii dalka soo martay xatooyo xoolo dadweyne iyo waxqabad la’aan dhanka amniga.
Wasiirkaan hore wuxuu si weyn ugu dhaliilay afartii madaxweyne ugu dambeysay ee dalkaan soo hogaamisay in caalamku malaayiiin doolar ku qarash gareeyay inay soo saaraan ciidamo looga maarmo kuwa shisheeye ee midowga Afrika isagoona tusaale u soo qaatay wali ciidan shisheeye dalku u baahan yahay oo Madaxweyne Xasan u joogo Dalka Uganda arimo nuucaas ah.
Hadaba qoraalkaan oo dhamaantiis u eg kuwo rajo beel siyaasadeed ah halkaan ka akhriso qoraalka Wasiirka hore oo sidiisa u qoran:-
Bismillah,
Maanta waxaa magaalada #Kampala ee dalka #Uganda ku qabsoomay shir madaxeed looga arrinsanayay Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM. Shir madaxeedkan wuxuu kusoo beegmayaa 18 sano kaddib markii ay ciidankaas ka howl billaabeen #Soomaaliya (31 Maarso 2007). Kutalagalku wuxuu ahaa iney saddex sano oo kaliya joogaan!
18-kaas sano waxaa Soomaaliya loo soo tabaray ciidan kor u dhaafaya 100,000. Waxa balaayiin dollar lagu bixiyey hubeynta iyo tayeynta ciidankeenna. Hiil iyo hooba wuxuu adduunku la garab istaagay xukuumadihii hoggaanka dalka isaga dambeeyay.
Yoolka ugu muhiimsan ee ciidankaas loo keenay dalkeenna wuxuu ahaa iney baritaaraan dowlad nugul oo garab iyo gaashaan ugu baahneyd si ay amniga gayigeeda ugu filnaato, ugana adkaato kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.
Madaxdii isaga dambeysay hoggaanka dalka waxay shacabkooda iyo adduunkaba u ballan qaadayeen iney gaari doonaan isku filnaan amni, Khawaarijtana ka adkaan doonaan, lagana maarmi doono ciidanka ajnabiga ah.
Ha yeeshee, marka uu sii dhammaanayo muddo xiloodkooda ayuu madaxweyne walba afka furanaayay, isagoo ku cabaadayay in “mar kale fursad la siiyo” si uu “dib ugu soo dhiso ciidan tayo leh oo hanan kara amniga dalka.”
Sida uu Suubbanihii Nabi Maxamed, NNKH, inoo sheegay, “qofka Muslimka ah hal god laba mar lagama qaniino.”
RUNTA QARAAR waxay tahay, hoggaankii dalka isaga dambeeyay 18-kaas sano waxay ku summadeysnaayeen waxa aan ugu yeero T6:
1. Tuugeysi xoolo qaran
2. Toleysi xigto beeleed
3. Takrifal xoogga dowladda
4. Tuugsi xoolo shisheeye
5. Tayo xumo la taliyayaal
6. Tiiro gaabni xikmadeed
Hoggaanka intaas oo sifood kulansaday ma dhisin, ma dhisayo, mana dhisi doono ciidan qaran oo hanan kara amniga qaranka. Ciidan kaliya ma ahane, xitaa ma dhisi karo hey’ado dowladeed oo dalka samatabixin kara.
Khawaarijta, argagixisada iyo xoogagga kale ee halista ku ah jiritaanka qarankeenna waxay ku naaxaan, kuna bullaalaan habdhaqanka T6 ee ma lahan itaal ay iskood u tacbadeen.
Soomaalidu waxay tiraahdaa “Gacan daahir ah ayaa wax daahirisa.” Danleyda T6 inaan ka sugno iney Khawaarijta ka adkaadaan waa halkii laga dhihi jiray “Dhedo roob noqon weyday.”
Waxaa lasoo gaaray xilligii lagu kacdoomi lahaa habdhaqanka T6 ee ay ku sifoobeen (inta badan) haldoorka siyaasadda. Waxaa lama huraan ah in lasoo bandhigo aragti qaran oo lagu badbaadin karo dalka, kana tarjumeysa himilada ay shacabka Soomaaliyeed u qabaan hoggaan ay caddaaladdu habdhaqan u tahay.
Sidaan laguma sii jiri karo!

Wasiirka Amniga Uganda “Alshabaab waxay rabaan inay qabsadaan xarumaha muhiimka ah”

KAMPALA (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Difaaca dalka Uganda Hon. Jacob Marksons Oboth oo hadalo ka jeedinayay shirka dalalka ciidamada usoo diraya Somalia oo shalay ku qabsoomay Magaalada Kampala ayaa ka hadlay xaalada dalka iyo dagaalada Somalia ka socda.
Jacob Marksons Oboth wuxuu sheegay in kooxda Alshabaab ay wadaan dhul balaarsi sidaas daraadeedna ay tahay in la xoojiyo ciidamada midowga Afrika ee Somalia ka howlgala.
Sidoo kale wuxuu xusay in Amniga Somalia uu xaalad qatara ku sugan yahay isagoona ku baaqay in la hor tago dhaq dhaqaaqyada kooxda Alshabaab ee dhul balaarsiga ku saleysan.
“Hadii aan laga hor tagin dhul baraarsiga kooxda alshabaab waxay wiiqi doontaa guulihii ciidamada Midowga Afrika ay hore uga gaareen la dagaalanka kooxda alshabaab”ayuu yiri Wasiirka Amniga
Wasiirka wuxu sidoo kale ka dhawaajiyay in kooxda xag-jirka ah ee Alshabaab sida uu warka u dhigay ay halis ku yihiin jiritaanka Dowlada Somalia iyo guud ahan amniga geeska Afrika.
“Alshabaab waxay rabaan inay qabsadaan xarumaha muhiimka ah” ayuu mar kale ka dhawaajiyay wasiirka amniga Uganda.
Hadalada dalalka Afrika ee maalmihii ugu dambeeyay ay ka sheegayeen xaalada Somalia iyo dagaalka Alshabaab lagula jiro wuxuu u muuqdaa kuwo ka bad badin kaliyana ujeedka ay leeyihiin ah sidii ay dhaqaale uga sameyn lahaayeen waxaan difaaceynaa Dowlada Somalia.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Madaxweyne Xassan oo ka qeybgalay  shir madaxeedka dalalka qeybta ka ah howlgalka AUSSOM+SAWIRRO

Entebbe, Abriil 25, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay shir-madaxeedka dalalka qaybta ka ah howlgalka taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo saaxiibbada caalamiga ah, kaas oo lagu qabtay Madaxtooyada dalka Uganda ee magaalada Entebbe.
Madaxweynaha ayaa shirka ka jeediyey khudbad uu ku muujiyey guulaha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira argagixisada, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed lagu garab istaago dagaalkaas, lagana taageero dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka si ay ula wareegaan amniga guud ee dalka.
Shirka waxaa ka soo qaybgalay madax ka kala socotay dalalka; Kenya, Jabuuti, Masar, Itoobiya, iyo wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska, iyo Dowladda Mareykanka.
Madaxda shirku waxay isla qaateen qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:
• In shirku bogaadiyay guulaha ay xaqiijisay DFS oo ay ka mid yihiin; ku biirista Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), xubinnimada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, qaadista cunaqabtaynta hubka, dib u habaynta dhaqaalaha iyo billaabista diiwaangalinta codbixiyeyaasha doorashada tooska ah.
• In la dardargeliyo taageerada tababarka, qalabaynta, iyo tayeynta ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.
• In la xoojiyo taageerada dhinaca diyaaradaha, sirdoonka, iyo garab-istaagga cirka ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
• In la dhiirrigeliyo wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, si loo sugo xasilloonida dhulka la xoreeyey.
• In la dhaqan geliyo istaraatiijiyadda dhaqaale-ururin ee howlgalka AUSSOM iyo taageerada la siiyo ciidamada Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxda dalalka qeybta ka ah howlgalka AUSSOM dadaalkooda ku aaddan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, waxa uuna xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay dhammaystirka dhismaha ciidanka qaranka iyo xaqiijinta amniga guud ee dalka.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Mohamed Dugoow,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 4 people, the Oval Office, dais and textMay be an image of 8 people and the Oval OfficeMay be an image of 6 peopleMay be an image of 2 people, dais and text that says "KAGUTAMUSEVENI oK KAGUTA MUSEVENI KAGUTAMUSEVENI MUSE"May be an image of 1 person and daisMay be an image of 5 people, dais and text that says "SOMALIA"May be an image of ‎10 people, dais and ‎text that says "‎ロ口 ملم 行 ® UNITEDNATIONS UNITED NATIONS‎"‎‎May be an image of 3 people and daisMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and text that says "DJIBOUTI DJIBOUTI"May be an image of 1 person and daisMay be an image of 6 people, dais and text that says "KENYA"May be an image of 8 people, dais and text that says "ETHIOPIA ETHIOPIA"May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of Monticello

Wasiir Fartaag iyo Taliye Asad oo soo dhaweyn sare u sameeyay Wafdiga Daka Ciraaq+SAWIRRO

May be an image of 6 people, dais and textWasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xarunta Tababarka Ciidanka ee Generaal Kaahiye ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Ciraaq Cabdul Amiir Al-Shammari oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

Cutubyo katirsan Ciidanka Boliiska ayaa Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee la socday salaan sharaf siiyey, waxaana munaasibad lagu qabtay gudaha xarunta lagu soo bandhigay Taariikhda xiriirka soo jireenka ee labada dal, iyadoona la gudoonsiiyey Wefdiga Ciraaq Hadiyado kala duwan oo isugu jira Bilad sharaf iyo alaabaha Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida.

Imaanshaha Dalka ee Wegdiga uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha Ciraaq ayaa xoojinaya xiriirka labada dal waxaana si gaar ah kor loogu qaadayaa wada shaqeynta dhinacyada Amniga , socdaalka, waxbarashada iyo tababar siinta laamaha ammaanka ee Dalka.

May be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 4 people, lighting and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 5 peopleMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 7 people and textNo photo description available.May be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 5 people, dais and text

Markab Shidaal oo ku gubtay meel ku dhaw badda Somalia

Markab shidaal waday kuna sii jeeday dalka Imaaraadka Carabta ayaa la soo sheegayaa inuu ku gubtay meel ku dhaw badda Somalia.

Markabkaab oo lagu magacaabo Invictus islamarkaana watay calanka Jasiiradda Marshall Islands ayaa ayuu dabku ku qabsaday badweynta Hindiya gaar ahaan meel qiyaastii 508 mayl ka xigta magaalada Muqdisho.

Mid kamid ah shaqaalaha markabka ayaa ku dhaawacmay dabka ka kacay markabka kaasoo u dhashay dalka Filibiin.

Markab dagaal oo India laga leeyahay oo ka dhawaa ayaa usoo gurmaday markabka gubtay iyagoona garab siiyay ninkaasi dhaawaca soo gaaray.

Sidoo kale waxararka ayaa intaasi ku daraya in shaqaalaha markabka markuu dabku kacay ay bilaabeen inay  la tacaalaan, waxayna ku guuleystay inay dabka damiyaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Howlgalka nabad ilaalinta Somalia oo qarka u saaran inuu dhaqaale la’aan u fashilmo

Midowga Afrika oo war cusub kasoo saaray dhimista ciidamada ATMIS | Shabelle Media NetworkADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Masuulka u sareeya Midowga Afrika ayaa qirey in dhaqaale la’aan ay soo wajahday howlgalka AUSSOM ee nabad ilaalinta Somalia.

Guddoomiya Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf ayaa si cad u sheegay in dalalkii dhaqaalaha ku bixin jirey Somalia ay hada ka caga jiidayaan,isagoona ka digay in Howgalka nabad ilaalinta Somalia ee  AUSSOM uu u fashilmo dhaqaale la’aan.

Ciidamada Afrika ee ka hawlgala gudaha dalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay mudo bilo wax mushaar ah qaadan xili sidaas oo kale uu hoos u dhac ku yimid bilaabashadii howlgalka cusub ee AUSSOM  kaasoo sanadkaan cusub qorshuhu ahaa in lagu badalo howlgalka ATMIS.

“Midawga Afrika wuxuu dadaal ugu jiraa sidii dhaqaale loogu heli lahaa ciidamada ka howlgala Somalia, sidoo kale waxaan wada-jir arintaan uga wada shaqeyn doonaa dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya iyo saaxiibada kale ee caalamka, si aanu u burburn ama u fashilmin howlgalka Somalia”ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf

Gudoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf wuxuu dhanka kale carabka ku adkeeyay in xasiloonida iyo ammaanka Soomaaliya uusan kaliya faa’iido u lahayn geeska Afrika balse uu faa’iido u yahay dunida oo dhan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

- Advertisement -

news

Etsy – Shop for handmade, vintage, custom, and unique gifts

0
Etsy is more than an online market it is a pulsating world center in which creativity thrives and combines buyers with independent suppliers that...

book store near me

Murf AI

HOT NEWS