Home Blog Page 18

Bernardo Silva oo si niyad-jab leh uga hadlay bixitaanka De Bruyne ee Man City

XIGASHO LAACIB.NET
Xiddiga khadka dhexe ee Manchester City, Bernardo Silva, ayaa si dareen leh uga hadlay bixitaanka saaxiibkiis Kevin De Bruyne, kaasoo lagu wado inuu ka tago kooxda marka la gaaro dhammaadka xilli ciyaareedka 2024/25.

Isagoo hadlaya, Silva wuxuu yiri:

“Qayb ka mid ah nafta kooxda ayaa baxaysa. Waa wax murugo leh. Wey nagu adag tahay annaga; waxaan rabnay inuu sii joogo.”

De Bruyne, oo 33 jir ah, ayaa ka mid ahaa tiirarka kooxda tan iyo markii uu kaga soo biiray Wolfsburg sanadkii 2015. Intii uu joogay Etihad, wuxuu u saftay 417 kulan, isagoo dhaliyay 107 gool, kana caawiyay 177 gool kale.

Wuxuu door weyn ka qaatay guulihii waaweynaa ee Manchester City ay gaartay, oo ay ka mid yihiin lix horyaal oo Premier League ah, laba FA Cup, shan League Cup, iyo hal Champions League.

Silva wuxuu intaas ku daray:

“Anigoo cidna aan xumaan uga jeedin, haddana aniga ahaan, waa ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda Manchester City. Waxa kaliya aan dhihi karno waa: waad mahadsan tahay, waxaana kuu rajeynaynaa wanaag. Waan ka murugoonay inuu baxayo. Ma aanan rabin inuu tago.”

Bixitaanka De Bruyne ayaa yimid kadib markii kooxda aysan u soo bandhigin heshiis cusub, taasoo la sheegay inay la yaab ku noqotay laacibka reer Belgium.

Inkasta oo uu xilli ciyaareedkan la kulmay dhaawacyo, oo uu kaliya 24 kulan ka soo muuqday horyaalka, haddana wuxuu ku guuleystay inuu dhaliyo 3 gool islamarkaana caawiyo 7 kale, taasoo muujinaysa inuu weli yahay mid tayo leh.

Iyadoo De Bruyne uu isu diyaarinayo cutubka xiga ee xirfadiisa—oo ay suuragal tahay inuu u wareego Major League Soccer (MLS) ama koox kale oo Yurub ah—haddana dhaxalkiisa Manchester City wuu sii jiri doonaa.

Aragtidiisa, hoggaamintiisa, iyo xirfaddiisa farsamo ayaa si weyn u saamaysay taariikhda kooxda. Dunida kubadda cagta ayaa si dhow ula socon doonta halka uu ku sii jeedo xiddigan cajiibka ah, isagoo ka tegaya cutub taariikhi ah oo dhameystiran oo uu ku lahaa garoonka Etihad.

Bernardo Silva Oo Si Niyad-jab Leh Uga Hadlay Bixitaanka De Bruyne Ee Man City

Real Madrid oo shaacisay cidda noqoneysa beddelka Vinicius Jr

XIGASHO LAACIB.NET

Waxaa la soo warinayaa in Real Madrid ay qorsheyneyso inay u dhaqaaqdo saxiixa weeraryahanka Manchester City, Erling Haaland, haddii Vinícius Júnior uu go’aansado inuu ka tago kooxda. Madaxweynaha kooxda, Florentino Pérez, ayaa diyaar u ah inuu dhaqaajiyo qodobka lagu burburin karo heshiiska Haaland, kaasoo ah €200 milyan sanadkan 2025, islamarkaana hoos ugu dhaco €175 milyan sanadka 2026.

Mustaqbalka Vinícius Júnior ee Real Madrid ayaa noqday mid mugdi ku jiro. Inkasta oo uu heshiis kula jiro kooxda ilaa 2027, haddana laacibka reer Brazil ayaa la sheegay inuu diiday dalab kordhin heshiis ah, iyadoo xiiso ay u muujinayaan kooxo ay ka mid yihiin Manchester United, Paris Saint-Germain, iyo kooxo ka tirsan horyaalka Sucuudiga.

Haaland, oo 24 jir ah, ayaa wax qabad layaab leh ka sameeyay Manchester City, isagoo dhaliyay 104 gool 112 kulan oo uu ciyaaray. Qandaraaskiisa wuxuu leeyahay qodob ogolaanaya inuu ku biiro kooxo aan ka tirsanayn Premier League, taasoo Real Madrid ka dhigeysa meel macquul ah oo uu tagi karo.

Haddii Vinícius uu ka tago kooxda, Real Madrid waxay si buuxda diiradda u saari doontaa inay keento Haaland si uu uga garab ciyaaro Kylian Mbappé, kaasoo la filayo inuu xagaagan yimaado Madrid.

Iyada oo suuqa kala iibsiga xagaagu soo dhow yahay, qorshayaasha Real Madrid waxay si weyn ugu xirnaan doonaan mustaqbalka Vinícius Júnior iyo Rodrygo. Haddii midkood tago, Haaland ayaa noqon doona bartilmaameedka koowaad.Real Madrid Oo Shaacisay Cidda Noqoneysa Beddelka Vinicius Jr

Shirka Dalalka Ciidamada (AUSSOM) oo ka socda magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Sida goor dhaw lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Waxaa Dalka Uganda ka socda shir ay leeyihiin Dalalka ka midka ah  Howlgalka Somalia ee (AUSSOM) kaasoo dhawaan lagu badalayo kii ATMIS marka maalgelin loo helo.
Shirkaan oo ay Soomaaliya ku matalayaan Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), Safiirka Soomaaliya ee Uganda, Fardowsa Maxamed Qanyare iyo saraakiil kale, ayaa looga hadlayay howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Shirkan oo shalay furmay, kaasoo ahaa heer farsamo, ayaa maanta u gudbay heer wasiir. Waxaana ka qayb galay wasiirro iyo saraakiil ka kala socday dalalka ciidamadooda howlgalkaan ku matalaya, kuwaas oo kala ah: Uganda, Kenya, Masar, Itoobiya, iyo Jabuuti. Sidoo kale waxaa shirka jooga Madaxda Midowga Afrika, Yurub iyo Qaramada Midoobey.

Shirka waxaa diiradda lagu saaray taageerada iyo garab istaagga Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo sidii loo xoojin lahaa howlgalka AUSSOM.

Shirkaan ayaa lagu wadaa in go’aanno muhiim ah laga soo saaro marka uu soo dhamaado.
May be an image of 3 peopleMay be an image of 10 people, dais and text that says "SOMALIA"May be an image of 8 people, crowd, dais and text that says "AFRICAN AFRICANUNION UNION muMIcCINN"May be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 7 people, table and textMay be an image of 2 people

Madaxweynayaasha Masar iyo Jabuuti oo si gaar ah uga wada hadleen Maamulka iyo amniga Badda cas

DJABUTI (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dalka Masar C/fataax Alsiisii oo shalay booqasho ugu tagay dhigiisa Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa arimo kala duwan kala hadlay kadib kulan ay ku wada yeeshen madaxtooyada Jabuuti.

Labada Masuul waxay ka wada hadleen amniga badda cas iyagoona ku heshiiyay in mas’uuliyada amniga  ay ka masuul yihiin dalalka xuduudka la leh biyahaas.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo marti loo ahaa ayaa saxaafada u sheegay in arimaha ay ka wada hadleen isaga iyo dhigiisa masar ay sidoo kale ku jirtay arimaha soomaaliya iyo mida Dalka Sudan.

“Waxaan isla soo qaadnay marinka Babel-Mandeb ee isku xira badda cas iyo gacanka cadmeed iyo Ganacsiga xorta ah ee ka jira marinka muhiimka ah ee Badda Cas”ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar geellee

Si kastaba kulanka Labada Masuul ayaa ku soo  aadaya xili colaad baahsan ay u dhexeyso dalalka Masar iyo Itoobiya oo daris la ah dalka Jabuuti.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Labada madaxweyne

Wasiir Fartaag oo bogaadiyay ciidamada Xooga Dalka

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa bogaadiyey sida geesinimada leh Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ay jilibka ugu dhigeen Khawaarijta, una laayeen aagga deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
“Waxaan ku bogaadinayaa Ciidankeenna geesiyaasha ah ee dalkooda iyo dadkooda naftooda u haraya, sida geesinimada leh ee ay ugu jilib dhigeen weerarkii fulaynida ahaa ee Khawaarijtu ay ku soo qaadday saakay deegaanka Wargaadhi, halkaas oo lagu gaarsiiyey jab-xooggan,” ayuu yiri Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil.
Mudane Fartaag, ayaa sheegay in kooxaha Khawaarijta ah ay mar walba u taaggan yihiin burburinta iyo daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed, cidda kaliya ee ka hortaaggana ay tahay geesiyaasha Qaranka ee dagaalka kula jira, waxa uuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in wadajir loogu istaago difaaca dalka, maaddaama Khawaarijtu aysan cafineyn qof walba oo wax gal ah.May be an image of 3 peopleMay be an image of 1 person and text

Isbitaalka Xooga oo loogu deeqay daawooyin iyo gaari Aambalaas

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle, xubina ka ah Guddiga Qaran ee Taakuleynta Dagaalka lagula jira kooxaha Khawaarijta ayaa maanta Agaasimaha Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Saadaam Cabdullaahi Cismaan ku wareejiyay daawooyin iyo gaari Aambalaas ah oo loogu tala-galay in loogu adeeego ciidanka qaranka iyo geeshiyaasha u taagan dib u xoreynta dalka.

Gudoomiyaha Hay’adda SoDMA, ayaa ammaanay doorka naf-hurnimo ee ciidamadu ku muujinayaan furimaha hore ee dagaalka iyo guulaha ay ka gaareen la-dagaallanka argagixisada, isagoo xusay in Hay’adaha ku shaqada leh ee Dowladda ay ka go’an tahay xoojinta adeegyada iyo daryeelka ciidanka geesiyaasha ah ee ku jira howlgalka ciribtirka khawaarijta iyo nabadeynta waddanka.May be an image of 4 people, ambulance and text that says "AMBULANCE SODMA"May be an image of 4 people and textMay be an image of 4 people, ambulance and text that says "AMBULANCE SODMA"May be an image of 3 people and suitMay be an image of 4 people, newsroom and text

Midowga Yurub oo mamnuucay aalad caruurtu ku ciyaarto oo Ruushku soo saaro

Video game controllerBoqortooyada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday dhoofinta qalabka xakamaynta ciyaarta muuqaalka ee Ruushka sababo ay ku sheegeen inay suurtagal tahay in loo isticmaalo in lagu duuliyo diyaaradaha yar yar ee aan duuliyaha lahayn ee dagaalka.

Wasiirka cunaqabateynta Stephen Doughty UK wuxuu intaas ku daray in UK ay sidoo kale xannibayso dhoofinta kiimikooyinka, elektiroonigga, mashiinnada iyo biraha si loo xaddido awoodda wax soo saarka ee Ruushka.

Sidoo kale Midowga Yurub ayaa qaatay xayiraad la mid ah tan oo qayb ka ah xirmaddii 16-aad ee cunaqabataynta Ruushka ee la soo saaray bishii Febraayo.

Joysticks iyo kontaroolayaasha waxaa mamnuucay kooxda iyada oo ay jiraan dadaallo lagu xakameynayo teknoolojiyadda la isticmaalo ee Moscow ay suurtagal tahay in ay u isticmaasho ujeeddooyin milatari.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMM

Maxaa kala socotaa howlgalka ciidamada Dowladu maanta ka fuliyeen deegaanka Labi-Gooleey,

Ciidamada Qaranka ayaa maanta fuliyay hawlgal ka dhacay deegaanka Labi-Gooleey, oo qiyaastii 13 KM waqooyi galbeed ka xiga deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Khawaarijta oo isku dayaysay in halkaasi ay dib isugu abaabulaan ayaa la weeraray, waxaana howlgalka Labi-Gooleey looga dilay in ka badan 20 dhagarqabe oo horjoogayaal ay ku jiraan.

Xaaladda deegaanka Wargaadhi oo saakay cashir loogu dhigay Khawaarijta ayaa hadda deggan, waxaana weli socda xaqiijinta iyo tiro-koobka khasaaraha lagu gaarsiiyay cadowga Khawaarijta ah ee duulaanka ku soo qaaday umadda Soomaaliyeed.

In ka badan 40 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay hawlgalladii is dabajoogga ahaa ee Ciidamada Qaranka oo kaashanaya xaq u dirirka deegaanka ay maanta ka fuliyeen deegaannada Wargaadhi iyo Labigoley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.May be an image of 8 people, rhinoceros and text

Dagaal afka ah kuna saleysan xeebta laas-qorey oo ka dhex qarxay Puntland iyo Somaliland

LAAS-QOREY (DAYNIILE.COM)-Maamulada Gobolada Waqooyiga Bari iyo Waqooyiga Galbeed ee Somaliland iyo Puntland ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhex qarxay dagaal afka ah kaaasoo yimid kadib markii doonyo kaluumeysi oo laga leeyahay Puntland ay xoog ku wateen ciidamada Somaliland.

Gudoomiyaha Laas-qorey garabka Puntland C/kariin Yuusuf Dibad ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland inay afduubteen laba doon oo ahaa nuuca kaluumeysiga oo reer Puntand ay lahaayeen sida uu sheegay.

“Maleeshiyaad ku abtirsada Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee saaka abbaare 6:20am waxay degmada Laasqoroy ka soo weerareen dhinaca biyaha Caalamiga ah ee badda iyagoona afduubtay laba doomood oo ay lee yihiin ganacsatada degmada Laasqoroy” ayuu yiri Cabdikariin Yuusuf Dibbad.

Dhanka kale Somaliland waxay shegeen in doomankaasi ay wadeen hu sharci daro ah sidaasna ay kula waregeen.

Gudoomiyaha u hadlay dhanka Puntland ayaa si weyn u beeniyay in doomankaasi hub sideen wuxuuna ku celceliyay inay labada doonba ahaayeen kuwo sharciyeysan oo ah kuwa kaluumeysiga oo walibana Puntland laga leeyahay.

lama yaqaan halka uu gaari doono dagaalkaan dhanka afka ah ee labada maamul ka dhex qarxay maanta.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Dowlada oo warsaxaafdeed ka soo saartay Dagaalka Saaka ka dhacay Wargaadhi

WAR SAXAAFADEED
Ciidanka Qalabka Sida oo Kaashanaya Shacabka oo Jab Xooggan Shabeellaha Dhexe ugu geystay Khawaarijta.
Muqdisho, 24 April 2025: In ka badan 40 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay hawlgalo qorsheysan oo ka dhacay deegaannada Wargaadhi iyo Labigoley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Hawlgalka ayaa yimid kadib markii Khawaarijta ay isku dayeen weerar naf la caari ah oo ay ku qaadeen deegaanka Wargaadhi.
Ciidanka Qalabka Sida iyo geesiyaasha deegaanka oo heegan buuxa ku jiray ayaa si geesinimo leh uga hortagay weerarkaas, waxaana halkaasi lagu gaarsiiyay cadowga khasaare xooggan oo ay ku dhinteen ugu yaraan 22 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.
Dhinaca kale, Ciidanka Qalabka Sida ayaa fuliyay hawlgal ka dhacay deegaanka Labi Gooleey, oo qiyaastii 13 km u jirta Wargaadhi dhanka Waqooyi Galbeed.
Khawaarijta ayaa isku dayay in halkaasi ay dib isugu abaabulaan, balse ciidanku waxay ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxdaasi.
Xaaladda deegaanka Wargaadhi hadda waa deggan tahay, waxaana weli socda xaqiijinta iyo tiro-koobka khasaaraha lagu gaarsiiyay cadowga Ummadda Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliyeed waxay u mahadcelinaysaa ciidamada geesiyaasha ah ee sida naf-hurnimada leh ugu taagan difaaca dalkooda iyo dadkooda.
Dowladda waxay si buuxda ula wadaagi doontaa shacabka Soomaaliyeed wararka iyo faahfaahinta dheeriga ah ee ku saabsan hawlgalkan.
DhammaadMay be an image of text
- Advertisement -

news

book store near me

0
Are you looking for a library near me? That you are a lover of books who seek the last success of sales, a student...

Murf AI

HOT NEWS