Muqdisho, Jimco, 02-da May 2025
1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Maalinta Shaqaalaha Adduunka hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed, isagoo ku amaanay dadaalkooda, kartidooda iyo doorkooda muuqda ay ka qaadanayaan horumarinta dalka, dowlad-dhisidda, iyo difaaca qaranka.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Mikhail Bodanov.
3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka.
4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xilka u kala wareejiyey Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad ee cusub, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi iyo Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenkii hore Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali.
5- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kursiga tirsigiisu HOP#201 dib ugu celiyay Guddiga Xeer Hoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda ee Golaha Shacabka si uu uga soo talo bixiyo .
6- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa xafiiskiis kulan kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu.
7- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ku tagay magaaladda Algiers ee Algeria, isagoo ka qeybgelaya shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka Carabta.
8- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xilka u kala wareejirey Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirkii hore Jabriil Cabdirashiid Xaaji.
9- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yusuf Mohamed Adan oo dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladda ay dadaal xooggan ku bixisay ilaalinta xuquuqdooda iyo kaalinta shaqo-abuurka.
10- Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa soo dhawaysay talaabada ay Maamulada Soomaaliland, SSC Khaatumo iyo Puntland isku dhaafsadeen maxaabiista dagaalka, kadib dedaaladii is-dabajoogga ahaa ee uu horkacayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
11- Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) ayaa loo qabtey taariikh cusub oo noqoneysa 5 bisha May 2025.
12- Diiwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka oo sii habsami leh uga socota magaalada Muqdisho.
13- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa qaabilay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO),ee Bariga Africa Marwo Louise Haxthausen.
14- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Aadan Geesood ayaa kulan la yeeshay Safiirka Qatar u fadhiya ee Soomaaliya, Mudane Dr. Abdullah Salem Al Nuceymi, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal iyo horumarinta fursadaha maalgashi ee Soomaaliya
15- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Faraax Nuux ayaa qaabilay Ed Norris oo ah taliye sare oo ka tirsan Ciidanka Hawlgallada Gaarka ah ee Bariga Afrika ee Maraykanka (AFRICOM).
16- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa ka qeybgaley shir looga hadlayay Dardar-gelinta amniga caasimadda iyo qaadashada kaararka codbixinta ee diiwaangelinta dadweynaha.
17- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa furay Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo ay ka faa’ideysteen 25 weriye ah oo ka kala socda warbaahinta madax-banaan iyo warbaahinta dowladda.
18- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Dr. Badr Al-Atty ayaa khadka taleefoonka ugu hambalyeeyay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali.
19- Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Daahir Shire Maxamed ayaa Isbitaalka Di Martino ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada qaar ka mid ah halyeeyada dagaalka ee macawisleyda ee ku soo dhaawacmay dagaalka ciribtirka Khawaarijta ee ka socda dalka.
20- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan ayaa magaalada Addis Ababa uga qayb-galay Shirweynaha Hal-Abuurnimada Afrika oo si rasmi ah uu u daahfuray Ra’iisul Wasaare-Ku-Xigeenka Ethiopia Itoobiya, Mudane Temesgen Tiruneh.
21- Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan la yeeshay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu, iyagoo ka wadahadley xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee labada dal.
22- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa qaabilay Safiirka Turliga u fadhiya Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş.
23- Ciidamada difaaca deegaanka ee macawiisleyda ayaa gacanta ku dhigay hawdka degaanka Ciid-Ciidka ee degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo halkaasi ku dilay maaleeshiyaad ka tirsan argagaxisadda.
24- Madaxweynaha Aljeeriya Abdelmadjid Tebboune ayaa warqadaha aqoonsiga danjirinimo ka guddoomay Danjiraha Soomaaliya Yuusuf Xasan Jeego.
25- Wasiir Ku-Xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha Mohamud Abdullahi Ahmed ayaa ka qeyb-galay Meertada 11-aad ee Shirweynaha Iskaashiga Ganacsi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Wadamada Carabta oo ka qabsoomay magaalada Haiko ee dalka Shiinaha.
26- Wasiiru Dowlaha Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Maryan Maxamed Xuseen ayaa ka qeyb gashey munaasabada xuska maalinta Caalamiga ah ee tallaalka oo lagu qabtey magaalada Muqdisho.
27- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa caasimadda Muqdisho ku qabatay kulanka guud ee odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kaasi oo diiradda lagu saaray ololaha wacyigelinta iyo abaabulka shacabka ee la dagaalanka argagixisada.
28- Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kulan la yeeshay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya, Mr. Lionel Lourense, iyagoo ka wadahadlay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, casriyeynta magaalooyinka, iyo u adkaysiga isbeddelka cimilada.
29- Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa guul weyn ka gaaray hawlgal milateri oo ay ka fuliyeen dhulka buuraha ah ee Yasooman iyo Aboorey ee galbeedka gobolka Hiiraan.
30- Wasiirro iyo Xildhibaano ayaa deeq dawo ah gaarsiiyay Isbitaalka xoogga Dalka oo ay ku jiraan dhaawacyada Ciidanka Qalabks Sida ee ku soo dhaawacmay furimaha dagaalka.
31- Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa ka qeyb galay shirka 47-aad ee Golaha Wasiirada Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.