Home Blog Page 20

Xafladda soo dhaweynta Guddoomiyaha xiriirka Kubbadda cagta Djibouti oo Muqdisho lagu qabtay

May be an image of 3 people, people playing football and text that says "WELCOME SOULEIMANWAABERI SOULEIMAN WAABERI FIFAOOG SFF SFF FIFA S 맞국"MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflada soo dhaweyn oo loo qabtay Guddoomiyaha xiriirka Kubbadda cagta Djibouti ahna guddoomiye ku xigeenka CAF, Suleymaan Waaberi.

Masuukaani oo dhawaan Muqdisho soo gaaray ayaa sidoo kale kulan la yeeshay Madaxweyne Xassan iyo madaxda Xiririka kubada cagta Somalia.

Fanaaniin waa weyn sida Nimcaan Hilaac ayaa xaflada soo dhaweynta ku sugnaa kuwaasoo heeso ka qaaday.

Madaxweynaha Xiririka kubada Cagta Cali Shiino ayaa ka qeybgalay xaflada iyo masuuliyiin kale.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM May be an image of 1 person, playing football, crowd and text that says "ព្រ WELCOME SOULEIMAN WAABERI FIFA SFF S 함게"May be an image of 3 people and text that says "WELCOME SOULEIMAN WAABERI FIFA FIFAOOG SFF 5 대생고"May be an image of 6 people, people playing football, newsroom and textMay be an image of 8 people, people playing football, newsroom and text that says "WELCOME SOULEIMAN WAABERI FIFA S SFF SFF FIFAOOO FF 별경 F"May be an image of 5 people, people playing football, people playing American football and text that says "HASS SS WABERI SFF MIND COOXDA KOOXD OX KOOXD HIDDO OXDA HIDDO HIDDO D KOA tel HIDDO WELCOME SOULEIMAN WAABERI R tel FIFA SFF C 営ぶ"May be an image of ‎2 people, people playing American football, people playing football and ‎text that says "‎5 IFA ወር FIF r صمن WELCOME SOULEIMAN WAABERI $ 品N FIFA S 문과 IA ET MIAZEERA SFF FIFA‎"‎‎May be an image of 2 people, people playing American football, people playing football and textMay be an image of 4 people, people playing football, newsroom and text that says "WELCOME SOULEIMANWAABER SOULEIMAN WAABERI FIFA SFF SFF 대은과"May be an image of 3 people, people playing football, newsroom and text that says "VOELCOME SOULEIMAN SOULEIMANWAABER WAABERI FIFA CAF FIFAOOG 떡쌀과국 S SFF"May be an image of 4 people, people playing football, people playing American football, newsroom and text that says "WELCOME SOULEIMANWAABE SOULEIMAN WAABERI FIFA FIFAOOQ SFF SFF s 떡떡고"May be an image of 2 people, newsroom and text that says "WOELCOME SOULEIMAN SOULEIMANWAABE WAABERI FIFAÕOO 1 FIFA CAF F લો SFF SFF"May be an image of 4 people, people playing football, newsroom and text that says "WOELCOME SOULEIMAN WAABERI FIFA S SFF 떡책과 FIFAOOG 焼子か AF"May be an image of 2 people, people playing football, newsroom and text that says "WELCOME SOULEIMAN WAABERI FIFAOO@ 소과 FIFA S SFF SFF"May be an image of 3 people, people playing football, newsroom and text that says "VOELCOME SOULEIMAN WAABERI FIFAOO@ F FIFA SFF 떡각"May be an image of 8 people and text that says "HASTT WELCOME SOULEIMAN WAABERI FIFA SFF S হম ጋትና"

Maxaa kala qabsaday Macawisleyda Beesha Xawaadle iyo Alshabaab ku sugnaa nawaaxiga Abooreey

Sida lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Ciidamada Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa caawa weerar culus ku qaaday dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta oo ku dhuumaaleysanayey aagga deegaanka Aboorey ee gobolkaas.
Howlgalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada difaaca deegaanka ay ka war heleen Khawaarijta isku aruursanaysa aagga Aboorey, waxay halkaas ku qaadeen weerar cashir loogu dhigay Khawaarijta, khasaare xooggana lagu gaarsiiyey.
Saraakiisha howlgalka hogaaminaysa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay Khawaarijta gaarsiiyeen, isla markaana howlgalkaas uu u dhacay sidii ay u qorsheeyeen.
Ciidamada Difaaca Deegaanka ayaa gacanta ku haya goobtii uu ka dhacay howlgalkaas ee Khawaarijta lagu laayey caawa, sida ay saraakiishu noo xaqiijiyeen.
Ciidamada Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa xalay sidaan oo kale weerar ugu qaaday Khawaarij isku aruursatay inta u dhaxaysa deegaanka Mabaax iyo degmada Aadan-yabaal, waxayna cadowga gaarsiiyeen khasaare culus, kuna guuleystay inay ka hor tagaan dhagartii ay u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

Sababta booliska Australia ay toogasho ugu dileen nin Soomaali ah oo Afrikaanka Melbourne ay ka caroodeen

=XIGASHO BBC SOMALI=Booliska Victoria ayaa weli wada baaritaanno la xiriira dilka toogashada ay u geysteen ninkan Soomaaliga ah ee 35 jirka ah oo ay sheegeen inuu ku hubeysnaa torreey.

Booliska Australia ayaa sheegay in ay toogasho ku dileen nin ka mid ah Soomaalida ku nool magaalda Melbourne oo ay sheegeen in uu middi ku hubaysnaa. Arrintaan waxaa aad uga carooday Soomaali iyo Afrikaan kale oo ka banaanbaxay dilkaas.

Ninka Soomaaliga ah ee ay booliska toogteen ayaa waxaa la yiraahdaa Cabdifataax Axmed, waxaana la sheegay inuu la tacaalayay xanuunka dhanka maskasxda ah.

Dadka bannaanbaxa dhigayay waxaa ka mid ah Fartuun Axmed oo ku sugan magaalada Melbourne ka tirsan ururrada Jaaliyadda ee ka dhisan dalkaas. Waxay BBC-da u sheegtay in sababta ay u bannaanbaxeen ay tahay inay ka dhiidhiyaan dhibaatadii iyo dilkii loo geystay Cabdifataax.

“Waxaan halkaan isugu soo baxnay anagoo ah Jaaliyadaha Soomaalida ee Victoria iyo kuwa Afrikaanka ahba inaan inaan ka hadalno oo aan ka mudaaharaadno dhibaatadii iyo dilkii foosha xumaa ee loo geystay walaalkeen Cabdifataax Axmed taas oo dhammaanteen argagax iyo shoog nagu riday” ayay tiri Fartuun Axmed.

Waxay intaas ku dartay in falkaasi aysan marnaba ka filayn booliiskii ay doonayeen inay nabad-gelyadooda ilaaliyaan.

Waxaan farriin dheer u direynaa dowladda Australia iyo gaar ahaan dowladda Victoria inay arrintaas tallaabo ka qaadaan oo ay arrintaas sida ay ku dhacday oo cadeynteeda leh nala wadaagaan haddii aanu nahay jaaliyadaha ka dhisan Victoria.Ninka Soomaaliga ah ee ay booliska toogteen ayaa waxaa la yirahadaa Cabdifataax Axmed waxaana la sheegay inuu la tacaalayay xanuunka dhanka maskasxda ah.

Dhanka kale waxaa BBC-da la hadashay Ubax Xaanshi oo dukaan ku leh meel aan ka fogeyn goobta lagu toogtay Cabdifataax, kana mid ahayd dadkii soo qaban-qaabiyay mudaahaaradka.

“Waxaan degganahay meesha lagu dilay agteeda oo aan dukaan ku haystaa, marka arrinta aniga aad bay ii taabatay sabtaas ayaana igu kalliftay inaan kaco oo aan Soomaalida abaabulo oo aan muddaaharaadno, oo aan xaqa wiilkaan walaalkeen ah iyo xaqeenaba ka soo dhacsano, marka umadda Soomaaliyeed waxaan kula talinayaa inay midoobaan oo dad inay yihiin la arko iyo inaan dhisano jaaliyad adag oo keliya shaqeysa daneheena xitaa haddii aysan dowladda dhaqaale siinin anaga aan iska aruurino dhaqaale la siiyo si carruurteena iyo nafsadeenuba u badbaaddo”, ayay tiri Ubax.

Booliska Victoria ayaa weli wada baaritaanno la xiriira dilka toogashada ay u geysteen ninkan Soomaaliga ah ee 35 jirka ah oo ay sheegeen inuu ku hubeysnaa torreey. Cabdifataax ayaa waxaa la dilay habeenimadii Khamiistii la soo dhaafay.

Sarkaal u hadlay booliska ayaa sheegay in la soo wacay oo markii ay goobta soo gaareenna ay arkeen ninkan oo toorrey ku hubeysan kuna amreen inuu dhigo toorreyda.

Sarkaalka booliska ayaa sheegay in labada askari ay rasaasta wada fureen maadaama sida ay la sheegay aysan wadan aaladaha kale sida sunta ka ilmeysiisa iyo korontada qofka gariirisa, waana sababta Soomaalida iyo Afrikaanka kaleba ka careeysiisay oo dibadbaxaan boqollaalka qof ka soo qeyb-gashay loogu qabtay halka lagu dilay Cabdifataax Axmed.Meyda Cabdifataax weli lama aasin oo waxaa haya booliska, baaritaano ayayna wadaan

Meydka Cabdifataax weli lama aasin, waxaana haya booliska, baaritaano ayayna wadaan iyadoona la filayo in toddobaadkaan dhexdiisa ay war ka soo saaraan dilkiisa isla markaana ay fasaxaan si loo aaso.

Dhanka kale BBC-da ayaa la hadashay Dr Aweys Cumar oo ka hawlgala mid ka mid ah xarumaha caafimaadka ee magaalada uu ka soo guuray wiilka la dilay ee galbeedka Australia, waxaana la weydiiyay waxa ka suuroobi kara dadka qaba xanuunada dhimirka ee maskada.

“Jawaabta waxay tahay wax-walba ayaa ka suurtoobi-kara, caruurta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee aan aniga gacanta ku hayo ama aan daweeyo waxay qabaan xanuuno dhanka dhimirka ah, qaarkood waxay isticmaalaan daroogo. Waa ay ahayd in booliska aysan dilin oo ay ku furaan sida waxyaabaha korontada oo kale ah”.

Waxa uu Dr Aweys sheegay in Soomaali badan ay qabaan xanuunnada dhanka dhimirka ah loona baahan yahay in isha lagu hayo.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Ra’iisulwasaare Xamsa oo mar kale isku shaandheyn ku sameynaya Golaha Wasiirada

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar ku dhaw dhaw madaxtooyada oo sheegaya in mar kale isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha wasiirada inkastoo wasaarado yar ay yihiin .

Wararka ugu badan waxay tilmaamayaan in Wasaarada Gaashaandhiga iyo mida arimaha dibada uu isbadalku ka muuqan doono,inkastoo aysan cadeyn in labada wasiir la is weydaarin doono.

Wasiirka arimaha dibada Axmed Macalin Fiqi oo Madaxweynaha ay saaxiibo yihiin ayaa la hadal hayaa in loo wareejinayo wasiirka gaashaandhiga balse wasiirka Gaashaandhiga ayaa loo badinayaa in meelo kale loo wareejiyo ama uu bananka ku dhaco sida wasiirkii hore ee ciyaaraha Maxamuud Barre.

Wararka waxay shaki gelinayaan qofka loo rabo wasaarada arimaha dibada iyadoo wararka qaar shegayaan inay macquul tahay in qof cusub loo dhiibo.

Warar kale ayaa sheegaya in Taliyaha Nabad sugida loo dhiibi doono wasiirka gaashaandhiga halka wasiirka batroolka ee Taliyaha ku reerka ah hawada lagu cuni doono halka Mahad salaad loo dhiibi doono xilka taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka qaranka.

Wasiirka Gaashandhiga ninka hada haya ayaa isna la hadal hayaa inuu qabto wasaarada Batroolka oo ah wasarad muhiim ah.

Labada maalin ee soo socota beri oo arbaco ah ama khamiita ayaa lagu wadaa in midood isku shaandheyntaani dhacdo iyadoo inta ka so keysa ay wadatashiyo sii socon doonaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Farmaajo oo dagaalada Alshabaab uga hadlay si ka duwan siyaasiyiinta kale

Shacabka Soomaaliyeed waxaan la wadaagayaa inay ka feejignaadaan dacaayadaha raqiiska ah ee argagixisadu ay ku doonayaan in ay ku sumcad dilaan ciidamadeenna geesiyaasha ah, kagana been sheegayaan waaqaca dhabta ah ee ka jira Soomaaliya.
In ciidanka qaranku ay magaalooyin tab iyo xeel dagaal uga soo baxaan macneheedu maaha in laga adkaaday, sidaas darteed waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay ciidanka qaranka la garab istaagaan hiil iyo hoo intaba, taas oo keeni karta in ciidanku ka guulaystaan cadowga.

Waxaa hubaal ah in ayada oo ciidanka la dhisayo haddana laga guulaysan karo kooxaha nabad-diidka ah, sidii hore u dhacday sannadihii 2018 ilaa 2020-kii oo ayada oo ciidanka dhismihiisa lagu dhex jiro, haddana ay noo suurta gashay inaan argagixisada ka xorayno magaalooyin badan oo ay ka mid yihiin Marka, Jannaalle, Ow-Dheegle, Bariirre, Sabiid iyo Caanoole.

Hoggaanka dalka, heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, waxaan ugu baaqayaa in ay mudnaanta koowaad siiyaan danta guud, xaqiijinta xasillooni siyaasadeed, adkaynta midnimada, wadajirka iyo madallaynta dastuur iyo doorasho wada-oggol ah, taas oo lagu gaari karo dhammaystirka dowlad-dhiska dalka.

Saaxiibbada caalamka ee sida hagar la’aanta ah uga qayb qaadanaya soo kabashada dalka, dhismaha Ciidamada Qaranka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada waxaan ku dhiirri-gelinayaa in ay xoojiyaan taageeradooda iyo garab-istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.May be an image of text

XOGTA: Saciid Dani oo la kala cadeeyay inuu aqbalay gogosha Madaxweyne Xasan iyo in kale

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Dani  uu qaatay go’aan kala cadeynaya inuu aqbalay gogosha uu dhigay Madaxweynaha Soomaaliya ee loo magac daray shirka wada-tashiga qaran.

Sida aan xogta ku helnay Saciid Dani ayaa aqbalay ka qeyb-galka shirka wada-tashiga kadib cadaadis beesha Caalamka ay ku saartay inuu aqbalo shirkaasi.

Dowlada Somalia oo casuumaad rasmi ah u dirtay Saciid Dani ayaa ugu dambeyn xaqiijisay inuu Saciid Dani qeyb ka yahay shirkaani sida aan ku helnay warar ku dhaw dhaw arimahaani.

Ajandaha shirkaani uu gogoshiisa dhigay Madaxweyne Xassan ayaa lagu sheegay xalinta khilaafka iyo kala aragti duwaanshaha jira marka la eego Dowlada iyo qaar ka mida maamul Goboleedyada iyo waliba siyaasiyiinta mucaaradka.

Dhanka kale waxaan kala cadeyn in Dowladu martiqaaday Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo Dowladu dhawaan u jartay waaran xarig ah,sidoo kalana ay jiraan dagaalo dhiig ku daatay oo dhex-maray Ciidamada Dowlada iyo kuwa Maamulka Jubaland.

Waxaa jira warar sheegaya in Dowladu dooneynba inuu Axmed madoobe ka qeybgalo shirka madaama uu eedeysane ka yahay dhankooda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Wararkii ugu dambeeyay xasuuqa lagu hayo shacabka Gaza

Open photoCiidamada Israel ayaa sii wada duqeymaha ay ka geysanayaan Gaza, iyagoo dilay ugu yaraan 28 falastiiniyiin ah tan iyo waaberigii, oo ay ku jiraan 11 qof oo ku dhintay Khan Younis.

Ciidamada Mareykanka ayaa sii wada weerarada ay ku hayaan dalka Yemen, kadib markii Xuutiyiinta ay sheegteen weeraro dheeraad ah oo ay ku qaadeen Israel iyo sidoo kale diyaaradaha xambaara ee Mareykanka ee ku sugan Badda Cas.

Falastiiniyiinta ku sugan Gaza ayaa ka baroor diiqaya geerida Pope Francis, kaasoo xiriir dhow oo joogto ah la lahaa bulshada Masiixiyiinta ah ee ku nool dhulka inta uu socday dagaalka.

Ugu yaraan 51,266 falastiiniyiin ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 116,991 ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo markii uu billowday 18 bilood ka hor.

Xafiiska Warbaahinta ee Xukuumadda Gaza ayaa tirada dhimashadeeda u cusboonaysiiyay in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.

Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii uu socday weeraradii ay Xamaas hoggaaminaysay 7-dii Oktoobar 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Qarax khasaare nafeed geystay oo ka dhacay Degmada Dayniile

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Degmad Dayniile ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in barqadi saaka u  qarax dhimasho iyo dhaawacba gaystay ka dhacay nawaaxiga maqaayad dadku badan yihiin oo shaaha laga cabo iyo masaajid weyn caan ah oo lagu magacaabo Muumino Ceel-buur
Goobta qaraxa oo ahayd meel dadku ku badan yihiin waxaana la soo sheegayaa in qaraxu ahaa miino laga wada maqlay inta badan xaafadaha degmada Dayniile.
Warar madax banaan ayaa sheegaya inta la ogyahay in hal nin uu ku dhintay qaraxaasi iyo halka sedex kale oo haweeneey ay ku jirto ay ku dhaawacmeen kuwaasoo goobaha caafimaad loo qaaday.
Dhanka kale wali lama ogaan qaraxaasi cida ka dambeysa iyo ujeedka,sidoo kale ma jirto faah-faahin madax banaan ama masuul hadlay ilaa iminka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Maxay ka wada hadleen Wasiirka Ganacsiga Somalia iyo Ra’iisulwasaaraha Jabuuti

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya Maxamuud Aadan geesood oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kamil Maxamed kadib booqasho uu ku tegey jabuuti.

Si loo xoojiyo xiriirka walaaltinimo iyo derisnimo ee qotada dheer ee u dhexeeya labada dal, kulanka Intii uu socday waxa looga hadlay xoojinta iskaashiga ganacsiga, iyagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista isu socodka badeecadaha iyo maalgelinta ganacsiga.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti soo dhoweynta diirran iyo martigelinta, isagoo sheegay in booqashadani ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga ganacsi iyo istaraatiijiyadeed ee labada dal.May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and text
- Advertisement -

news

book store near me

0
Are you looking for a library near me? That you are a lover of books who seek the last success of sales, a student...

Murf AI

HOT NEWS