Home Blog Page 25

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Jabuuti oo Muqdisho si weyn lagu soo dhaweeyay+SAWIRRO

May be an image of 3 people and aircraftMadaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Mudane Cali Cabdi Maxamed, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha JFS Dahabo Suusow Maxamuud & Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Maxamed Cali Xagaa ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Jabuuti ahna xubin ka tirsan Golaha FIFA, Mudane Suleiman Hassan Waabari oo maanta booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya.

Booqashadan ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee xubin ka tirsan Golaha FIFA uu dalka yimaado isagoo xilka haya, waxeyna ku timid kadib markii Xiriirka Kubadda Cagta uu martiqaad rasmi ah u fidiyay Mudane Suleiman Wabari.

Soo Dhaweynta heerka sare ee loo sameeyay Suleiman Waabari waxaa qeyb ka ahaa: Madaxweyne Ku Xigeenada XKCS, Xubnaha Guddiga Fulinta, Xoghayaha Guud ee XKCS, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Ciyaaraha Gobolka, Qaar ka mid ah Gudoomiyayaasha Kooxaha Dalka & Xubno ka tirsan Shaqaalaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Ururka Haweenka Gobolka Banaadir oo ay hogaamineyso Jawaahir Maxamuud Jaamac “Baarqab” ayaa kaalin mug leh ka qaatay soo dhaweynta, sidoo kale Barbaarta Gaashaaman ayaa ciyaaraha dhaqanka kusoo bandhigay goobta soo dhaweynta.

Ma ahan markii ugu horreysay Madaxweyne Suleiman Wabari uu dalka yimaado, balse waa markii ugu horreysay uu yimaado isagoo ka tirsan Golaha FIFA oo ka mid ah darajooyinka ugu sarreeya kubadda cagta dunida.

Mudane Suleiman Hassan Waabari waxaa si weyn loogu xusuustaa kaalintiisa muuqata ee uu mar walba ku garab taagnaa horumarinta kubadda cagta Soomaaliya, isagoo door muhiim ah ka qaatay dhiirrigelinta wada-shaqeynta labada xiriir, taageeridda mashaariicda horumarineed, iyo kor u qaadista sumcadda ciyaaraha Soomaaliya ee heer gobol iyo mid caalami ah.

Tallaabadaan ayaa sidoo kale ka turjumeysa koboca xiriirka isboorti ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo dadaalka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta iskaashiga gobolka.May be an image of 3 people and aircraftMay be an image of 2 people and aircraftMay be an image of 10 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 1 person, beard and smilingMay be an image of 1 person, beard, smiling and glassesMay be an image of 6 peopleMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 7 people and suitMay be an image of 7 peopleMay be an image of 3 people and suitMay be an image of 3 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 6 people and suitMay be an image of 17 people, street and crowdMay be an image of 2 peopleMay be an image of 6 people, wrist watch and suitMay be an image of 5 peopleMay be an image of 3 people, people smiling, suit and newsroom

Yuhuuda oo qiratay dilka dad samafalayaal ahaa

QAZA (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay milateriga Yuhuuda ayay ku qirteen dil ay dhawaan u geysteen dad samafalayaal ahaa kuwaasoo u dhashay dalka muslimiinta ah ee Falastiin oo ay xasuuq joogta ah ku hayaan.

Yuhuudu waxay ku andacoonayaan in dilka ama duqeynta lagu laayay samafalayaasha inay ahayd fashil xagga xirfadda ah.

Maamulka Israa’iil oo iska dhigaya dad aan isla ogeyn dhacdadaani xasuuqa ahayd ayaa saxaafada u sheegay in qaladku ka dhacay Taliye ku xigeenka qeyb ka mida ciidamada milateriga oo bixiyay warbixin aan dhameystirneyn oo aan sax ahayn.

Sarkaalkaan ayay hada sheegeen inay xilka ka qaadeen madaama uu sabab ah dilka dadkaasi samafalayaasha ahaa oo si qaldan loo bartilmameedsaday sida ay ku doodayan inkastoo ay dunida u cadahay awalba Yuhuudu inay xasuuqa muslimiinta bareer u sameeyaan waliba si jees jees ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Maamulka Khaatumo oo ka hadlay cida dishay sarkaalkii qunsuliyada Itoobiya ee dhawaan laas-caanood lagu dilay.

LAASCAANOOD (DAYNIILE.COM)-Maamulka SSC Khaatumo ayaa markii ugu horeysay waxay ka hadleen dil habeen hore Laas-caanood loogu geystay Faarax Caydiid Jaamac (Faarax Bariis) oo ka mid ahaa qunsuliyadda dowladda Itoobiya ee Garoowe.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Maamulka SSC-khaatumo, Avv. Cabdillaahi Xirsi ayaa shaaciyay in sarkaalkaani ay laba mid tahay in Alshabaab dileen iyo in aano qabiil loo dilay.

Xeer ilaaliyaha wuxuu xusay in maleeshiyaad dilay aan wali la qaban balse wuxuu xaqiijiyay in gudaha magaalada Laa-caanood lagu dilay.

Sidoo kale xeer ilaaliyaa ayaa ka dhawaajiyay in sarkaalkaani oo asal ahaan ka soo jeeda Laas-xcaanood inuu laftigiisu hore uga soo mid ahaa kooxda Alshabaab.

Xeer ilaaliyaha Maamulka Khaatumo wuxuu sidoo kale cadeeyay in sarkaakaan la dilay inuu ka tirsanaa sirdoonka Itoobiya islamarkaana ay u maleynayaan inay Alshabaab bartilmaameedsadeen.

Mar uu ka hadlayay waxa lagu dilay ayuu xaqiijiyay in jirdil kadibn madaxa looga dhuftay laba xabadood kadibna meydikiisa la geeyay gooja cadde.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Kulanka Madaxweyne Xassan iyo Madaxweynayaasha Gal-mudug,k/galbeed iyo Hirshabelle 

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada kula shiray Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Galmudug, koofur-Galbeed iyo Hirshabelle waxayna si gaar ah uga wada hadleen dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Madaxweyne Xassan ayaa madaxdaan ka dhageystay warbixinada dagaalada ka dhanka ah alshabaab iyo deegaanada ay maamulaan iyadoo mid mid ay uga warbixiyeen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka dalbaday madaxdaan in si dhab ah la isaga kaashto dagaalka Alshabaab ay doonayaan inay dalka kaga saaraan guud ahaan.

Waxay isla garteen in la wada wajao alshabaab si looga adkaado ,islamarkaana wada shaqeyn la muujiyo, waxay isla bogaadiyeen ciidamada xooga iyo kuwa macawisleyda ee dhiigooda u huraya dalkooda,dadkooda iyo diintooda.

Dhanka kale lama yaqaan in madaxda maamul goboleedyada loogu yeeray arimaha dagaalka oo kaliya iyo inay jirto arimo siyaasadeed kale sida shirka la filayo in madaxweynuhu ku casuumo saamileyda siyaasada iyo maamul goboleedyada dhamaan oo ka hor qabsoomadiisa lagala sii tashano sida madaxweynuhu gogoshaasi u dhigaayo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Waa kuma Jeneraalka loo magacaabayo Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Somalia

Waxaa soo baxaya warar aan wali la xaqiijin oo sheegaya in Madaxweyne Xasan uu sida ugu dhaqsiyaha badan u magacaabayo Abaanduulie cusub oo Ciidanka Qaranka Somaliyeed uu yeesho.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in xilka Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Somalia loo magacaabayo General Cageey.
Jenankaan ayaa la sheegayaa inuu qibrad badan u leeyaay dagaalada waliba si gaar ah kan alshabaab ka dhanka ah madaama uu hore uga saaray qaar ka mid ah degmooyinka Xamar xiligii ay joogi jireen.
 La tashiyo uu Madaxweyne Xasan la yeeshay saraakiil ,masuuliyiin iyo la taliyayaal ayaa keentay inuu aqbalo sida ay sheeayaan wararka aan helnay inkastoo uusan ahayn war rasmi ah oo  Dowlada xageeda aan ka helnay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 
May be an image of 1 person and wingtip shoes

Wasiir Fiqi oo xaruntiisa ku qabtay ol-olaha garab-istaagga ciidamada qaranka

May be an image of ‎10 people, dais and ‎text that says "‎عوم WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA IYO ISKAASHIGA ASHIGA CAALAMIGA TAAGEERIDDA_ÇUIDANKA TAAGEERIDDA XOOGGALKA LKA XOOGGA SOOMA ED IYO IYOLA LA KHA NKA‎"‎‎Wasiirka arimaha dibada somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa xarunta wasaaradiisa wuxuu maanta ku qabtay kulan lagu taageerayo ciidamada xooga Dalka .
Axmed Macalin Fiqi oo qoraal uu arintaasi ka hadlayo soo dhigat bartiisa baraha bulshada ayaa sidan u qornaa:-
Ololaha Garab-istaagga ciidamada qaranka Soomaaliyeed oo wasaaradda arrimaha dibaddu ay bilowday maantay, munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda ee magaalada Muqdisho.

Nabadda iyo xasiloonida lagu shaqaynayo waxaa duurka ugu jira wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo naftooda u huraya, sidaas awgeed waxaa waajib ku ah inta harka iyo nabadda ku jirta in ay garab istaagga iyo taakulaynta ciidamadeena ay ka qeybqaataan.

Waa mahadsan yihiin madaxda iyo hawlwadeenada wasaaradda oo Hormuud u noqday waajibkan qaran.
May be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 2 people and crowdMay be an image of 1 person, newsroom, dais and textMay be an image of ‎10 people, dais and ‎text that says "‎عوم WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA IYO ISKAASHIGA ASHIGA CAALAMIGA TAAGEERIDDA_ÇUIDANKA TAAGEERIDDA XOOGGALKA LKA XOOGGA SOOMA ED IYO IYOLA LA KHA NKA‎"‎‎May be an image of 1 person, dais and text
May be an image of 3 people and daisMay be an image of 1 person and text that says "WASAARADOA HORAACAL DDA ARRIMAHA _ DERADDA OKACA CANLAMISA AACEERIDDAGIDANKA AACEERIDDA SHDANKA XOOCGAD XOOGGA SOOMAA IYO IVO! CPAC"May be an image of 8 people and daisMay be an image of 3 people, beard and suitMay be an image of 3 people and eyewearMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 11 peopleMay be an image of 9 people and textMay be an image of 5 people, beard, wrist watch and suit

Maxaa ka jira warka ugu hadal heynta badnaa caawa ee is casilaada Odawaa

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa aad loo faafiyay warbaahin iyo baraha bulshadaba inta inuu warqad is casilaad ah gudbiyay Taliyaha Ciidamada Xoogga Taliye Odowaa Yuusuf Raage islamarkaana uu Madaxweynuhu ka diiday.

Guud ahaan jiritaanka warkaan ayaa been ah sida aan xogta ku helnay balse waxaa jira arimo kale oo la isku hayo sida in hogaanada hoose ee hogaaminta ciidamada Xooga dalka la badalo.

Sidoo kale waxaa jira hadal heyn kale oo xooggan iyana taasoo ah in Cali Jeyte xil looga magacaabi rabo hogaanka ciidamada inkastoo aan la sheegin xilkaasi nuucuu yahay.

Sdoo kale waxaa sidoo kale la faafiyay wararka sheegaya in madaxweynaha loo jeediyay inuu Mahad Salaad soo celiyo balse waxaa xogaha hoose sheegayaan inuu warkaasi jiro balse uu si cad u diiday madaxweyne Xassan oo muujiyay inuu ku kalsoon yahay Taliye Sambaloolshe iyo shaqada uu ka hayo sirdoonka qaranka.

Guud ahaan wararkaani maanta ilaa caawa noqday kuwo ugu badan ee la hadal hayo hadana badankood beenta ah waxaa keenay shirka madaxtooyada ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Taliye odowaa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Madaxweynaha Maamulka Somaliland “Colaad sokeeye oo degde ah ayuu horseedi kartaa socdaalkii Xamsa Cabdi-Barre”

HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland C/raxmaan Cirro oo khudbad maanta jeediyay ayaa mar kale si kulul uga hadlay socdaalkii dhawaan uu Ra’iisulwasaaraha Somalia ku tagay qeybo ka mida waqooyiga Somalia gaar ahaan Laas-caanood.

Madaxweyne Cirro oo meelo badan ka hadlay ayaa soo hadal qaaday socdaalkii Ra’iisulwasaare Xamse wuxuuna sheegay inuu keeni karo imaanshahaasi colaad sokeeye.

“Colaad sokeeye oo degde ah ayuu horseedi kartaa socdaalkii Xamsa Cabdi-Barre” ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Somaliland

Caalamka ayuu kaga dacwooday isagoo ku celceliyay in socdaalkaasi iyaga dhankooda uu xad-gudub ku yahay madaama ay sheeganayaan in wali Laas-caanood dhankooda tahay xili dhowr sano ka hor ay maamul SSC Khaatumo ka dhaho dhisteen islamarkaana ay aqoonsi xitaa ka heleen xukuumada Somalia.

Sidoo kale C/raxmaan Ciroo wuxuu carabka ku adkeeyay in Dowlada Soomaaliya ay ku soo qaaday dagaal qaawan si ay ugu Khalkhal u geliso, una wiiqdo dadaallada nabadaynta, iyo walaaleynta ah ee ay Somaliland waddo sida uu warkiisa u dhigay.

” Waxa aan ka digeynaa in xadgudubkaasi uu sababi karo colaado sokeeye oo soo degdega.” ayuu mar kale yiri Cirro.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo gudoomiyay shir looga hadlayay dardargelinta dagaalka Alshabaab+SAWIRRO

Muqdisho, Axad 20 Abriil 2025: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta guddoomiyay shirar muhiim ah oo uu la yeeshey guddi hoosaadyada abaabulka iyo wacyigelinta, iyo kan dhaqaalaha iyo taakuleynta.

Shirarkan ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dardargelinta dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Shabaab iyo Daacish, iyada oo la adkeynayo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda, bulshada rayidka ah, iyo la-hawlgalayaasha amniga.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in ujeeddadu tahay in la xoojiyo nidaamka sugidda amniga dalka, iyo sidii loo dhisi lahaa bulsho ka madax bannaan cabsi iyo xagjirnimo.
— Dhammaad —May be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 2 people, beard, suit, newsroom and daisMay be an image of 1 person, dais and newsroom
May be an image of 2 people, newsroom and daisMay be an image of 1 person, dais and newsroomMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person, newsroom and daisMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and newsroomMay be an image of 1 person, dais and newsroom
- Advertisement -

news

Weekly Meal Planner and Grocery List | Google Sheets Digital Template...

0
Weekly menu and shopping list | Digital model of Google sheets | Automated purchase list | Food preparation | Printable digital food planner Plan your...

Murf AI

book store near me

HOT NEWS