Home Blog Page 28

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafa dhuxulow  oo  kulan Nairobi kula  yeeshay Agaasimaha Guud Socdaalka Kenya, Evelyn Cheluget Sawiro

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya kulan Magaalada Nairobi ku dhex maray  Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya  Mustafa shekh Cali dhuxulow iyo Mas’uuliyiin ka socota laanta Socdaalka  ee Dalka Kenya.

 

Wararka ayaa sheegaya in Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustaf Dhuxulow uu  kulan la yeeshay Agaasimaha Guud ee Hay’adda  Socdaalka Kenya, Marwo Evelyn Cheluget iyo Xoghayaha Amniga Gudaha dalka Kenya  Thomas Saka.

 

Agaasime  Mustaf   ayaa ugu horrayn uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran, waxa uuna kala hadlay Agaasimaha Guud ee Socdaalka Kenya xoojinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah ee adeegyada socdaalka, oo ay ka mid yihiin fududeynta safarka muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan helitaanka oggolaanshaha dal-ku-galka dalkaas oo mudooyinkii la soo dhaafay aad u daaho.

 

Sidoo kale  Waxa uu kala hadlay wadashaqeynta dhinaca amniga xuduudaha, is-dhaafsiga xogta socdaalka, horumarinta isku-socodka xuduudaha, iyo nidaamyada dijitaalka ah ee socdaalka.

 

Dhinaca kale  Agaasimaha Guud ee Socdaalka Kenya, Marwo Evelyn Cheluget, ayaa xaqiijisay ballanqaadka Kenya ee ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo hagaajinta wada-shaqeynta socdaalka ee labada dal.

 

Kulankan waxa qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo la horumarinayo adeegyada socdaalka si ay ugu adeegaan danaha shacabka labada waddan.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

Nairobi Kenya

+254-711830393

Cabdixakiin441@hotmail.com

 

Maxey Tahay Sababta Kylian Mbappe Usoo Xaadiri Waayay Tababarka Kooxda Kadib Guuldarradii Arsenal?

XIGASHO LAACIB.NET

Kylian Mbappe ayaa ka maqnaa tababarka kooxda Real Madrid, iyadoo uu wajahayo dagaal waqtiga ah si uu uga soo kabsado dhaawac halis ah oo ka soo gaaray canqowga, kahor kulanka weyn ee final-ka Copa del Rey ee ay la ciyaarayaan Barcelona.

Xaaladda taam ahaanshaha Mbappe ayaa noqotay walaac dhab ah oo ka dhex jira xerada Real Madrid, iyadoo xiddiga reer France uu ka soo kabanayo dhaawac canqowga ah. Intii uu socday kulankii ugu dambeeyay ee Real Madrid, Mbappe waxaa garoonka laga saaray daqiiqaddii 75aad kadib markii uu si xun u dhacay, kaddib qalad uu ku galay laacibka Arsenal ee Declan Rice. Inkasta oo Rice uu garoonka uga baxay si caadi ah islamarkaana la siiyay laad xor ah, Mbappe wuxuu la kulmay xanuun daran oo keenay in la beddelo, iyadoo Brahim Diaz lagu soo beddelay.

Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday The Athletic, Mbappe weli kuma laaban tababarka kooxeed ee guud ee ay  qaadanayaan saaxiibadiis kahor kulanka La Liga ee ay la ciyaarayaan Athletic Bilbao.

Dhaqaatiirta kooxda ayaa si dhow ula socda xaaladdiisa, iyadoo canqowgiisu wali bararsan yahay. Inkasta oo kooxda ay rajo ka qabto inuu ka soo kabsado ka hor final-ka Copa del Rey ee ka dhacaya magaalada Seville, haddana lama hubo goorta uu si buuxda uga soo kabsan doono, waxaana arrintu ku xirnaan doontaa sida dhaawacu uga jawaabo daaweynta iyo nasashada maalmaha soo socda.

Mbappe kaliya ma ahan xiddiga ka maqan xerada tababarka Madrid – waxaa sidoo kale la dhibtoonaya dhaawacyo kala duwan xiddigaha muhiimka ah sida Ferland Mendy, Andriy Lunin, Dani Carvajal, iyo Eder Militao, kuwaasoo iyana ka soo kabanaya dhaawacyo kala duwan.

Maxey Tahay Sababta Kylian Mbappe Usoo Xaadiri Waayay Tababarka Kooxda Kadib Guuldarradii Arsenal?

 

 

Hansi Flick oo magacaabay xiddigii ka dambeeyay guushii soo laabashada aheyd ay ka gaareen Celta Vigo

XIGASHO LAACIB.NET

Tababaraha kooxda Barcelona, Hansi Flick, ayaa si weyn u ammaanay Raphinha kadib bandhig cajiib ah oo uu la yimid qeybtii labaad ee ciyaartii Celta Vigo. Flick ayaa shaaca ka qaaday inuu la hadlay Raphinha intii lagu jiray nasashadii ciyaarta, isagoo si toos ah ugu dhiirrigeliyay inuu maskaxda  beddelo oo uu door hoggaamineed qaato garoonka dhexdiisa.

Flick ayaa yiri:

“Markii nasashada la gaaray, waxaan Raphinha ku iri: ‘Fikir wanaagsan yeelo. Garoonka waxaan kaaga baahan-nahay adigoo hoggaan ah.’ Markaas kaddibna wuxuu soo bandhigay ciyaar heer sare ah.”

Raphinha oo inta badan lagu yaqaan dadaalkiisa iyo xamaasaddiisa ciyaarta, ayaa qeybtii labaad noqday mid si dhab ah u saameeyay kulanka, isagoo abuuray fursado badan oo halis ah, kana mid noqday xiddigaha ugu firfircoon garoonka.

Hadalkan kasoo yeeray Hansi Flick ayaa muujinaya xiriirka adag ee ka dhexeeya tababaraha iyo ciyaartoydiisa, iyo sidoo kale sida uu ugu tiirsan yahay xirfadda iyo kartida Raphinha, gaar ahaan marka kooxda u baahan tahay dhiirrigelin gudaha garoonka ah.

Barcelona ayaa haatan ku jirta marxalad adag oo ay doonayso inay ku dhammaystirto xilli ciyaareedkan si guul leh, waxaana muuqata in ciyaartoyda sida Raphinha ay yihiin kuwo door weyn ka ciyaari kara himilooyinka kooxda ee tartamada kala duwanHansi Flick Oo Magacaabay Xiddigii Ka Dambeeyay Guushii Soo Laabashada Aheyd Ay Ka Gaareen Celta Vigo

DEG DEG: Paul Pogba oo ugu dambeyn shaaciyay kooxda uu ku biirayo xilli ciyaareedka dambe

XIGASHO LAACIB.NET

Paul Pogba ayaa si rasmi ah uga tagay kooxda Juventus bishii November 2024 kaddib markii si is afgarad ah loo kansalay heshiiskiisii. Xiddiga khadka dhexe ee reer France ayaa hadda xor ah, waxaana uu doonayaa inuu ku biiro koox cusub marka uu diyaar u noqdo inuu kusoo laabto garoomada bisha Maarso 2025.

Ka dib markii maxkamadda sare ee ciyaaraha (CAS) ay hoos u dhigtay ganaaxii afarta sano ahaa ee loo saaray isticmaalka maandooriyaha, Pogba ayaa heli doona fursad uu ku bilaabo tababarka Janaayo 2025, isagoo ciyaari kara kulammada rasmiga ah bisha Maarso.

Inkastoo kooxo dhowr ah ay xiiseynayaan Pogba – oo ay kamid yihiin Olympique Marseille iyo Inter Miami – wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan inuu si gaar ah u danaynayo inuu u guuro horyaalka Bundesliga ee dalka Jarmalka.Waxaa si qarsoodi ah loo ogaaday inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Bayern Munich haddii ay u suura gasho.

Wuxuu haatan ku sugan yahay magaalada Miami, halkaasoo uu ka wado tababar gaar ah si uu isugu diyaariyo soo laabashada.

Haddii uu ku biiro koox Bundesliga ah, waxay noqon doontaa bog cusub oo ka mid ah buugga ciyaareedkiisa, isagoo doonaya inuu dib isugu muujiyo garoomada heerka sare ee Yurub.

Caalamka kubadda cagta ayaa si dhow u eegaya halka uu xiddigan 31 jirka ah ugu dambeyn ka ciyaari doono xilli ciyaareedka cusub.

DEG DEG: Paul Pogba Oo Ugu Dambeyn Shaaciyay Kooxda Uu Ku Biirayo Xilli Ciyaareedka Dambe

SIR LA OGAADAY:Vinicius Jr oo si waalli ah u aflagaadeeyay daafacyada Real Madrid kadib guukdarradii Arsenal

XIGASHO LAACIB.NET

Vinicius Jr oo weerar afka ah ku qaaday daafacyada Real Madrid kaddib guuldarradii ka dhacday Arsenal.

Vinicius Jr ayaa si caro leh u dhaleeceeyay daafacyada kooxda Real Madrid kaddib guuldarradii xanuunka lahayd ee ka soo gaartay Arsenal kulankii lugta labaad ee wareegga afar-dhamaadka Champions League, kaasoo ka dhacay garoonka Santiago Bernabéu.

Weeraryahanka reer Brazil ayaa si toos ah u muujiyay niyad-jabkiisa, isagoo si cad u sheegay in daafacyada kooxda aysan u qalmin in ay matalaan Real Madrid marka loo eego heerka tartamada waa weyn. Wuxuu ku eedeeyay in aysan jirin tartan dhab ah oo ay la galaan weeraryahannada kooxaha waaweyn, taasina ay keentay guuldarrooyin waa weyn.

Vinicius ayaa sidoo kale ugu baaqay maamulka Real Madrid in ay sameeyaan isbeddel ballaaran xagaaga, si ay u keenaan daafacyo cusub oo karti u leh in ay la jaanqaadaan heerka sare ee kooxaha caalamka.

Hadallada xiddigan ayaa imanaya xilli cadaadis xooggan la saaray tababare Carlo Ancelotti, oo wararku sheegayaan inuu wajihi karo ceyrin haddii Real Madrid ku guuldareysato hanashada horyaalka La Liga iyo Copa del Rey xilli ciyaareedkan.SIR LA OGAADAY:Vinicius Jr Oo Si Waalli Ah U Aflagaadeeyay Daafacyada Real Madrid Kadib Guukdarradii Arsenal

XOGTA: Madaxweyne Xassan oo Caawa amar adag soo rogay kadib kulan uu la yeeshay Taliye Odowaa

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya oo caawa la kulmay Taliyaha ciidamada Xooga Dalka Odowaa Yuusuf Raage oo galabta uun ka soo laabtay furumaha xili la sheegay in dagaalkii Aadan Yabaal uu halis ku galay.

Kulanka Caawa madaxweynuhu la yeeshay Taliyaha waxaa lagu lafa gurey dagaaladii ugu dambeeyay oo dowlada looga qabsaday deegaano badan iyo waxyaabihii sababta u ahaa ,taliye odowaa warbixin siiyay madaxweynaha.

Madaxweyanaha ayaa markii uu dhageystay warbixira Taliyaha wuxuu amar ku bixiyay inay qasab tahay in dad loo ciqaabo sababtii guul darada keentay  islamarkaana  masuuliyad ay yeelato cid qaada.

Dhanka kale shirkaani oo Taliye Odowaa iyo Madaxweynaha ay saraakiil kale oo milateri ay ku wehlinayeen waxaa sidoo kale la isku afgartay in ciidamada dib loo diyaariyo sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamadu dib alshabaab uga saaraan meelihii ay qabsadeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

Shirkii Golaha Amniga Qaranka Somalia xagee ku dambeeyaa

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa is weydiin mudan shirkii Golaha Amniga Qaranka Somalia ee markasta oo xaaladu adag tahay la qaban jirey xagee ku dambeeyay xili dagaalku dagaalo qaraar ku jiro kala daadasho uu ka muuqdo amniga qaranka Somalia.

Shirka oo uu gudoomiyo Madaxweynaha islamarkaana ay ka soo qeybgalaan Taliyayaashas kala duwan ee ciidamada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ma moodaa in xili uga haboon maanta ineyan jirin.

Ma laga yaabaa imaanshaha Taliyaha Milateriga Odawaa Yuusuf Raage oo galabta xamar soo gaaray in shirkaasi ay soo dedejiso oo beri oo axad ah ama isniinta shirkaasi qabsoomo madaama dhibaatooyin uu soo wajahay amniga guud ee dalka gaar ahaan taliska ciidamada Xooga oo looga adkaaday dagaaladii ugu dambeeyay.

Shirkaasi ama gole amni ha ku qabsoomo ama Odawaa iyo Xassan ha dhexmaree waxaa loo badinayaa in is badalo lagu sameeyo hogaanka ciidamada qalabka sida si Dowladu eeda guul darooyinka dusha uga tuurto qaar ka mida saraakiisha ciidamada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Fanaan BK oo shaaciyay inuu Fanka ku soo laabtay

HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Sida uu bartiisa Facebook ku soo qorey Alfanaan Maxamed BK oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyiga Somalia wuxuu sib ugu soo laabtay fanka isagoona durba diyaariyay heeso cusub.

Fanaanka ayaa shaaciyay in heeso wadani ah oo dhamaantood uu kaga hadlayo maamulka Somaliland uu soo wado dhawaan kuwaasoo si gaar ah uu ugu talo galay dabaal-dega 18-ka may maalinta gooni isu taaga reer Somaliland.

“Heesuhu waa wadani waxaana laba ka mida ay soo bixi doonaan ka hor 18-ka May ” ayuu yiri Maxamed BK oo saxaafadu faafisay markii uu joojinayay inuu ka towbad keenay.

lama yaqaan sababta uu hada dib ugu soo laabtay xili uu go’aansaday inuu isaga baxay waliba si diiniyan ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMFanaan Mohamed BK ayaa Ummadda Soomaaliyeed ka raalligaliyey hadal gaf ahaa  oo kasoo jeediyey xafladda uu ku qabanayey London, Fannaanka ayaa sheegay  inay maradhadu ka dhacayday Bani-aadankuna khaldamo sidaas daraadeed  khaladkiisio laga

XOGTA: Taliye Odawaa oo Muqdsho ku soo laabtay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Odawaa Yuusuf Raagge ayaa galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho xili waqtiyadii ugu dambeysay uu ku maqnaa furumaha dagaalka.

Taliye Odawaa oo wararka qaar sheegayaan inuu ku sigtaya Dagaalkii Aadan Yabaal inay alshabaab dilaan ama go’doomiyaan xili uu u baxsaday dhanka Deegaanka Moqakori  ayaa waxaa halkaasi ka soo qaaday galata diyaaradaHeylakobtarka ee Ciidamada Cirka Somalia.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Taliyaha uu kulan degdeg ah la leeyahay Madaxweynaha somalia iyadoo ay isla falanqeyn doonaan sababta guuldarada ciidamada Dowlada ee Degmada Aadan Yabaal taliyaha laftiisu ku sugnaa.

Waxaa macquul ah in klulankaani kadib saraakiil badan ay shaqadooda ku waayaan hogaan xumi iyo guul darooyinka soo gaaray ciidamada Dowlada Somalia oo deegaano badan laga qabsaday labadii bilod ee ugu dambeysay.

Si kastaba Taliyaha waxaa lagu wadaa inuu shaqada ka wado  taliska ciidamada xoogga ee Magaalada Muqdisho.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

- Advertisement -

news

book store near me

0
Are you looking for a library near me? That you are a lover of books who seek the last success of sales, a student...

Murf AI

HOT NEWS