Home Blog Page 29

XOGTA: Madaxweyne Xassan oo Caawa amar adag soo rogay kadib kulan uu la yeeshay Taliye Odowaa

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya oo caawa la kulmay Taliyaha ciidamada Xooga Dalka Odowaa Yuusuf Raage oo galabta uun ka soo laabtay furumaha xili la sheegay in dagaalkii Aadan Yabaal uu halis ku galay.

Kulanka Caawa madaxweynuhu la yeeshay Taliyaha waxaa lagu lafa gurey dagaaladii ugu dambeeyay oo dowlada looga qabsaday deegaano badan iyo waxyaabihii sababta u ahaa ,taliye odowaa warbixin siiyay madaxweynaha.

Madaxweyanaha ayaa markii uu dhageystay warbixira Taliyaha wuxuu amar ku bixiyay inay qasab tahay in dad loo ciqaabo sababtii guul darada keentay  islamarkaana  masuuliyad ay yeelato cid qaada.

Dhanka kale shirkaani oo Taliye Odowaa iyo Madaxweynaha ay saraakiil kale oo milateri ay ku wehlinayeen waxaa sidoo kale la isku afgartay in ciidamada dib loo diyaariyo sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamadu dib alshabaab uga saaraan meelihii ay qabsadeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

Shirkii Golaha Amniga Qaranka Somalia xagee ku dambeeyaa

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa is weydiin mudan shirkii Golaha Amniga Qaranka Somalia ee markasta oo xaaladu adag tahay la qaban jirey xagee ku dambeeyay xili dagaalku dagaalo qaraar ku jiro kala daadasho uu ka muuqdo amniga qaranka Somalia.

Shirka oo uu gudoomiyo Madaxweynaha islamarkaana ay ka soo qeybgalaan Taliyayaashas kala duwan ee ciidamada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ma moodaa in xili uga haboon maanta ineyan jirin.

Ma laga yaabaa imaanshaha Taliyaha Milateriga Odawaa Yuusuf Raage oo galabta xamar soo gaaray in shirkaasi ay soo dedejiso oo beri oo axad ah ama isniinta shirkaasi qabsoomo madaama dhibaatooyin uu soo wajahay amniga guud ee dalka gaar ahaan taliska ciidamada Xooga oo looga adkaaday dagaaladii ugu dambeeyay.

Shirkaasi ama gole amni ha ku qabsoomo ama Odawaa iyo Xassan ha dhexmaree waxaa loo badinayaa in is badalo lagu sameeyo hogaanka ciidamada qalabka sida si Dowladu eeda guul darooyinka dusha uga tuurto qaar ka mida saraakiisha ciidamada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Fanaan BK oo shaaciyay inuu Fanka ku soo laabtay

HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Sida uu bartiisa Facebook ku soo qorey Alfanaan Maxamed BK oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyiga Somalia wuxuu sib ugu soo laabtay fanka isagoona durba diyaariyay heeso cusub.

Fanaanka ayaa shaaciyay in heeso wadani ah oo dhamaantood uu kaga hadlayo maamulka Somaliland uu soo wado dhawaan kuwaasoo si gaar ah uu ugu talo galay dabaal-dega 18-ka may maalinta gooni isu taaga reer Somaliland.

“Heesuhu waa wadani waxaana laba ka mida ay soo bixi doonaan ka hor 18-ka May ” ayuu yiri Maxamed BK oo saxaafadu faafisay markii uu joojinayay inuu ka towbad keenay.

lama yaqaan sababta uu hada dib ugu soo laabtay xili uu go’aansaday inuu isaga baxay waliba si diiniyan ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMFanaan Mohamed BK ayaa Ummadda Soomaaliyeed ka raalligaliyey hadal gaf ahaa  oo kasoo jeediyey xafladda uu ku qabanayey London, Fannaanka ayaa sheegay  inay maradhadu ka dhacayday Bani-aadankuna khaldamo sidaas daraadeed  khaladkiisio laga

XOGTA: Taliye Odawaa oo Muqdsho ku soo laabtay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Odawaa Yuusuf Raagge ayaa galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho xili waqtiyadii ugu dambeysay uu ku maqnaa furumaha dagaalka.

Taliye Odawaa oo wararka qaar sheegayaan inuu ku sigtaya Dagaalkii Aadan Yabaal inay alshabaab dilaan ama go’doomiyaan xili uu u baxsaday dhanka Deegaanka Moqakori  ayaa waxaa halkaasi ka soo qaaday galata diyaaradaHeylakobtarka ee Ciidamada Cirka Somalia.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Taliyaha uu kulan degdeg ah la leeyahay Madaxweynaha somalia iyadoo ay isla falanqeyn doonaan sababta guuldarada ciidamada Dowlada ee Degmada Aadan Yabaal taliyaha laftiisu ku sugnaa.

Waxaa macquul ah in klulankaani kadib saraakiil badan ay shaqadooda ku waayaan hogaan xumi iyo guul darooyinka soo gaaray ciidamada Dowlada Somalia oo deegaano badan laga qabsaday labadii bilod ee ugu dambeysay.

Si kastaba Taliyaha waxaa lagu wadaa inuu shaqada ka wado  taliska ciidamada xoogga ee Magaalada Muqdisho.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Mareykanka oo galabta duqeeyay daacishta Puntland

CALMISKAAD (DAYNIILE.COM)-Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee aan duuliyaha lahayn ayaa galabta duqeyn ka fuliya toga miraale ee buuraha Calmiskaad Gobolka Bari Puntland Somalia.

Duqeynta ayaa lala eegtay dagaalamayaasha Daacish ee ka firxaday howlgalkii dhanka dhulka ee Ciidamada Puntland ka fuliyeen aagaasi.

Dadka deegaanadaasi iyo ciidamada howlgalka ka wada buuraha Calmiskaad  ayaa maqlay jugta gantaalada ay tuurayaan drons-ka Mareykanka iyo uurada ka baxeysa halka duqeymuhu ku dhacayaan.

Aagga togga Miraale oo ay ciidamada Puntland shaqo badan ka qabteen ayaa hadana waxaa  halkaasi weli ku go’doonsan dagaalamayaal Daacish ka tirsan xili intooda badana ay ka carareen aagaasi.

War ka soo baxay ciidamada difaaca Puntland ayay ku sheegeen in  duqeynta mareykanka lagu beegsaday dagaalamayaasha daacish ka cararay qeybo ka mida toga Miraale.

Saraakiisha Puntand waxay carabka ku adkeeyeen in wajiga 3-aad ee howlgalka uu dhamaad yahay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Halkaan ka daawo Ciidamadii Aadan yabaal ka soo yaacay oo qarkood Muqdisho isaga Hayaamay ka dib taakuleyn la aanta dowlada

Halkaan ka daawo Ciidamadii Aadan yabaal ka soo yaacay oo qarkood Muqdisho isaga Hayaamay ka dib taakuleyn la aanta dowlada

Hadal heynta xil ka qaadista Ra’iisulwasaaraha oo caawa soo laba kacleysay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa caawa mar kale soo laba kacleeyay hadal heynta Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre taasoo baraha bulshada laga dareemayo inkastoo aysan ahayn war xaqiiqo ah.

Inta badan baraha bulshada ,waraahinta iyo hadal heyntu halka ay ku bataan waa rumoobaan, caawa soo baaya warar sheegaya in Madaxweyne Xassan xil ka qaadis ku sameynayo Ra’iisulwasaarihiisa.

Hadal heynta ugu xooggan ayaa sheegeysa in fashilka iyo guul-darooyinka dagaalada ka soo gaaray Dowlada uu Madaxweynuhu u aaneynayo xil qaadista guud ahaan Ra’iisulwasaare Xamsa iyo team-kiisa fulinta.

lama yaqaan waxa is badali kara dhanka dagaalada hadii Ra’iisulwasaare cusub iyo Wasiiro cusub uu dalka yeesho waaba hadii eeda ay leeyihiine.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

Alshabaab oo markaan damac ka soo galay Jowhar

JOWHAR (DAYNIILE.COM)-Deegaano aad ugu dhaw Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle waxaa laga soo sheegayaa inay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan alshabaab badan oo aad u hubeysan kuwaasoo la sheegay inuu damac  uga jiro qabsashada xarunta gobolka sh.dhexe iyo maamulka Hirshabelle.

Kooxdaan oo maalmo uun ka hor qabsadeen Degmadii ugu horeysay ee Gobolka Shabeelaha dhexe taasoo ah Aadan Yabaal ayaa hada usoo jeestay inay u boodaan caasimada looga taliyo hirshaballe madaama degmooyinka kale ay dhanka Muqdisho soo jiraan.

Wasiirka arimaha gudaha Hirshabelle C/raxmaan Daahir Guurre  oo dhawaan saxaafadu wax ka weydiisay suurtagalnimada Jowhar inay alshabaab qabsadaan ayaa si fudud u sheegay inaysan qabsan karin madaama ay caasimada maamulka tahay sida uu sheegay islamarkaana ay ciidamo badan oo xooga dalka iyo macawisleyba joogaan.

Dhaq dhaqaaqa hada Alshabaab laga soo sheegayo inay ka wadaan duleedka Jowhar waxaa la soo sheegayaa in Masuuliyiintu ka war heleen islamarkaana ciidamo dheeraad ah la geeyay meelaha laga soo galo magaaladaasi.

Sidoo kale Nabad sugida qaranka iyo kuwa Hirshabelle ayaaiyaguna dhaq dhaqaaq ka wada banaanka Magaalada Jowhar si ay ula socdaan dhaq dhaqaaqyada idiga ku ah xili waliba la soo sheegay inay dad u qabqabteen tuhun ku saabsan inay alshabaab xiriir la leeyihiin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Kulankii Baarlamaanka oo maanta buuq ku soo dhamaaday kadib mooshin la diiday

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kulankii maanta ay lahaayeen Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa buuq iyo fowdo ku soo dhamaaday kadib markii xildhibaanada qaar laga diiday mooshin ay ka wadeen go’aankii xubinimada baarlamaanka looga xayuubshay Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib .

Xildhibaanadaan oo diidmo ka muujiyay in xubinimadiisa loo diido Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib  ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe waxay rabeen inay u gudbiyaan mooshin balse wuu ka diiday taasoo mar kaliya buuq gelisay fadhigii baarlamaanka  taasoo keentay ugu dambeyn in lagu kala tago maanta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sh. Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sababta uu u diiday mooshinkaasi ku sheegay inuu yahay mid sharci daro ah islamarkaana mooshinkaasi in lan qabto ay ka hor imaneyso xeer- hoosaadka baarlamaanka halka xildhibaanada keenay iyaguna daliishanayaan qodobo dastuurka ka mida.

ayaa ku tilmaamay mooshinka mid sharci-darro ah, isagoo sheegay in qabashadiisu ay ka hor imanayso xeer- hoosaadka baarlamaanka, isla markaana ay keeni karto mas’uuliyad dambi ku ah isaga.

Gudoomiyaha wuxuu sidoo kale Xildhibaanada mooshinkaani waday oo u badan kuwa Dowlada mucaaradka ku ah uu ku eedeeyay inay buuq ku fureen fadhiga baarlamaanka ayna soo dedejisay in shirkii baarlamanku baaqdo maanta.

Dhanka kale Xildhibaanada mooshinka waday oo shirka kladib la hadlay saxaafada ayaa sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka ay ka keenayan mooshin xil ka qaadis kadib sida ay sheegeen markuu ka hor yimid nidaamkii baarlamaanka iyo xaqii ay u lahaayeen inay mooshin soo gud-bin karaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMNo description available.

Yuusuf Indha-cadde “Haddii aanu Abdirahman Cirro murtad aheyn Xasan Sheekhna murtad maahan”

Gen.Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) ayaa si kulul uga hadlay hadalo dhawaan ka soo yeeray siyaasiga reer Waqooyiga ee Faysal Cali Waraabe wuxuuna ku eedeeyay Maamulka Somaliland inay isla wada ogyihiin waxa uu ku hadlayo.
Yuusuf Indha-cadde mar uu soo hadal qaaday hadaladii gafka ahaa ee Faysal ka soo yeeray ayuu xusay in hadii maamulka Somaliland xiri waayaan siyaasigaasi inay cadeyneyso inay isla wada ogyihiin gafka.
Indha-cadde wuxuu carabka ku adkeeyay in Faysal Cali Waraabe yahay argagaxiye Alshabaab ka tirsan ,wuxuuna caalamka ugu baaqay inay ula macaamilaan sida argagaxisada loola macaamilo.
“Haddii uu maamulka Somaliland xiro Feysal Waraabe waxaan u qaadaneeynaa in dagaalku ku kooban yahay Feysal Cali Waraabe iyo intii Hargeysa nooga soo duushay, haddiise Feysal Cali Waraabe la xiri waayo, waxaan u qaadaneeynaa in dagaalka nalagu soo qaaday uu yahay mid guud oo beeshu ku mideeysan tahay” ayuu yiri Indhacade
Wuxuu su’aal geliyay Indhacade jihaadka xamar loo soo aadaayo ee aan ka jirin Hargeysa .
“Hargeysa reer Galbeed baa jooga,oo Itoobiyaan baa safaarad ku leh, inta xamar dumar qaawan joogaan baa xagana joogta,marka maxay tahay janada xamar taal oo aan hargeysa oolin, arintaasi calamaad su’aal ayay saareysaa reer Isaaq la yiraa ama maamulka Somalialnd” ayuu mar kale yiri Indha-cadde oo intaas ku daray

Dhanka kale wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay murtad hargeysa aan joogin oo jooga Muqdisho.

“Haddii aanu C/raxman Cirro murtad aheyn Xasan Sheekh-na murtad maahan” ayuu yiri Yuusuf Indha-cadde
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
- Advertisement -

news

Weekly Meal Planner and Grocery List | Google Sheets Digital Template...

0
Weekly menu and shopping list | Digital model of Google sheets | Automated purchase list | Food preparation | Printable digital food planner Plan your...

book store near me

Murf AI

HOT NEWS