Wasiir Jaamac ” Shacabka Soomaaliyeed waa in ay feejignaadaan indhhoodana furnaadaan difaacdaanna sadexdaan qodob”
Dowlada oo warsaxaafadeed ka soo saartay xuska maalinta Xorriyadda Saxaafadda.


Qaadashada kaararka doorashooyinka oo weli si xowli ah ugasocota Muqdisho
MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Magaalada Muqdisho waxaa si xowli ah uga sii socda qaadashada kaararka aqoonsiga doorashooyinka Golaha deegaanka ilaa xilka Madaxweynaha
Degmooyinka maanta kaararka laga qaadanayay waxaa ka mida Dharkeenleey, Wada-jir iyo Gubad-leey ee Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Amniga degmada Dharkeynley Cabdullaahi Xasan Afrax ayaa sheegay in maanta shacabka Degmada ay si weyn isugu soo baxeen si ay u qaataan kaarka aqoonsiga doorashooyinka.
Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Gubadley Cabdullaahi Nuur (Kaalibey) ayaa sheegay in Degmada Gubadleey maanta si weyn looga qaatay kaarka aqoonsiga doorashooyinka .
“Waligey ma arag meel wax lagu dooranayo, maanta ayay rajadaas ugu dhawdahay waana u diyaarsanahay.”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Gubadley Cabdullaahi Nuur (Kaalibey)
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Wasiiirka cusub ee arimaha dibada oo maanta xilka kala wareegay wasiirkii hore+SAWIRRO




QM oo war ka soo saartay roobab dhimasho iyo barakac geystay oo ka da’ay Jowar iyo Gaalkacyo
Hay’ada Qaramada Midoobe ayaa ka hadashay roobab iyo fatahaad wabio oo ka dhacay Maamul Goboleedyada Soomaaliya qaarkood sida Hirshabelle iyo Gal-mudug kuwaasoo saameyn ku yeeshay kumanaan dad ah.
Daadad ka dhashay roobabkaasi iyo wabiga oo soo baxsaday ayaa sababay barakac ,dhimasho iyo dhaawac intaba sida ay cadeysay Hay’adda arrimaha bani’aadannimada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee OCHA.
Hay’ada OCHA waxay shaacisay inay daadadku ay saameyn ku yeesheen in ka badan 45,000 oo qof .
Roobabkaani waxaa ku dhintay afar ruux oo intooda badana caruur yihiin tan iyo 15-kii April sida ay sheegtay Hay’ada OCHA.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAAWO: Puntland oo soo bandhigtay meydadka Daacish badan oo ay ku laayeen deegaanka Dhasaan sare
CALMISKAAD (DAYNIILE.COM)-Taliye Ayaanle Dheere oo ka mida saraakiisha ciidamada Punland ayaa maanta ka warbixiyay dagaal xalay ay la galeen Daacish kaasoo ka dhacay Deegaanka Dhasaan Sarre ee buuraleyda Calmiskaad.
Iska hor imaadka ayuu sheegay inay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan kooxda Daacish oo bilihii ugu dambeeyay ay kula dagaalayeen buuraha calmiskaad.
Mar uu ka hadlayay sida dagaalku ku qarxay ayuu taliye Ayaanle sheegay inay Daacish weerar soo qaadeen laakiin xiligaasi ciidamada Puntland difaac ku jireen sidaasna uga guuleysteen oo intii ka hartayna ay ku daba jiraan.
“iyagoo indha la’ bay na soo galeen xalay laakiin ciidamada oo difaac ku jirey ayaa ka hor tagay waa kaas baqtigoodu daadsan yihiin,inaga hal askari oo dhaawaca kaliya ayaa jira ma jirto wax khasaare kale ah oo na soo gaaray maxaa yeelay waxaa nahay xaq u dirir”ayuu yiri Taliye Ayaanle.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Hogaamiye Firdhiye muxuu kala hadlay hay’adaha amniga
























Aadan Madoobe oo ka qeybgalay kulan horudhac u ah shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta+SAWIRRO





Dowlada oo warsaxaafadeed ka soo saartay guushii macawisleyda Xawaadle
War saxaafadeed
Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxay Bogaadineysa Guusha Geesiyaasha Deegaanka iyo Ciidanka Qaranka.
Muqdisho, 02 May 2025: Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si weyn u bogaadineysaa geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo gacan ka helaya Ciidamada Qalabka Sida oo si geesinimo leh ugu jabiyay Khawaarijta weerarro ay galinkii dambe ee maanta kusoo qaadeen deegaannada Muqliga Cali, Ceelhareeri, Hareeri Madoobe, iyo Garas-Magan oo dhammaantood ka tirsan gobolka Hiiraan ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.
Geesiyaasha degaanka iyo Ciidanka Qalabka Sida oo la socday isku dayga nafla-caari ah ee Khawaarijta ayaa si weyn uga hortagay duullaanka cadowga, waxaana Alle mahaddiis ah in ay si buuxda u jabiyeen maleeshiyaadkii soo duulay.
Geesiyaasha halkaas ka dagaalamay waxay soo ururiyeen maydadka 25 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, sidoo kale waxay nolosha ku qabteen afar maleeshiyaad ah, iyadoo saddex ka mid ah ay qabaan dhaawacyo culus. Waxaa sidoo kale la rumeysan yahay in tiro kale oo maydad iyo dhaawac ah ay horay usii qaateen Khawaarijtu.
Guushan weyn waa tii labaad oo muddo kooban gudahood lagu jabiyo Khawaarijta, iyadoo la xusuusto jabkii xoogganaa ee Khawaarijta lagula beegsaday deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle, halkaas oo ay guulo la taaban karo ka gaareen Ciidanka Qalabka Sida iyo dadka deegaanka.
Intii uu socday howlgalka baacsiga ah, geesiyaasha degaanka iyo Ciidanka Qalabka Sida waxay ka furteen Khawaarijta hub aad u badan.
Geesiyaasha reer Hiiraan waxay tusaale u yihiin halganka iyo geesinimada shacabka Soomaaliyeed ee ka dhiidhinaya Khawaarijta duulaanka ku ah qaranimadeena iyo diinteenna.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka, waxaa ka go’an in dalka laga ciribtiro Khawaarijta meel kasta oo ay kaga sugan yihiin dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ma fahmi kartaa halista soo fool leh?.
Agaasimihii hore ee laanta Socdaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa war qoraala uu soo saaray wuxuu cinwaan uga dhigay Ma fahmi kartaa halista soo fool leh?.
Siyaasigaani oo xiliyadaan danbe ka mid ah siyaasiyiinta diidan siyaasada Dowaladu wax ku maamuleyso sidoo kalana ah musharax madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa qoraalkiisa aad ugu dhaliilay sida ay dowladu dalka ku hogaamineyso.
Siyaasigaani wuxuu sheegay in qatarta taagan ay mid tahay in alabaabada loo laabay sedex madal oo dalka muhiim u ah isagoo tusaale usoo qaatay golaha baarlamaanka iyo warbaahinta.
Hadaba qoraalka siyaasigaan ayaa sidan u qoran:-
Ma fahmi kartaa halista soo fool leh?.