






Dadweynaha caasimadda ee qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa saaka u dareeray goobaha ay ka socoto diiwaangelinta codbixiyeyaasha si ay uga qeyb qaataan doorashada dhowaan dalka ka dhaceysa.
Degmooyinka Xamarweyne ,Shibis iyo Boondheere ayay si rasmi ah saaka uga bilaabatay diiwaangelinta halka ay kasii horeysay degmada Shangaani oo aheyd degmadii koowaad ee gobolka Banaadir laga bilaabo diiwaangelinta.
Wararka laga helaayo deegaanka Bursha-sheekh ee Gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in koox alshabaab ka tirsan uu ku qarxay miino ay doonayeen inay u aasaan ciidamada Dowlada iyo gaadiidkooda.
Wararku waxay tilmaamayaan in kooxda intii miinada diyaarinayeen inay iyaga ku qaraxday islamarkaana ay ku baaba’een intii meesha ka dhaweyd iyo kuwii wax diyaarinayay.
Inkastoo tira sugan aan laga helin hadana wararka ayaa xusaya in dhamaantood wixii meesha ay joogay ay dhimasho iyo dhaawac wada noqdeen kadib markii miinadu si lama filaan ah iyagii ugu qaraxday.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii miino ay aaseen ay duleedka Degmada Caddalle ay ku qaraxday gaari caasi ah oo dad shacaba siday waxaana ku dhintay laba haween oo isla dhashay iyo cunug 2 jir ahaa.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Sida uu goor dhaw warbaahinta u sheegay Gudoomiye ku xiinkii Hore Goballka Banaadir ibraahin Cumar Mahadale waxaa geeridiisa la xaqiijiyay Allaha u naxariistee Taliye Ismaciil Tuuryare.
Sarkaalkaan oo ah nin dhalinyaro ah xilal dhowr ahna ka soo qabtay taliska ciidamada xoogga ayaa warkiisa la waayay dagaalkii Degmada Aadan Yabaal oo uu ka mid ahaa saraakiishii hogaamineysay ciidamada.
Allaha u naxariistee Taliye Ismaaciil uu hogaaminayay boqolaal ka tirsan ciidamada Xooga dalka wuxuuna qeyb ka ahaa dagaalkii Aadan Yabaal, ilaa maalintaas waxaa baraha bulshada la wareejinayay hadalo iska soo horjeeda oo ku saasban inuu bad-baaday iyo inuu dhintay.
Ismaaciil Tuuryare wuxuu ahaa Taliye Urur ka tirsan ciidamada Xooga gaar ,wuxuuna markii ugu dambeysay ka howlgalayay Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha dhexe isagoo xukuayay ciidamo gaaraya 500.
Taliye Ismaaciil waxaa lagu xasuustaa inuu qeyb ka ahaa halgankii Xarar-dheere looga saaray Alshabaab isagoo xidigle ahaa ,sidoo kale wuxuu ka mid ahaa saraakiishii Madaxweyne Xassan ku soo dhaweysay Xarardhere, ugu dambeyn wuxuu ku dhintay dagaalkii dhawaan Alshabaab ku qabsadeen Degmada Aadan Yabaal xili uu ka mid ahaa taliyayaasha ugu sareeyay ee dagaalkaasi hogaaminayay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
War ka soo baxay Dowlada Mareykanka ayaa lagu cadeeyay inay madaxeeda dul dhigeen $5 milyan Haweeney Soomaali ah oo magaceeda ay ku sheegeen Khadra Ciise taasoo xubin sare ka ah kooxda Daacish ama ASIS waxaana lagu naaneysaa Ummu Qacqaac Soomaaliya.
Shanta Milyan Doolar wuxuu Mareykanku u balan qaaday inuu siin doono qof kasta oo keena xogta lagu soo qaban karo Khadra Ciise oo ay usoo jeediyeen eedeymo badan sida ay inay ka qeybqaadatay falal ismiidaamin ah oo shacab lagu bartilmaameedsaday iyo falal dila;l ah oo dad rayid ah lagu qaarajiyay.
Sidoo kale waxay ku eedeeyeen inay wax ka ogeyd qorista xubno cusub oo daacish ku biiray,sidoo kale waxaa lagu heystaa faafinta fikirka xagjirka ah.
War ka soo baxay waaxda Caddaaladda ee dalka Maraykanka ayaa lagu dhiiri geliyay qof kasta oo keena xog ku saabsan haweeneydan inuu heli doono lacagta shanta milyan ah ee la balan qaaday.
Khadra Ciise waxay heysataa dhalashada dalka Holand ama Natherland balse waxay asal ahaan tahay gabar Soomaaliyeed, waxay gashay liiska dadka mareykanku malaayiinta doolar ku baadi-goobayo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
=XIGASHO BBC SOMALI=
Wasiirka caafimaadka Kenya Aadan Ducaale ayaa joojiyay shaqadii adeegga caafimaadka ee tallaalida kelyaha ee Mediheal Group of hospitals. Waxaana talaabadan ay timid iyada oo ay soo baxayaan warbixinada tuhumada bukaanno loogu tallaalay xarunta ku taal magaalada Eldoret ee Uasin Gishu, taasi oo ay sameysay adeegga dhiig-shubidda iyo tallaalida Kenya (KBTTS).
KBTTS ayaa tuhunsan inay jiraan ka ganacsi sharci darro ah oo xubnaha bini’aadamka, ayna timid ka dib baaritaano ay ku sameeyeen in ka badan 370 kilyo tallaalid ah.
Wasiir Ducaale ayaa ku dhawaaqay labo sarkaal sare oo wasaarada caafimaadka ka tirsan shaqadii laga joojiyay, iyada oo la ogolaaday in baaritaan lagu sameeyo fadeexaddan.
Dr Cismaan Cali Gaboose ayaa sharaxaya anshaxa caafimaadka ee la xiriira in qofka kelyihiisa ogaansho la’aan ay xarumaha caafimaadka uga baxshaan iyo sidoo kale xilliga qofka laga saari karo isaga oo bixiyay ogolaanshaha.
”Badalaadda kilyaha qofka oo nool ama dhintay ama maskaxdiisu fariisatay in kilyaha lagala baxo anshax ahaan waa mamnuuc, wadamada qaar ayaa waxa ay leeyihiin in qofku inta aanu dhiman shuruuc laga saxiixo oo ah in xubnihiisa ku deeqo, taas oo markaa wadamada qaar shuruucdooda la eego in qof xubnihiisa ku deeqo marka uu geeriyoodo, ka dib dad baa sii saxiixa oo ‘form’ noocaas ah laga saxiixaa, ka dib marka ay saxiixaan qofkaasi haddii uu geeriyoodo shil ku dhinto dhib kala dhaco xubnihii waa lagala baxaa, waana marka la eegayo shuruucda u yaala wadamada reer galbeedka qaarkood ama intooda badan. Islaam ahaan wadamada islaamka sharci noocaas ah ma jiro oo anshaxa caafimaadka marka la eegayo ‘fiqu dabiibka’ marka la eegayo mamnuuc ayay ka tahay waddamada islaamka marka la eego wax banaan ma aha” ayuu yiri Dr Cismaan.
“Dhakhtarka ama xarunta caafimaadka ee sameysa waxa ay la kulmi karto marka sharciga caafimaadka laga eego ayaa isaga oo sharaxaya uu yiri ”qofku waxa uusan ku talagalin oo aan laga saxiixin in lagula dhaqmo ama xubin laga baxo marka horeba waa mamnuuc dunida oo dhan, wadankuu doono ha ahaado, marka labaadna xarun kasta oo caafimaad ee sameysa wax sharciga waddanka ay ku dhex shaqaynayso aanu ogolayn, tusaale cisbitaalka ogolaada qof xubin lagala baxo ama qof xubin uu iibiyo sharciga waddanku aanu ogolayn cisbitaal kasta iyo xarun kasta oo ku dhaqaaqda waxa weeyaan dambi beey ku tahay, waana wax aan sharciga wadamadu ogolayn inta badan” ayuu dhakhtarku yiri.
Waxaa jira wadamo kala duwan oo caalamka in og
”Tan ogolaanshaha waxaa jira wadamo UK oo kale ay ka mid tahay qofku markuu caafimaad qabo ee cisbitaalada imaanayo ayaa warqado laga saxiixaa oo ah haddii uu dhinto in xubnihiisa lala bixikarayo, marka muwaadinka waa la weydiiyaa, haddii uu yiraahdo xubintayda waa lala bixi karayaa, kilyaha, beerka, xubno badan baa laga saaraa, wadnaha qofka laga saaraa, haddii uu qofku ogolaado. Waxaa dhici karaysa in qolada boolisku ay keenaan cisbitaalka ‘system’ kaa laga eegaa, inta aanu dhiman inuu ‘form’ ka saxiixay, ka dibna xubnihiisa waa lagala baxaa”
Kala duwanaashaha ayaa isaga oo ka hadlaya Dr Cismaan uu sheegay wadamada Islaamka marka la yimaado ”qofka oo socda caafimaad qaba inuu saxiixo inuu kellidiisa iibiyo ama xubnihiisa iibiyo sharciga wadamada Islaamka ma banana, haddii uu dhintana xubnihiisa in lagala baxo iyadana ma banaana. Tan kali ah ee wadamada Islaamka banaan waxa weeyaan in qofku uu xubin jirkiisa ka mid ah qof kale ugu deeqi karayo asaga oo aan ka iibsanaynin, shardiga ku xirana waxa weeye in aan xubintaasi ahayn xubin uu isagu u geeriyoonayo, tusaale ahaan in aad beerkaada qof siiso oo wadnahaaga qof siiso waad u geeriyoonaysaa, marka wadamada islaamku ma ogola. Tan ay ogol yihiin waxa ay tahay haddii aad labo kalyood leedahay oo mid lagaa saaro tan kale waad ku badbaadaysaa”.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Marka shuruucda wadamada islaamka u taala waxa weeyaan, haddii qof ehelka xubin uunan u geeriyoonayn ugu deeqo, qofka bixinaya aynan dhibaato ka soo gaarayn haddii uu ugu deeqo wadamada Islaamka ‘fiqu dabiibka waa ogolyahay’, laakiin wadamada kale aan islaamka ahayn marka la joogo waa laba sheey kali ah, qofka isaga oo nool oo uu yiraahdo xubintaydan qofkaan baan ugu deeqayaa, weliba aysan ahayn xubin qofkaasi dhibaato ka soo gaaraysa iyo qof marka isaga oo nool yahay sii saxiixo haddii uu dhinto xubnihiisa lala bixi karayo oo dad kalana loogu deeqi karayo, laakiin caalamka oo dhan marnaba ma ogola tan ah in xubnaha bini’aadamka la iibiyo ama uu qofka ama xarumaha caafimaadka ka ganacsadaan”.
olaansho uu baxsho qofka kelyihiisa ku deeqaya, iyada oo waddamadu ku kala duwan yihiin.
JOWHAR (DAYNIILE.COM)-Masuul ka tirsan Maamulka Hirshabelle ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray in Alshabaab qabsan karaan caasimada Maamulka Hirshabelle ee Jowhar xili ay hada soo qabsadeen deegaano dhowr ah oo ay u dambeysay Degmada Aadan Yabaal.
Wasiirka arimaha gudaha Maamulka Hirshabelle C/raxmaan Daahir Guure (Koroole) ayaa daboolka ka qaaday in Jowhar tahay caasimada Maamulka Hirshabelle wuxuuna sheegay inay difaacan tahay islamarkaana ay ku sugan yihiin ciidamo badan oo kuwa deegaanka iyo Milateriga.
“Jowhar ma qabsan karaan waxaana ku sugan ciidamada Xooga dalka iyo kuwa deegaanka oo aad u badan,mida kale maba aaminsani wax qabsi la yiraa oo waliba meelaha ay dhawaan qabsadeen ayaaba degdeg looga saari doonaa”ayuu yiri Wasiirka arimaha gudaha Hirshabelle
Wasiirka wuxuu sheegay in ujeedkoodu yahay sidii ay dhamaan uga saari lahaayeen meelihii ay qabsadeen.
“meelaha ay hada soo gaareen si tabar dari ah ayay ku joogaan,waxaana ugu baaqayaa mujaahidiinta xaq u dirirka iyo ciidamada xooga inay Alshabaab dhamaanba ka saaraan meelaha ay ku sugan yihiin”ayuu mar kale yiri
Dhanka kale wuxuu cadeeyay in deegaanada Hirshabelle ay ka socdaan abaabulo lagu doonayo in Alshabaab looga saaro meelihii ugu dambeeyay ee ay soo galeen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM