Cadaalada daarad Maxkamadaha Xasan Sheikh iyo isbaarada uu dhigtay Eraboorka Musduf dhuxuloow ma tahay mid Somali ka boxikarto
Cadaalada daarad Maxkamadaha Xasan Sheikh iyo isbaarada uu dhigtay Eraboorka Musduf dhuxuloow ma tahay mid Somali ka boxikarto
Dagaalamayaal badan oo Alshabaab ka tirsan ayaa la soo sheegayaa inay maanta ka ruqaansadeen gobolada Bay iyo Bakool iyagoona u dhaqaaqay dhanka Hiiraan iyo shabeelooyinka oo dagaalo ay uga furan yihiin.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dhaq-dhaqaaqooda maanta ay sameeyeen kooxda,wararka qaar waxay sheegayaan inay iyagu iskood u fureen magaalooyinka ay mudo sanado ah go’doomiyeen kuwaasoo badankood ku yaal Gobolada Bay iyo Bakool,halka warar kalana sheegayaan inay ciidamadii oo dhan furumaha u direen taasina ay ku qasabtay inay iskood u furaan meelihii u go’doonsanaa.
Ciidamada iyo gaadiid dagaal wixii ka joogay Bay iyo Bakool ayay dhamaantood gurmad ahaan ugu direen shabeelooyinka iyo Hiiraan oo culeys dagaal uu ka heysto.
Dhanka kale sirdoonka Dowlada Somalia iyo maamulka Koofur-Galbeed wali wax wara kama soo saarin dhaq dhaqaaqyada Alshabaab ay ka sameeyeen gobolada Bay iyo Bakool.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trumo ayaa muujiyay cabsida ay ka qabaan in kooxda Xuutiyiinta Yeman ay Somalia galaan islamarkaana saldhig ka sameystaan.
Trump wuxuu carabka ku adkeeyay inay diyaar u yihiin sidii ay Dowlada Somalia uga caawin lahaayee la dagaalanka argagaxisada iyo waliba xuutiyiinta inay gaaraan Somalia.
“Somalia waxaan ka taageyreynaa la dagaalanka argagaxisada iyo inaysan Xuutiyiintu saldhig ka dhigan”ayuu yiri Madaxweyne Trump.
Mar uu ka hadlayay ciidamadooda cirka ee dhanka hawada ka taagera Dowlada Somalia ayuu sheegay inay diyaaradahoodu cadaalada hor keeni doonaan kooxaha argagaxisada sida uu warka u dhigay.
“Sidii aan hore xagjirka daacish uga cirib tirey Suuriya iyo Ciraq muda xileedkeygii hore ayaan hadana ka cirib-tirayaa xajirka somali”ayuu mar kale yiri.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Mid ka mida xildhibaanada Maamulka SSC Khaatumo ayaa baraha bulshada soo geliyay qoraal uu kaga hadlayo wararka sheegaya in reer khaatumo ay sii deyn doonaan qeyb ka mid ah maxaabiista reer Somaliland ee u xiran.
Xildhibaanka oo lagu magacaabo Axmed Keyse ayaa si toos ah u sheegay inay ku sharfi doonaan imaanshaha Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya inay maxaabiista qaar sii daynayaan walow madaxda sare ee Khaatumo aan wali war cad laga helin.
Dhawaan ayay ahayd markii Madaxweynaha Soomaaliya uu Turkey ka sheegay in Ra’iisulwasaare Xamse uu u tagay laas-caanood sidii uu u abuuri lahaa jawi nabadeed oo lagu wada hadal siin karo Khaatumo iyo Somaliand madaama dagaalo ay dhex mareen islamarkaana suurtagal laga dhigi in maxaabiista ay is weydaarsadaan.
Sidoo kale Hogaamiyaha SSC Khaatumo ayaa manta shaaciyay inay Somaliland ugu baaqayaan nabad shuruud la’aan ah marka laga reebo rabitaankooda in lagu soo farageliyo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiran Abbas Araghchi ayaa todobaadkan u safri doona magaalada Moscow si uu wadatashi ugala yeesho wadahadalka Nukliyeerka ee Iran ay la leedahay Mareykanka,
Abbas Araghchi ayaa booqan doona xulafada Iran dabayaaqada toddobaadkan, wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegtay Isniintii Ku dhawaaqista safarka.
Dowlada Iran ayaa qorsheysay inta ay ku guda jiraan wada-hadalka mareykamka ay la leeyihiin in sidoo kalana Arakchi uu la kulmi doono dhiggiisa Ruushka, Sergey Lavrov,
Moscow ayaa laga soo xigtay in kulanka ay Iran la yeelan doonaan uu ku soo aaday iyadoo tafaasiil ka soo baxay wadahadalka labaad ee u dhexeeya Iran iyo Mareykanka si loo sii wado kulan bilow ah oo dhamaadka usbuuca ka dhacaya Cumaan.
“Booqashada Araghchi ee Ruushka ayaa la sii qorsheeyay, laakiin waxaa jiri doona wadatashiyo ku saabsan wadahadallada lala yeelanayo Mareykanka” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran Esmaeil Baghaei
Iran iyo Maraykanku waxay sheegeen usbuucan dhammaadkii inay yeesheen wadahadallo toossan oo wax dhisaya, inkasta oo wada-xaajoodyadu ay weli yihiin kuwo aan toos ahayn iyada oo Cumaan ay dhexdhexaadin ka tahay.
Labada wadan ayaa ku heshiiyey in dib la isugu soo laabto sabtida iyadoo warar soo baxayay Isniintii ay soo jeedinayeen in Dalka Talyaaniga ay ciyaari doonaan kaalin dhex dhexaad inkastoo Iran la sheegay inay door bidayso Geneva.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa Al Jazeera u sheegay in kooxdu ay diiday hindise xabbad-joojin ah oo ay Masar soo bandhigtay oo ku baaqayay in hubka laga dhigo.
Ugu yaraan 13 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israel ee Gaza tan iyo waaberigii Isniintii.
Sagaal maxbuus oo ay Israa’iil sii deysay Gaza ayaa muujinaya “calaamadaha jirdilka” ayuu yidhi weriyaha Aljazeera ee Deir el-Balah.
Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 50,983 falastiiniyiin ah la xaqiijiyay inay dhinteen 116,274 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza. Xafiiska Warbaahinta ee Dowladda ayaa dhimashadiisa ka dhigay in ka badan 61,700, iyadoo sheegtay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo maleynayo inay dhinteen.
Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay 7-dii Oktoobar 2023 in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA|
DAYNIILE.COM
BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)- Wararka laga helaayo Gobolka Geddo ayaa sheegaya inay maanta xiisad dagaal ka taagan tahay Magaalada Balad-xaawo taasoo u dhexeysa ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa Maamulka Jubaland.
Wararku waxay tilmaamayaan in Magaaladaani Balad-xaawo oo gacanta ugu jira Dowlada Somalia uu shalay ciidamo la soo galay Madaxweyne xigeenka Maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan taasina ay keentay xiisadaani.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Jubaland dooneyso inay dib ula wareegaan Magaaladaasi sidaasna uu u yimid Madaxweyne xigeenka oo ciidamo wata.
Deegaanka Amiin oo dhacda duleedka Magaalada Balad-xaawo halkaasoo ay isku soo abaabulayaan si ay Baladxaawo uga qabsadaan ciidamada Dowlada Somalia oo hore magaalada ka eryay kuwa jubaland.
Guud ahaan dhaq dhaqaaqa ganacsi iyo isku socodaka Magaalada Balad-xaawo ayaa maanta caadi ah laakiin cabsi ayaa soo wajahday dadka shacabka ah oo dhagta ayaa u taagan, waxayna ka cabsanayaan in dushooda lagu dagaalamo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
GARBAHAAREEY (DAYNIILE.COM)-Maareeyaha Garoonka diyaaradaha Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa la soo sheegayaa inuu xalay ka bad-baaday isku dil ay la damacsanaayeen kooxda Alshabaab.
Koox ka tirsan Alshabaab ayaa si dhuumeleysi ah waxay xalay ku weerareen guriga maareeyaha balse wuu ka bad-baaday isku daygaasi dil ama afduub.
Is rasaaseyntii dhex-martay ilaaladiisa iyo maleeshiyaadka Alshabaab ayaa waxa la sheegay inuu ku dhaawacmay mid ka mid ah istaafka maareyaha mana jirto khasaare kale oo ka dhashay weerarkaasi.
Ciidamada Maamulka Garbahaareey ayaa durba soo gaaray kuwa maareeyaha walow aysan isku soo gaarin kuwii weerarka soo qaaday,ciidamada waxay howlgab kooban ka sameeyeen nawaaxiga guriga mana jirto cid ay tuhun usoo qabteen.
Alshabaab laftigooda oo sheegtay in weerarkeeni ay ka dambeeyaan ma aysan sheegin inay dileen maareeyaha kaliya inay weerar ku qaadeen bay sheegeen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM