Home Blog Page 64

Madaxweyne Xasan oo ka qeybgalay furitaanka shirka Madasha Diblomaasiyadda Antalya+SAWIRRO

Muqdisho, April 12, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala qeyb galay madaxda caalamka furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga.
Madashan oo ka mid ah fagaarayaasha caalamiga ah ee ugu muhiimsan iskaashiga dhanka amniga iyo siyaasadda ayaa wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay mudnaan siinayaan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee caalamiga ah, isdhaafsiga khibradaha maamul iyo sidii Soomaaliya ay doorkeeda uga qaadan lahayd arrimaha caalamiga ah, iyadoo la xaqiijinayo midnimada iyo danaha dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Turkiga martiqaadka iyo soo dhoweynta diirran ee ay ku qaabileen wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana uu kulan doceedyo la qaadan doonaa madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka qeyb galaya madashan.May be an image of 7 people, crowd and daisMay be an image of 1 person, speaker, crowd and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of speaker and crowd

Ra’iisulwasaare Xamsa oo goor-dhaw ka degay Laas-caanood+SAWIRRO

May be an image of 6 people and textLAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Soomaliya Xamsa Cabdi-Barre iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Laas-caanood halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Guud ahaan shacab iyo maamulba Magaalada oo dhan baa dhaqaaqday waxayna garoonka kaga hor tageen Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre si ay usoo dhaweeyaan.
Wafdiga Ra’iisulwasaaraha waxaa loo galbiyay Maxaxtooyada SSC Khaatumo halkaasuu uu iulamo kula qaadan doono Hogaamiyaha SSC Khaatumo iyo dhaaanka.

Laamiyada Laas-caanood waxaa aad u camirey shacabka Magaalada oo wata calamada Somalia iyo kan SSC Khaatumo kuwaasoo u soo baxay soo dhaweynta Ra’iisulwasaaraha Ssoomaaliya Xamsa Cabdi Barre.
Booqashaaan ayaa sidii horaba loo sheegay waxay noqoneysaa mid taariikhi ah waana markii koowaad oo tan iyo burburkii masuul Dowlada Somalia ka socda uu tago Laas-caanood.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of one or more people, camel, crowd and textMay be an image of 9 people and textMay be an image of 10 people and textMay be an image of 2 people and crowdMay be an image of 5 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 1 person, crowd and text

Agaasimaha iyo Wariye ka tirsan Radio Shabelle oo Xabsiga loo taxaabay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Booliiska Somalia ayaa Saaka xabsiga dhigay Agaasimaha  Radio Shabelle Iyo Wariye isla idaacadaasi ka tirsan  walina lama oga sababta.

Agaasime Abukar Sky iyo Wariye Soofeysane ayaa lagu xirey Saldhiga Booliiska Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho..

Masuuliyiinta Idaacad Shabeele  ayaa  xaqiijiyay xariga wariyaha.

Dhanka kale bahda  Warbaahinta  Soomaaliya qarkood iyo  maamulka TV shabeele ayaa ku baaqaya in xoriyadiisa dib loogu soo celiyo wariyaha.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Laas-caanood oo Bandow loo saaray Amniga Ra’iisulwasaare Xamsa dartiis

Open photoLAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Taliska Booliiska Maamulka SSC Khaatumo ayaa xalay soo saaray awaamiir amni taasoo ah bandow la saaray Magaalada sababo ay ku sheegeen sugida amniga Ra’iisulwasaaraha soomaalia oo saaka tagaya Magaaladaasi.

Taliska Booliiska waxay dul dhigeen Magaalada amar ah wixii xalay ka soo bilowda 12-kii saqda dhexe aanay wax gaadiid ah magaalada soo geli karin ,gaar ahaan koontaroolada laga soo galo aysan ka soo gud-bi karin.

Sidoo kale Booliisu waxay mamnuuceen in gaadiidka iyo mooto bajaajta aaney mari karin wadada wadnaha ilaa iyo amar danbe ,wadadaan ayaa isku xirta garoonka diyaaradaha ilaa madaxtooyada SSC Khaatumo.

Taliyaha oo awaamiirta akhrinayay ayaa shaaciyay in kaliya wadada wadnaha loo ogol yahay gaadiidka maamulka gaar ahaan kuwa ka shaqeynaya soo dhaweynta Ra’iisulwasaaraha,waxaana gabi ahaanba dhaq dhaqaaqa loo diiday gaadiidka shacabka.

Taliyaha wuxuu carabka ku adkeeyay inay awaamiirtaani usoo rogeen sugida amniga wafdiga Ra’iisulwasaaraha, wuxuuna ka codsaday shacabka reer Laas-caanood inay u hogaansamaan awaamiirta oo ay fuliyan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Wasiirka Gaashaandhiga muxuu ka yiri maalinta 12-ka April ee ciidamada Xoogga

Muqdisho, Abriil 12, 2025; Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, xuska 65 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku beegan maanta oo kale 12-ka Abriil.
Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin difaaca qaranimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, laga soo bilaabo markii la aas-aasay 12-kii Abriil, sanadkii 1960-kii, ilaa maanta oo ay si geesinimo leh ugu adeegayaan dadkooda.
“Ciidanka Xoogga Dalka waa geesiyaal naftooda u hura difaaca dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed. Alle waxaan uga baryayaa inuu aqbalo shahaadadooda, kuwa dhaawacanna uu siiyo caafimaad degdeg ah”.
Wasiirka Gaashaandhigga XFD ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo si buuxda u taageeraya dadaallada ay ugu jiraan ciribtirka kooxaha Khawaarijta ee dhibaatada ku haya shacabka iyo dalka.
“Waa waajib qaran in la garab istaago geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka, oo maanta naf-hurnimo ugu jira hawlgallada dalka looga xoreynayo cadowga Khawaarijta,” ayuu yiri Wasiir Jabriil Cabdirashiid.
— DHAMMAADMay be an image of 1 person and text

Dagaal-yahano Alshabaab ka tirsan oo weerar ku laayay ciidamo Itoobiyaan ah

WAAJID (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Deegaanada Maamulka Koofur-Galbeed gaar ahaan Magaalada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Dagaal  uu shalay dhex-maray ciidamada Itoobiya iyo Dagaal-yahanada Alshabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Alshabaab weerar dhaba-gal ah ku qaadeen ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo baxay Garoonka diyaaradaha Waajid xili ay ku sii jeedeen saldhig ay isla magaaladaasi ku lahaayeen, waxaana dhexmaray dagaal culus.

Sidoo kale qarax ay Alshabaab soo maleegeen ayaa qabsaday gaari Cabdi-Bile ah oo Itoobiyaanku wateen waxayna dagaalamayaasha Alshabaab ku dilaan qaraxaasi  4 ka mida ciidamada Itoobiyaanka sidoo kalana waxaa ku bur-buray gaarigaasi oo ay jiiteen Itoobiyaanku.

War durba ka soo baxay saraakliisha Ciidamada Itoobiya ayaa lagu shaaciyay inay iska difaaceen weerarka ay Alshabaab ku soo qaadeen mana aysan soo hadal qaadin khasaaraha ciidamadooda gaaray.

Sidoo kale Itoobiyaanku waxay sheegeen in xiliga weerarka lagu qaadayay ay ku jireen howlgalo ciidan inkastoo aysan sii sharaxin wuxuu u salka ku hayay howlgalkaasi.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

DAAWO: Taliye Odowaa oo Ciidamada Xoogga Dalka ugu Hambalyeeyay Xuska markii la aas’aasay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Odawa Yusuf Rage ayaa Ciidamada Xoogga Dalka ugu Hambalyeeyay 65 sano Guuradii kasoo wareegatay Aas Aaskoodii.

Maanta oo taariikhdu tahay 12-ka April waxay ku beegan tahay 65 sano Guuradii kasoo wareegatay markii la aas’aasay Ciidamada Xooga Dalka Somalia.

Hadaba halkaan ka daawo muuqaalka Taliye Odawa:-

 

Iran iyo Mareykanka oo wada-hadallo dhanka Nukliyeerka ah uu uga furmayo dalka Cumaan

Open photoIran iyo Mareykanka ayaa wada-hadallo dhanka Nukliyeerka ah axaa uu uga furmaya dalka Cumaan kaasoo hareeyay colaadda gobolka
Sida hore warbaahintu uga hadashay.

Wufuud ka kala socota Maraykanka iyo Iran ayaa lagu wadaa in ay maanta gelinka dambe wada hadallo iska soo horjeeda ku yeeshaan dalka Cumaan, taas oo qayb ka ah dadaallada wadajirka ah ee Washington iyo Israa’iil ay ku doonayaan in ay ku hakiyaan barnaamijka Nukliyeerka ee Tehraan ee xawliga ku socda.

Raiisel wasaare Netanyahu – oo marar badan ku booriyay Maraykanka in ay u adeegsadaan weerarro lagu burburiyo barnaamijka Nukliyeerka Iran – ayaa sheegay in xal dublamaasiyadeed uu fiicnaan lahaa oo kaliya haddii loo sameeyo si buuxda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Abbas Aragchi ayaa lagu wadaa inuu hogaamiyo wafdiga Iran, halka wadahadalka uu dhanka Mareykanka u maamuli doono ergayga Bariga Dhexe ee Trump, Steve Witkoff.

Calaamad kasta oo heshiis ah ayaa gacan ka geysan karta qaboojinta xiisadda gobolka, halkaas oo dagaalka Israa’iil ee Gaza uu si buuxda dib ugu soo laabtay toddobaadyadii la soo dhaafay, oo ay weheliyaan weerarrada Lubnaan iyo Suuriya, iyo sidoo kale weerarrada Maraykanka ee bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee Yemen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Xuska 12 April ee Ciidamada Xooga Dalka Somalia oo maanta ku beegan

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa lagu wadaa inay Dowladu maanta xusto maalinta xuska 12-ka April oo ku beegan markii la aas’aasay ciidamada milateriga Somalia 65 sano ka hor .

Wasaarada Gaashaandhiga ayaa inta badan xuska lagu qabtaa islamarkaana ciidamadu ku soo bandhigaan gaada-ka ciyaar.

Sidoo kale Masuuliyiinta Wasaarada Gaashaandhiga iyo Taliyayaasha ciidamada ayaa khudbado ka jeediya xuskaan sanad kasta marka la soo gaaro 12-ka April.

Dhanka kale Xuska maanta waxay ku soo aadeysa xili Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka uu furimaha dagaalka ku sugan yahay isagoona halkaasi ku soo duubay muuqaal uu ugu Hambalyeeynayo ciidamada Xooga.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of ‎5 people and ‎text that says "‎أن SNARAIND BAUNO ema ហា HAMBALYO SANAD GUURADA 65AAD EE KASOO WAREEGATAY AAS-AASKA CIIDANKA XOOGA SOOMAALIYEED 12 APRIL 2025‎"‎‎

Tahriibayaal Soomaaliyeed oo laga soo bad-baadiyay Badda Dalka Aljeeriya +SAWIRRO

Dowladda Aljeeriya ayaa soo badbaadisay tahriibeyaal doon kula xumaatay Badda Aljeeriya sida uu Warbaahinta qaranka u xaqiijiyey Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Caasimadda Aljeeriya Mudane Yuusuf Axmed Xasan( Jeego)dadkan ayey doonta kula xumaatay meel 80KM u jirta Caasimadda Aljeeriya.

Sida Safiirka sheegay tirada dadka lasoo badbaadiyay ayaa ah 23 qof oo isugu jira Rag iyo Haween, kuwaa oo qaar kamid ah Ehalladooda lasoo xiriireen Safaaradda kadibna Safaadaraddu gurmad weydiisatay wasaaradda arrimaha dibadda Algeriya, tasoo ugu dambeyn suuragalisay in badda laga soo badbaadiyo dhalliyaradaasi Soomaaliyeed.

Dadkaan ayaa hadda xaaladdooda caafimaad lagula tacaalayaa isbitaalada dalkaas,safarka tahriibka oo ah mid halis badan ayey dowladda Soomaaliya dhowaan soo rogtay awaamiir lagula dagaalamayo arrimaha Tahriibka.May be an image of 5 people and boatMay be an image of 3 people, boat and body of waterMay be an image of 1 person and beardMay be an image of 2 people, people fishing and boat
- Advertisement -

news

Murf AI

0
Murf AI: The Ultimate Platform for High-Quality Voiceovers in Multimedia Content In present day day virtual international, content introduction is extra important than ever. Whether...

book store near me

HOT NEWS