Home Blog Page 65

Taliska NISA oo ka hadlay geerida Taliyihii ugu horeeyay Hay’adaasi

War ka soo baxay Taliska Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa looga hadlay geerida ku timid Taliyihii ugu horeeyay ee Hay’adaasi AUN Gen. Axmed Saleebaan C/laahi (Dafle) oo ku geeriyooday magaalada Brussels ee dalka Blegiumka.

Warsaxaafadeedka NISA ayaa sidan u qornaa:-

 

Hanjabaad mar kale ka timid Somaliland oo ku aadan safarka Ra’iisulwasaare Xamsa

Warsaxaafadeed goor dhaw ka soo baxay maamulka Somaliland ayaa mar kale si kulul wuxuu uga hadlayaa safarka uu Laascaanood ku tagayo Ra’siisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi-Barre.

Warsaxaafadeedka Somaliland wuxuu ku tilmaamay booqashadaani mid qatar amni ku ah  nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale Somaliland waxay ku hanjabtay in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto mas’uuliyadda wixii nabadgelyo darro ah ee ka dhasha socdaalkaas.

Sidoo kale warsaxaafadeedka waxaa loogu baaqay Hay’adaha Caalamka sida QM inay ka ka fal-celiyaan qorshaha Xamsa uu ku imaanayo Laas-caanood taasoo dhaawaceysa amniga Gobolka sida Somaliland sheegtay.

Hadaba halkaan ka khriso warsaxaafadeedka Maamulka Somalilan oo sidiisa u qoran:-

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si adag u cambaaraysay booqashada lagu wado in Raysal-wasaaraha Soomaaliya uu ku tegayo magaalada Laascaanood. Waxaanay tilmaantay in booqashadaasi ay xadgudub ku tahay
madax-bannaanida Somaliland, isla markaana ay halis ku tahay nabadda iyo xasilloonida mandaqada.
Sidaasna waxa wasaaradda arrimaha dibaddu ku sheegatay warmurtiyeed ay soo saartay oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxana ay shaacisay in booqashada Raysal-wasaaraha Muqdisho ay wiiqayso dedaallada socda ee lagu xoojinayo nabada iyo xasiloonida gobolka.
Xukuumadda Somaliland waxa ay xustay in dawladda Soomaaliya ay masuul ka tahay xasilooni darrada ka dhalata booqashadan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland waxa ay ugu baaqday Midowga Afrika, Urur-Goboleedka IGAD, Qarammada Midoobay, Jaamacadda Carabta iyo dhammaan saaxiibbada caalamiga ah in ay garowsadaan in falalka masuuliyiinta Soomaaliya ay yihiin kuwo khatar toos ah ku haya nabadda iyo amniga gobolka.
“Somaliland waxay muddo dheer dulqaad u muujisay ficillada daandaansiga ah ee Soomaaliya, iyadoo weligeed ay tiir u ahayd xasilloonida isla markaana samayn togan u leedahay mandaqada,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka wasaaradda Arrimaha dibadda.
Dawladda Somaliland waxa ay ku boorisay beesha caalamka iyo dalalka gobolka inay si degdeg ah oo wadajir ah uga falceliyaan xasilooni darrada ay ku foogan tahay Soomaaliya.
Waxa kaloo ay intaas ku dartay in haddii aan wax laga qaban ay mandaqada ku faafi doonaan kooxaha qalalaasaha wada oo horseedi doona khataro amni darro iyo dhibaatooyin bini’aadannimo.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay caddaysay go’aankeeda ku wajahan nabad, wadahadal iyo iskaashi goboleed.
Xukuumaddu waxa ay shaacisay inay qaadi doonto tallaabooyin cadcad oo ay ku difaacayso madax-bannaanideeda iyo amnigeeda haddii ay khatar ku timaaddo.
DHAMMAAD

May be an image of text

 

Amiirka Qurba-Joogta Khawaarijta

Wasiirka Dekadaha C/qaadir Maxamed Nuur loona yaqaan Wasiir Jaamac islamarkaana ahaan jirey wasiirka Gaashaandhiga ayaa baraha bulshada soo geliyay qoraal uu cinwaan uga dhigay
Amiirka Qurba-Joogta Khawaarijta, haddaba akhriso:-
Amiirka Qurba-Joogta Khawaarijta
Wuxuu ahaa mid ka mid ah arxan laawayaasha daaha gadaashiisa ka koriya Khawaarijta hadba intii itaalkiisa ah, sabab la xiriirta in lagu soo anqariyay fikir-diimeed gurracan iyo caqiido gaaleysiin ku saleysan.
Markii uu mikrafoonka sida khaldan u qaatayna isaga oo aan meelna ku baran cilmiga saxaafaddana wuxuu ahaa buunbuuniyaha ugu wayn argagixisada, markii danbana waxeey ku guulaysteen in ay dawladnimada ku soo darsadaan si uu ugu adeego.
Inti uu dibindaabyada qaranka ku howlanaa ee uu dowladnimada ku dhex jiray wuxuu joojiyey dagaalkii tooska ahaa ee ku socday khawaarijta, wuxuuna qorigi dowladda u soo leexiyay gudaheeda.
Wuxuu khawaarijta u furay albaabo ay dhaqaalo ku sameeyaan wuxuuna u balaqay dhammaan albaabada dhaqaalaha sida suuqyada, bankiyada, xawaaladaha, dekadaha, airprt-yada ilaa uu u dhisay nidaam maaliyadeed ka dakhli badan kan dawladda.
Wuxuu kala shaqeeyay Khawaarijta in ay si ballaaran ugu milmaan hay’adaha dowladda si ay xogta gacanta ugu dhigaan.
Ugu dambaynna wuxuu kala shaqaynayay Khawaarijta in ay dalka la wareegaan ilaa isaga laga dhex bixiyay dowladnimada.
Alle mahadiis sadex sano ka dib dhamaan xargihi uu xirxiray waa la furfuray waana la fashiliyay damacaas.
Hadii aad is waydiineysaan qofkuu yahay, waa qofka kaliya ee dalkaan xil ka soo qabtay oo dakanada iyo dambiyada uu galay darteed baxsadka ka ah kana cararay.
Rajada kaliya ee u hartay waa in ay Khawaarijtu xoogaysato si isaga oo iyaga matalaayo uu siyaasadda ugu soo laabto, waana mid aan loo fadhin.
Marki afaraad ayuu qarankeygu igu maamuusay xil wasiirnimo oo uusan waligii hawaysan, waxa uu daacanayana waa cuqdad shaqsi ah iyo takfiirnimadi siyaasadeed ee diinta u aheyd.

DEG DEG: Dowlada oo Warsaxaafadeed ka soo saartay geerida Sheegow Axmed Cali

Maxkamadas sare ee Ciidamada qalabka sida ee Dowlada Somalia ayaa goor dhaw warsaxaafadeed ka soo saartay sida ay ku timid geerida Gen.Sheegow Axmed Cali oo qaar badan oo ehaladiisa ay shaki ka keeneen in Dowladu sun siisay.

Warsaxaafadeedka waxaa akhrinaya Gudoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarrow.

Hadaba halkaan ka daawo:

Puntland oo Digniin culus ka soo saartay aaga dagaal ee Buuraha Cal-miskaad

Taliska ciidamada Daraawiishta Puntland ee la dagaalanka Daacish ayaa goor dhaw soo saaray Digniin culus oo loo jeediyay dadka reer miyiga ah ee ku dhaqan Buuraha Cal-miskaad.

Haddaba halkaan ka akhriso digniinta oo sideeda u qoran:-

DIGNIIN CULUS : DADKA REER GUURAAGA AH EE KU DHAQAN BUURALAYDA CALMISKAAD .

May be an image of map and text that says "CIRIBTIRKA PUNTLAND CALMISKAAD DIGNIIN Iyadoo wejiga saddexaad ee Hawlgalka lagu sifeynayo Argagixisada Daacish ku dhuumalaysanaysa buuralayda Calmiskaad uu marayo meel gebogebo ah, lana qorsheeyay bilowga duqeymo waaweyn iyo hawlgalo baacsiga afjarida firxadkooda, waxaan dadka reer guuraaga dhaqan buuralayda Calmiskaad ku wargelinaynaa 24-saac gudahood isaga fogaadaan deegaannada dhow dhulka hawlgalku socdo iyo meelkasta ay cararto ee Waxaan dhow ula soconaa firxadka Daacish 00 ka cararaya Hawlgalada cirka iyo dhulka dayayaan dhex dhuuntaan dadka shacabka ah ee reer guuraaga ah. Sidaasi darteed laga rabaa reer guuraaga ay ka fogaadaan dhulkaasi hawlgalada ka socdaan (24saac gudahood). XAFIISKA WARFAAFINTA EE HAWLGALKA CIRIBTIRKA ARGAGIXISADA"

Wararkii ugu dambeeyay ee Dagaalka Abooreey xili Alshabaab wali gacanta ku hayaan

BUULA-BURDE (DAYNIILE.COM)-Deegaanka Abooreey ee hoos taga Degmada Buulo-burde oo maalmihii ugu dambeeyay uu ka socday dagaaladii ugu cuslaa ee alshabaab iyo dowlada dhex-mara ayaa galay maalintii 4-aad.

Wararka madaxa banaan ee aan heleyno ayaa sheegaya in Alshabaab wali gacanta ku hayaan Deegaankaasi Abooreey oo afarta maalinba ay laga saari la’yahay balse ay go’doon cml ku yihiin.

Sarakiisha Ciidamada ee ka hadasha dagaalka Abooreey ayaad moodaa inay marar badan sheegeen inay ka sareen Alshabaab balse waxay wararka madaxa banaan waxay xaqiijinayaan xitaa hal maalin oo ka mida inaysan Alshabaab ka bixin deegaanka.

Dhufeysyo waa weyn ayay ka qoteen bartamaha deegaanka gaar ahaan guryihiin dadka shacabku lahaayeen ayay dhufeysyo ka dhigteen si ay uga dhuuntaan diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Cirka Somalia iyo kuwa saaxiibada caalamka waana taatiko cusub.

Saraakiisha iyo masuuliyiintii deegaankaasi ee dibad jooga ah ayaa hada wararka ay xiinayaan saxaafada waxay isaga mid ka yihiin in qorshaha hada socda uu yahay in dhamaan guryaha deegaanka dhulka lala simo oo lagu fasaxo diyaaradaha dagaalka ciidamada Dowlada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Soomaaliya

Moqdishu, Jimco, 11ka April, 2025
1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaarey dalka Turkiga uu kaga qeybgelayo Madasha Diblomaasiyadda Caalamiga ah ee Antalya.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Entebba kulan miradhal ah kula yeeshay Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada, Ciidanka Qalabka Sida iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, geerida Alle ha u naxariistee, Gaashaanle Sare Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey), Taliyihii Guutada 14-Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalad Muqdisho ku qaabilay Ergayga Jaamicadda Carabta u fadhiya Soomaaliya, Danjire Cabdalla Al-Cuteybi, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac.
5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey dhaqangelinta adeegsiga Aqoonsiga Qaranka iyo isku-xirka Aqoonsiga iyo adeegyada muhiimka ah ee ay dowladdu bixiso.
6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeybgaley munaasabadda uu xilka kula wareegayey Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.
7- Golaha Wasiirrada Xukuumadda, oo bogaadiyey howlgallada dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaleysanaya qeybo kamid ah gobollada dalka.
8- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeybgaley munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
9- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad ee Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa shir-guddoomiyay kulankii ugu horreeyay ee ay yeeshaan Guddiga Qaran ee Taageerada La-dagaallanka Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish.
10- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad ee Soomaaliya Mudane Cabdisalan Cabdi Cali ayaa booqday qaar kamid ah Isbitaallada caasimadda oo lagu daryeellayo dhaawacyadii geesiyaasha Ciidanka Qalabka Sida iyo kuwa deegaannada ee waxyeelladu ka soo gaartay jiidaha hore ee dagaalka.
11- Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis ku saabsan barista shidaalka ee dhanka berriga.
12- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa shir guddoomiyay kulanka guud ee hay’adaha DFS, Dowlad Goboleedyada, Ururrada Bulshada, Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya, Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxalliga ah ee Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha la dagaalanka fikradaha xag jirka ah iyo ka hortagga falalka argagixisonimada.
13- Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faaraxayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Wafaa Saeed.
14- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo Agaasimaha Guud ee Sanduuqa lacagta Carabt Fuaad Al turki .ayaa kala saxiixday heshiis deyn cafin ah oo dowladda Soomaaliya loogu cafinaayey lacag dhan 306.5 milyan oo doolar.
15- Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallim Fiqi ayaa khudbad ka jeediyay shirka labaad ee heer wasiir ee geeddi-socodka Khartoum oo ku qabsoomay Magaalada Qaahira ee dalka Masar.
16- Wasiirka Beeraha Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa ku dhawaaqay kulan hordhac ah oo ku saabsan “Shirka Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha (NAFIS)” kaasoo diiradda lagu saarayo kobcinta wax soo saarka dalka iyo helidda maalgelin ballaaran oo lagu horumarinayo dhaqaalaha beeraha Soomaaliya.
17- Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan la qaatay safiirka dalka Imaaraatka u fadhiya Soomaaliya, Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi.
18- Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige ayaa dalka Kuwait ugu qeybgalay shirka Hay’adaha Maaliyadda Waddamada Carabta oo diiradda lagu saaray arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo maalgelinta.
19- Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa degaanka ay Khawaarijta dagaal kaga saareen degaanka Geel-Gub ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
20- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Faarax Nuux ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Wasiirrada Gaadiidka iyo Duulista Dowlad-goboleedyada oo diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta.
21- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa magaalada Kuwait City kula kulmay Wasiirka Maaliyadda ee Kuwait Marwo Eng. Nuura Sulaiman Al-Fassam.
22- Safiirka Soomaaliya u fadhiya Shiinaha Dr. Hodan Cismaan Cabdi ayaa kulan la yeelatay Agaasime Ku-Xigeenka Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Mudane He Degang.
23- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa degaanka ayaa hawlgallo milateri oo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay degaanka Ceel-Saacid ee Koonfurta gobolka Mudug.
24- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa difaaca degaanka ayaa hawlgal milateri oo miradhal ah ka fuliyay degaanka Ceelka-Nuurgadoow oo hoostaga degmada Al-Kowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu dilay tiro Khawaarijta ka mid ah.
25- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir gudoomiyey kulan saraakiisha amaanka ee Gobolka Banaadir ugu diyaar garoobayaan sugidda amniga doorashooyinka dalka.
26- Beesha caalamka oo soo dhaweeysay gogosha wadatashiga ee uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo sidoo kale bogaadiyay hawlgalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.
27- Ciidammada Xoogga Dalka iyo kuwa degaanka ayaa si rasmi ah ula wareegay degaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan, iyagoo halkaasi ku jebiyay maliishiyaadka Khawaarijta.
28- Shacabka gobolka Hiiraan ayaa gurmad iyo garab istaag u fidiyay Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa degaanka oo dagaal culus ku qaadey Khawaarijta AL Shabab ee ku sugnaa degaanka Aboorey.
29- Shacabka Muqdisho oo isugu soo baxay Isgooyska Taleex, iyagoo taageeray hawlgalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula dagaalameyso Khawaarijta.
30- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Aljeeriya Danjire Yusuf Axmed Xasan ayaa kulan la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria Mudane Prof Kaamil Badaari.

Madaxweyne Xassan oo Casuumaad la xiriirta Wada-tashi qaran u direy Maamul Goboleedyada

Muqdisho, Abriil 11, 2025 — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya baaqii Midnimada iyo Wadatashiga Qaran ee 31-dii Maarso 2025 ayaa casuumaad u fidiyey madaxda Dowlad-goboleedyada, si ay uga soo qaybgalaan Golaha Wada-tashiga Qaranka.

Madashan uu Madaxweynuhu ku baaqay oo ku muddeysan 1-da ilaa 2-da bisha Maajo (May) ayaa muhiim u ah xaqiijinta midnimo qaran iyo sidii wadajir loogu dhameystiri lahaa howlgalka xoreynta dalka iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wadatashiyo la yeelan doona waxgaradka iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay in wada-tashi, wadashaqeyn iyo iskaashi lagu xaqiijiyo danaha Soomaaliyeed, oo ay ugu horreyso xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisadu, dhammaystirka dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.
DHAMMAADMay be an image of text

Qarax shacab badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Gobolka Shabeelaha dhexe

CADDALLE (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in qarax shacab badan ku dhinteen  inuu ka dhacay inta u dhexeysa Deegaanada Xaaji-Cali iyo Geel-gud oo hoos yimaada magaalada xeebeedka Caddalle.

Gaarigaan oo ahaa nuuca dadweynaha ee loo yaqaan Hoomeyda ayaa ka soo baxay deegaanka Buur-Dacaar wuxuuna ku socday Magaalada Muqisho balse qarax miino ayaa gaariga haleeshay.

Inta la ogyahay 5 ruux oo shacaba ayaa ku dhintay qaraxaasi halka tira kalana ay ku dhaawacmeen, dadka dhintay waxaa ka mida laba gabdhood oo isla dhashay iyo cunug saqiiqa oo sanad 2 jir lagu qiyaasay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qaraxaan qeyb ka yahay miinoyin alshabaab wadooyinka geliyeen si ay  isaga difaacaan weerarada kaga imaanaya dhanka ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa macawisleyda.

Maamulka Hirshabelle oo war kooban ka soo saaray qaraxaan ayaa  lagu wadaa inay faahfaahin buuxda bixiyaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Taariikhda Taliyihii Sirdoonka ee dawladdii Kacaanka oo xalay geeriyooday

=XIGASHO BBC SOMALI=.

Alle ha u naxariistee waxa dalka Belgium-ka ku geeriyooday Axmed Saleebaan Dafle oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdii kacaanka ee Soomaaliya.

Dafle, ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii loo yaqaannay shanti sare ee Golaha Kacaanka.

Dawladdii Kacaka ayaa loo yaqaannay, kooxdii uu horkacayey Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ee afgembiga talada Soomaaliya ku qabsaday sannadkii 1969.

Falsafadda lagu shaqaynayay waxay ahayd Hanti-Wadaag kaas oo laga soo minguuriyay falasuufayadii Karl Marks oo Jarmalka u dhashay iyo Vladamir Lenin oo ahaa asaasihii Midoowgii Soviet-ka. Wuxuu fikirkan ku dhisnaa hab dadka ay isku wada dabaqad yihiin, wax kastana ay dowladda leedahay.

Marxuumka oo sannadihii dambe qurbaha ku noolaa, halkaas oo ugu danbayn ku geeriyooday habeenkii xalay ahaa, magaalada Brussels ee dalka Belgium oo uu degganaa.

Masuuliyiin kala duwan ayaa tacsi u diray qoyskiisii, kuwaas oo sida oo kalena xusay doorkii uu ku lahaa dawladdii kacaanka iyo xilalkii muhiimka ahaa ee uu dalka ka soo qabtay.

“Marxuum Axmed Saleebaan Dafle waxa uu ka mid ahaa madaxda sare ee dowladdii hore, isaga oo dhawr wasaaradood soo hoggaamiyey, door muuqdana ka soo qaatay dhismaha qaranka iyo dowladnimada dalka.” Ayuu ku qeexay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdiillaahi Farmaajo.

Halka madaxwetne hore Shiikh Shariif, uu xusay kaalintiisii doorka amniga qaranka.

‘Wuxuu Dafle caan ku ahaa qibrad iyo waaya aragnimo sirdoon isagoo kaalin muuqata ka soo qaatay dib u dhiska hay’addaha Amniga Qaranka.” Ayuu madaxweyne Shariif ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa baraha bulshada.

Cismaan Cabdinuur Xaashi oo ah qoraa ay qaraabo ahaayeen waxa uu ku qeexay in uu ahaa “nin deeqsi ah, oo saaxiibtinnimo leh, sida oo kalena ahaa oday Soomaaliyeed oo dhaqan yaqaan ah”.

Kuma ayuu ahaa Axmed Saleebaan Dafle?.

Sarreeye Guuto Axmed Suleyman Dafle wuxuu ku dhashay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer sannadkii 1937-dii.

Waxa uu sanadkii 1959kii waxbarasho dhinaca ciidanka loogu diray Akademiyadda Ciidamada ee Ingiriiska, halkaas oo uu saddex sano wax ku baranayay. Waxa uu kusoo noqday Soomaaliya 1962dii isaga oo xiddigle ah, waxa uuna tababare ka noqday Dugsigii Saraakiisha ciidamada ee Muqdisho.

Sanadkii 1967-dii S/Guuto Axmed Suleyman Dafle waxaa uu taliye urur ka noqday ciidamadii fadhigoodu ahaa Magaalada Seylac, xilligaas oo ku begnayd waqtigii aftida laga qaadayay dalka Jabuuti.

Waxa uu isla sanadkaas madax ka noqday Xafiiskii Wardoonka Ee Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo islamarkaas na xoghaye u ahaa Maxamed Siyaad Barre oo ahaa taliyihii ciidanka xoogga.

Sanad kadib waxa uu u dalacay Gaashaanle, isaga oo 1969kii ka mid ahaa saraakiishii afgembiga kula wareegtay xukunka dalka kadib dilkii madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Dafle oo ay u dhaxday gabadhii Maxamed Siyaad Barre waxaa labo jeer la dalacsiiyay intii u dhexeysay 1970kii iyo 1971dii, iyada oo la siiyay darajooyinka Gaashaanle Dhexe iyo Gaashaanle Sare. Dalacsiinta dambe kadib waxa uu noqday taliyaha ciidanka Nabadsugidda Qaranka.

Waxa uu xubin ka noqday Guddigii Golaha Sare ee Kacaanka sanadkii 1974dii, isaga oo qaabilsanaa dhinaca nabadgelyada.

Labo sano kadibna, waxaa loo dalacsiiyay sarreeye guuto. Waxa uu Dafle ka mid ahaa dadka ugu dhawaa Siyaad Barre, iyada oo lagu eedeeyay in uu qeyb ku lahaa tacadiyo iyo dembiyo ay geystay hay’adda nabadsugidda intii xilka hayay, iyo tacadiyo kale ee ay geysteen kacaanka.

Wixii ka dambeeyay markii xukunka la riday kacaanka, waxa uu Axmed Dafle ku noolaa dalka dibadiisa, halkaas oo ugu danbayn ku geeriyooday.

Axmed ayaa ka tegay shan carruur ah.

=XIGASHO BBC SOMALI=

- Advertisement -

news

eBooks Buy Fiction, Non-Fiction, and Textbooks Online

0
In the digital world of rapid movement, access to books has never been easy. Whether you are a student, lover of books or specialists,...

book store near me

Murf AI

HOT NEWS