Home Blog Page 68

DEG DEG: Real Madrid oo ceyrin doonta Ancelotti hadii ay ka haraan champions-ka

XIGASHO LAACIB.NET

Maalmaha Carlo Ancelotti ee kooxda Real Madrid ayaa la rumeysan yahay inay gabaabsi yihiin, iyadoo tababaraha reer Talyaani uu wajahayo in shaqada laga eryo kadib guuldarrooyin muhiim ah oo kasoo gaadhay kooxaha Valencia iyo Arsenal.

Kooxda difaacaneysa horyaalka Spain iyo Champions League ayaa si xun looga badiyay 3-0 ciyaartii lugta hore ee wareegga siddeed dhammaadka Champions League oo ay la yeesheen Arsenal Talaadadii, taas oo timid dhowr maalmood kaddib markii ay 2-1 kaga adkaatay kooxda Valencia garoonkeeda Santiago Bernabéu, taasoo keentay inay afar dhibcood ka dambeeyaan Barcelona horyaalka La Liga.

Ancelotti ayaa si niyad-jab leh uga hadlay fursadda ay kooxdiisu dib ugu soo laaban karto kulanka lugta labaad, isagoo qirtay in uu yahay waqti uu “wax walba qashinka ku tuuro”. Inkasta oo tababaraha caanka ah uu wali haysto fursad uu saddex koob ugu keeno Madrid xilli ciyaareedkan, hadana warbixin laga helay Relevo ayaa sheegaysa in go’aanka ku saabsan mustaqbalkiisa uu ku dhow yahay in la gaaro, isla markaana madaxda sare ee kooxda aysan ku qanacsaneyn sida uu wax u maamulayo.

Waxaa la sheegayaa in Real Madrid ay mudnaan gaar ah siinayso in ay keento tababarihii hore ee kooxdooda da’yarta – Xabi Alonso, si uu u beddelo Ancelotti. Si kastaba ha ahaatee, kooxda Bayer Leverkusen oo uu hadda tababare u yahay Alonso ayaa sheegtay in xiddigii hore ee Real uu go’aansaday in uu sii joogo Bundesliga xilli ciyaareedka dambe.

Haddii mucjiso la mid ah tii xilli ciyaareedkii hore aysan dhicin kulanka lugta labaad ee Bernabéu, Ancelotti ayaa laga yaabaa in si rasmi ah looga ceyriyo kooxda uu horay ugula guuleystay koobab badan.

DEG DEG:Real Madrid Oo Ceyrin Doonta Ancelotti Haddii…….

Gudiga taageerada la dagaalanka Alshabaab oo booqday Isbitaalada la dhigay dhaawacyada ciidamada+SAWIRRO

Muqdisho, Arbaco, 09 Abriil 2025 – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, anha Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Taageerada La-dagaallanka Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish., ayaa booqday qaar kamid ah Isbitaallada caasimadda oo lagu daryeellayo dhaawacyadii geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa deegaannada ee waxyeelladu kasoo gaartay jiidaha hore ee dagaalka.
Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka, oo mid mid u dul-istaagay dhaawacyada ayaa ka waraystay xaalladooda caafimaad, wuxuunna sheegay in dowladdoodu la garab taagantahay daryeel walba oo ay u baahan yihiin, lana socon doonto xaaladdaha ay ku sugan-yihiin.
Booqashada Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka iyo xubnaha guddiga, oo warbixinno kala duwan ka dhagaystay howl-wadeennada gacanta ku haya dhaawacyada ayaa kula dardaarmay in ay ugu adeeggaan si hufan geesiyaasha u dhaawacmay halganka dalka looga sifeynayo kooxaha arxanka daran ee Khawaarijta ah.
Mudane Cabdisalaam, oo kormeerka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in guddigan uu yahay mid Qaran oo ka howlgallaya dhammaan gobollada dalka, iyaga oo si buuxda u garab istaagaya ciidamada qalabka sida, kuwa maamul gobolleedyada, dadka deegaannada, wuxuunna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay si buuxda uga qeyb qaataan difaaca dalka iyo diinta.
— Dhammaad —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed JimcaaleMay be an image of 14 peopleMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and hospitalMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 6 people, dais and hospitalMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 14 people and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 5 people, dais and hospitalMay be an image of 6 people, dais and hospitalMay be an image of 6 people and text

Wafdi horu-dhac ah Xamsa Cabdi-Barre oo gaaray Laas-caanood

LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Wafdi horu dhac u ah Booqashada Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi-Barre ayaa maanta gaaray Magaalada Laas-caanood ee Xarunta Maamulka SSC  Khaatumo.

Wafdigaan oo xildhibaano ay ka mid yihiin ayaa u tagay Laas-caanood inay u sii gogol xaaraan socdaalka ama booqashada Ra’iisulwasaaruhu ku tagayo dhawaan Magaaladaasi.

Fahiima Quuje  oo ka mid ah wafdiga gaaray Laas-caanood ayaa ka hadashay ujeedkooda ,waxayna xustay in safarkaani cid gaar a loogu dan lahayn balse uu yahay safar ay dani ugu jirto reer Khaatumo iyo Dowlada Somalia.

Hadaba halkaan ka daawo hadalada Fahiima Quuje markii ay gaareen Laas-caanood:-

 

 

Ra’iisulwasaare xigeenka “Siyaasadda halaga saaro dhiigga Ciidamada Qaranka,Cadowgu wuxuu ku jiraa rafashadii ugu dambeysay”

MUQISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Somalia Cabdisalaan Cabdi Cali oo maanta booqday ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka ee dhawaan ku soo dhaawacmay dagaalada ka dhanka ah Alshabaab ayaa ku baaqay in dhiiga ciidamada laga saaro siyaasadeynta.

Masuulkaani mar uu ka hadlayay dagaalada sida ay ku socdaan ee xowliga ah ayuu carabka ku adkeeyay in Alshabaab ay ku jiraan rafashadii ugu dambeysay.

“Siyaasadda halaga saaro dhiigga Ciidamada Qaranka,Cadowgu wuxuu ku jiraa rafashadii ugu dambeysay” ayuu yiri Ra’iisulwasaare xigeenka Soomaaliya

Haddaba halkaan ka daawo muuqaalka Ra’iisulwasaaraha:-

Maxaa kala qabsaday Alshabaab biya-dhaamis usoo baxay iyo ciidamada Dowlada 

AL-KOWSAR (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa macawislleyda Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa la soo sheegayaa inay fuliyeen Howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa Alshabaab u soo baxay biya dhaamis kuwaasoo watay gaadiid iyo hub intaba.

War ka soo baxay dhanka Dowlada ayaa lagu faah-faahiyay howlgalkaasi xili Dowladu heshay xogta Alshabaabkaasi oo biya la’aan daran ay heysay.

Dagaalamayaasha Alshabaab oo rabay inay biya ka dhaansadaan ceel-biyood ku yaal deegaanka Ceelka-Nuurgadow oo hoostaga degmada Al-Kowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa weerar aysan fileyn ku ekeeyay ciidamada Dowlada iyo macawisleyda.

Dowlada ayaa sheegtay inay weerarkaani ku laayeen dhamaan maleeshiyaadkii kooxda Alshabaab,sidoo kalana ay gubeen gaadiidkii ay biyaha ku qaadi rabeen.

Dhanka kale ma jiraan warar madax banaan oo laga helay howlgalkaani Dowladu guusha ka sheegatay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Yusuf Garad “Dowlada waxaa qasab ku ah inay ka jawaabto su’aalaha ka dhashay siyaasadeynta geerida Gen.Sheegoow”

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirkii hore ee arimaha dibada Somalia Yuusuf Garaad sidoo kalana ahaa madaxii hore ee BBC laanteeda Afka Somaliga ayaa talo aad muhiim u ah wuxuu siiyay Dowlada Faderaalka Soomaaliya.
Yuusuf Garaad ayaa marka hore qoraal uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu tacsi hawada u marinayaa qoyska iyo ehelada General Sheegow,sidoo kalana wuxuu Ilaaheey uga baryayaa naxariista Jannada.
Masuulkaan wuxuu Dowlada kula taliyay inay sameyso baaritaan  si haddii uu dembi dhacay loo ogaado loogana jawaabo.
“haddii Generaalka tii Allah u timidna lagu qanciyo qoyskiisa, saaxiibbadiis iyo taageerayaashiisa sii kordhaya”ayuu ku yiri qoraalkiisa Wasiirkii hore ee arimaha dibada.
“Waxaan qabaa in Dowladda ay ku waajibtay ugu yaraan fasiraad sida ay wax u dheceen, si looga jawaabo su’aalaha la qabi karo iyo kuwa ka dhashay siyaasadeynta geerida marxuumka” ayuu mar kale yiri Yuusud Garaad.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Xildhibaan Britain ka soo jeeda oo codsaday in Somaliland la aqoosado

May be an image of 1 personSida lagu shaaciyay facebook-ga Maamulka Somaliland Xildhibaan  ka tirsan Dowlada Britain ayaa golaha uu ka tirsan yahay ka codsaday in la aqoonsado Somaliland gooni u goosadkooda.

Qoraalka Maamulka Somaliland ayaa sidan u qornaa:-
Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska, ayaa beesha caalamka, gaar ahaan UK ugu baaqay inay si degdeg ah u aqoonsadaan Jamhuuriyadda Simaliland.
Gavin Williamson wuxuu sidaas ku sheegay warbixin uu ku baahiyay warbaahinta Ingiriiska oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA. waxaannu ku dooday in dawladda fashilantay ee Soomaaliya aanay jalaafayn karin ictiraafka Somaliland.
Xildhibaan Gavin Williamson wuxuu xusay in Somaliland tahay dal madax-bannaan, xasilloon oo dimuqraadi ah, halka Soomaaliyana uu ku sifeeyay waddan fashilmay oo ay ka jirto argagixiso, musuqmaasuq iyo budhcadnimo.
Xildhibaanku wuxuu intaas ku daray in marsada Berbera iyo madaarka magaaladaasi ay yihiin kaabayaal istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga caalamka iyo hay’adaha amniga ee reer galbeedka, waxaanu carabka ku dhuftay in marinka Bab-el-Mandeb oo ay maraan 12% ganacsiga caalamku.
Gavin Williamson wuxuu caddeeyay in Aqoonsiga Somaliland uu ka hortagi doono saameynta Shiinaha, Ruushka iyo Iiraan ee gobolka, kuwaas oo xaqiijiyay inay doonayaan inay la saftaan Somalia si ay u wiiqaan danaha reer galbeedka.
Xildhibaanku wuxuu sharraxay inay Somaliland leedahay sooyaal dheer oo doorashooyin dimuqraadi ah iyo maamul shaqeynaya, taas oo ka dhigaya waddan mudan aqoonsi, si ka duwan Soomaaliya.
Gavin Williamson wuxuu ku booriyay dunida reer galbeedka inay ictiraafaan Somaliland, si looga hortago in fursad muhiim ah la siiyo dawladaha kelitaliska ah.

Wasiirka Maaliyada oo shir Caalami ah kaga qeybgalay Dalka Kuweyt+SAWIRRO

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Kuwait City ayaa maanta ka qeyb galay munaasibadda furitaanka shir hay’adaha Maaliyadda Dalalka Carabta oo sanadkani ay marti-galinayso Dowladda Kuwait.
Shirkaan oo sanadle ah ayaa waxaa inta badan diiradda lagu saaraa arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo maalgalinta, iyada oo ay si joogta ah uga soo qeyb galaan Dowladaha, Hey’adaha iyo Ururo Caalami ah ee ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha iyo maalgalinta.
Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa sidoo kale la filayaa inta uu socdo shirkan, in uu kulamo doceedyo la yeelan doono qaar ka mid ah Madaxda matalaya Dowladohooda iyo Hey’adaha caalamiga ah ee shirka ka soo qeyb galay, kulamadaas loo la filayo in ay natiijo wax ku ool ah ay ka soo baxaan.May be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 5 people, newsroom, dais and textMay be an image of 8 people, dais and text

Somaliland oo sheegay inay Mareykanka uu ku caawiyay joojinta safarka Xamsa ee Laas-caanood

LAAS CAANOOD (DAYNIILE,COM)-Masuulka Maamulka Somaliland ugu qaabilsan arimaha dibada  Aadan Daahir Bakaal ayaa ka dhawaajiyay in Dowlada Mareykanka ay la qaadatay Maamulkooda joojinta safarka Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya uu ku tagayo Magaalada Laas-canood

Somaliland “Mareykanka wuxuu nala qaatay joojinta safarka Xamsa ee Laas-caanood,dagaal weyn ayaan ka galnay arinkaasi  insha allaaH.”ayuu yiri Wasirka

Warkaan wuxuu ku soo aadayaa xili  maalmihii ugu dambeysay ay taagnayd xiisad ka dhaxeysa Maamulka Sonaliland iyo Dowlada Somalia,waxayna ka digayeen in hadii Xamsa uu tago Laas-caanood ay macquul tahay in la dilo .

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

UN-ka oo yeelanaya kulan xaalada Somalia looga hadlayo

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in dhawaan ay shir ka yeeshaan xaalada Somalia oo dagaalo iyo horumaro intaba ay ka socdaan.

Golaha Ammaanka ayaa la hadal hayaa inta lagu jiro bishaan inay ka doodi doonaan  kala qaybsanaanta siyaasadeed ee Soomaaliya iyo dagaalka Al-Shabaab lagu jiro xili ay waliba dar dar hor leh la soo baxeen.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo kana soo jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaalada Somalia ,sidoo kale wakiilada Dowlada Somalia ayaa iyaguna ka hadli doona,xili sidaas oo kale lagu wado inay goob joog ka noqdaan xubno ka socda wasaarada arimaha dibada Somalia.

Fadhiga Golaha amaanka QM waxyaabaha looga hadli doono waxaa ka mida taageerada ay Somalia la garab taagan yihiin marka la eego dib u eegista Dastuurka.

Qaramada Midoobe ayaa dhanka kale maanka ku heysa walaac ka taagan Khilaafka u dhexeeya dowladda Somalia iyo Maamul Goboleedyada qaarkood taasoo heer sare gaartay iyagoon wax wada shaqeynana aan lahayn.

Qamada Midoobe waxay aaminsan tahay in awooda soo korortay ee Alshabaab ay keentay markii ay fursad ka heleen kala qeybsanaanta Soomaalida ee dhanka qabyaalada iyo siyaasada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

- Advertisement -

news

Etsy – Shop for handmade, vintage, custom, and unique gifts

0
Etsy is more than an online market it is a pulsating world center in which creativity thrives and combines buyers with independent suppliers that...

book store near me

Murf AI

HOT NEWS