whitebackground600
Home Blog Page 69

Howlgalka Kumaandooska Danab ay ka fuliyeen Masaajid Cali-gaduud

Sida lagu shaaciyay Raadiyaha Ciidamada Dowlada  Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si guul leh u fuliyey howlgal qorsheysan oo ka dhacay degmada Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka oo ka dhacay bartamaha degmada iyo deegaanada ku dhow, ayaa lagu beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta. Duqeymo cirka ah oo ay iska kaashadeen saaxiibada caalamka iyo CXDS iyo howlgallo dhulka ah oo lagu dilay in ka badan 15 xubnood oo ka tirsan argagixisada. Sidoo kale, waxaa la gubay saddex gaari oo labo ka mid ah ay ahaayeen gaadiid dagaal, halka midka kalena uu ahaa Ambalaas oo ay u adeegsanayeen ujeeddooyin khaldan.

Inta lagu guda jiray howlgalka, waxaa la qaarajiyay Bashiir Axmed Dhuxul, oo loo yaqaanay Bashiir Caadle, kaas oo ahaa Amiirka Dacwada ee Khawaarijta Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Bashiir Caadle ayaa ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu firfircoon ee ka qeyb qaata abaabulka iyo faafinta fikirka xagjirka ah, waxaana dilkiisa uu dhirbaaxo culus ku yahay hoggaanka kooxda Khawaarijta.

Ciidamada geesiyaasha ah ee Danab ayaa weerarka si xirfadaysan u fuliye, iyagoo bartilmaameedsaday goobo muhiim ah oo ay argagixisadu ku dhuumaaleysanayeen, kuna diyaarinayeen falal amni darro. Argagixisadii lagu beegsaday howlgalka ayaa ka cararay goobihii ay ku sugnaayeen, iyagoo halkaasi kaga tegay meydad badan.

Wasiir Jaamac oo xilka Dekadaha la wareegay+SAWIRRO

No description available.MUQISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka  Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa shalay xilka u kala wareejiyay  Wasiirka Cusub ee Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda  Maxamuud Axmed Aadan (Geesood).
Saalax Axmed Jaamac oo hadalo kooban ka jeediyay munaasabada xil isku wareejinta ayaa u mahadceliyey Wasiirkii hore oo shaqo baaxad leh ka soo qabtay wasaaradda muddadii uuxilka soo hayay.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka  wuxuu carabka ku adkeeyay in Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisulwasaare Xamsa ee Dan-Qaran ay ka go’an tahay horumarinta siyaasadda ,shuruucda iyo kaabayaasha dhaqaaalaha sida  Dekada oo kale.
Wasiir C/qaadir ayaa lagu yaqaanay oo laga soo wareejiyay Wasaarada Gaashaandhiga markii dhawan isku shaandeyn lagu sameeyay Golaha Wasiirada qaarkood inkastoo wararka qaar sheegayaan in Dowlada Mareykanka ay ku cadaadisay Dowlada in C/qaadir laga qaado wasaarada difaaca taasina ay keentay xil ka qaadistiisa.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMNo description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Waa kuma madaxweynaha cusub ee dawlad-goboleedka Tigray

=XIGASHO BBC SOMALI=Madaxweynaha dawlad goboleedka Tigray

Sarreye guud Tadesse Worede oo hogaaminayay dagaalyahanada Tigray intii uu socday dagaalkii sokee ee Itoobiya ayaa loo magacaabay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee gobolka Tigray. Waxaa uu xilka kala wareegayaa Getachew Reda oo isagu ku eedeeyay xisbiga TPLF inay doonayeen inay xilka ka tuuraan.

Xisbiga TPLF ayaa dhexdeeda waxaa soo wajahay kala qaybsanaan iyo sii xumaanshaha xiriirkooda iyo xiisada gobolka ee kala dhaxaysa Ereteriya

General Tadesse Waxaa uu laba sano madaxweyne ku xigeen ka ahaa maamulkii ku meel gaarka ahaa ee lagu dhisay heshiiskii Pretoria.

Ninka uu badalay ee Getachew Reda ayaa si rasmi ah isaga casilay xilkaasi.

Ninka la magacaabay ayaa sii hogaaminayay Tigray tan iyo intii Gatachew Reda uu ka dhoofay Mekelle 2-dii Maarso.

Waxa uu soo ahaa hogaamyaha taliska guud ee ciidamada ee Tigrey, Waxaa sidoo kale taliye sare uu ka ahaa dagaalkii TPLF la gashay dowlada dowladda federaalka 2020 ilaa 2022 oo ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof, iyada oo ay ku khasabtay malaayiin in ay ka barakacaan guryahooda.

Waxa uu miiska wadahadala la soo fariistay taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya Berhanu Jula,heshiiskii Pretoria ee November 2022, ee soo afjaray dagaalkii dhiigga badan ku daatay ee gobolka Tigreey.Xafladdii xilwareejinta

Waxa uu ku dhashay kuna barbaaray Enderta oo Makelle ka tirsan, waxaa uu wax ka soo bartay Emperor Yohannes.

Waxa saamayn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii ardayda Jaamacadda Addis Ababa iyo halgankii dadka Ereteriya ee wakhtigaas.

Waxaa uu soo bilaabay halganka oo ka mid ahaa dhalintii halgalkna Tigreey ee maarso 1968, isaga oo sheegay in uu ​​yahay qofkaka kaliya ee ka badbaaday dhalintii asaagiis ahaa ee xiligaasi.

Hogaano kala duwan ayuu soo qabtay oo ciidanka, waxaana Tadesse Worede uu hogaamiye ka noqday qaybta 73aad.

Waxaa su’aalo la iska weydiinayaa khilaafka ciidamada iyo hogaanka TPLF soo kala dhex galay.

Sanadkii aynu soo dhaafnay TPLF waxaa ay u kala qaybsantay laba qaybood oo mid ka mid ah uu hogaaminayo Debretsion Gebremichael, kaasi oo eedeeyay maamulka kumeel gaarka ee Tigray, oo uu hogaamiyaha cusub qayb ka ahaa.Xafladdii xilwareejinta

Debretsion ayaa ku eedeeyay hogaamiyaha is casilay Getachew Reda inuu iibsaday danihii reer Tigray.

Qaybta uu hogaamiyo Debretsion ayaa qabsaday magaalada Adigrat bishii aynu soo dhaafnay, waxaana ay iska diideen eedeymaha inay bahwadaag noqdeen Ereteriya.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay barta X, ku sheegay in Tadesse uu fahan cad ka haysto labadaba waxyaabihii ay qabteen iyo wixii ay ka tageen maamulkii hore, ayna dad badan aaminsan yihiin inuu joogo boos uu ka hagi karo Tigray xilligan kala-guurka.

Abiy ayaa intaa ku daray rajadiisa Tadesse ay tahay fursadan taariikhiga inuu ka caawiyo dadka reer Tigray ay xaqiiqsadaan rajadooda nabada iyo horumarka,” ayuu intaa ku daray.

Dhanka kale, madaxweynihii hore ee maamulkaas ee xilka wareejiyey, oo ay is qabten Debretsion, ka dibna u safray Addis ayaa sheegay inuu ka badbaaday laba isku day dil.

Xafiiska arrimaha amniga ee gobolka tigray ayaa gaashaanka ku dhuftay, ayaga oo cambaareeyey eedeynta ka timid Getachew Redha, waxayna laanta Tigrinya ee BBC u sheegeen in eedeyntu aysan kaliya ahayn been abuur, balse ay tahay “mid la farsameeyey”.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Arsenal oo guul aan la fileyn ka keentay kulankii Real-Madrid

Kooxda kuada cagta Arsenal ee ka dhisan Dalka Britain ayaa xalay guul aan la fileyn ka soo hoysay kulankii ay gurigooda kula ciyaareen kooxda caanka ku ah tartanka Champions League-ha ee Ream-Madrid oo iyana ka dhisan dalka Spain.

Kulankaani oo dadka ugu badan dunida ku saadaaiiyeen in Arsenal laga badinaayo ayaa rumoobi weysay waliba guul daro aan la filen ayaa ku dhacday kooxda Real-Madrid.

Arsenal 3-0 ayay ku martay dhigeeda Real-Madrid iyadoo laba gool aad u qurxoon uu u dhaliyay Arsenal xidigooda khadka dhexe Rice iyadoo goolka 3-aad-na uu u raaciyay Merino.

Kulanka labaad ee kala baxa waxaa lagu ciyaari doonaa garoonka Real-Madrid ee Santiago Bernanbue aad ayayna u adag tahay inay ka soo laabtaan guul daradaasi inkastoo kubada cagta wax kasta laga filan karo.

XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA
DAYNIILE.COM

Laba Xidigle Cabdi Shiilow oo ku geeriyooday Dagaalka Hiiraan iyo ehaladiisa oo

BUULA-BURDE (DAYNIILE.COM)-Dagaalkii cuslaa ee Maanta ka dhacay deegaanka Abooreey ee Gobolka Hiiraan waxaa ku geeriyooday oo lagu dilay 2 Xiddigle Cabdi Shiilow oo ka tirsanaa ciidamada Xooga dalka Soomaaliya.

Labada Xidiglaha oo asal ahaan ka soo jeeda Gobolka Shabelaha dhede ayaa ka mid ahaa ciidamada Dowlada ee maanta ka dagaalamayay deegaanka Abooreey ee Gobolka Hiiraan.

Deegaankaan waxaa sidoo kale maanta ku dhintay Taliyihii kumaandooska danab u qaabilsanaa dhanka Maamulka Galmudug kaasoo isna gurmad ahaan u gaaray dagaalka Abooreey.

Deegaankaani oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka socdeen dagaalo is daba joog ah ayaa la soo sheegayaa inay alshabaabku xooga soo saareen ayna ku mintidayaan sidi ay u maamuli lahaayeen walow ciidamada Dowlada iyo macawisleydu ay ka hor taagan yihiin.

Dhanlka kele ehalada labada xidiglaha ayaa aaminsan in wiilkooda isagoo dhaawac ah la dhameystirey islamarkaana ciidamada Dowlada ay ku dhex milmee kooxda Alshabaab,waxay dalbadeen in Dowladu baaritaan sameyso.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 1 person

Sarkaal sare oo Dowlada kaga geeriyooday Dagaalkii maanta ee Hiiraan ka dhacay

May be an image of 4 peopleBUULO-BURDE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Deegaanka Abooreey ee Gobolka Hiiraan oo maanta dagaalo culusi ka dhaceen ayaa waxaa ku geeriyooday sarkaal sare oo ka tirsanaa kumaandooska Danab ee xooga Dalka Somalia.

Sarkaalkaan oo ahaa Taliyahii ururka 163aad ee ciidamada Danab Asad Cusman Afrax  gaar ahaana qaabilsanaa qaybta Galmudug ayaa la soo sheegayaa inuu dagaalka gurmad ahaan ku soo gaaray balse ugu dambeyn ku shahiiday intuu alshabaab la dagaalamayay.

Sarkaalkaani iyo saraakiil kale ayaa isugu tagay xoojinta ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka ee ka dagaalamayay Deegaanka Abooreey oo Alshabaab ku soo laab laabteen shalay iyo habeen hore iyadoo intaasi laga saarayay.

 Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa durba ka hadlay dagaalka uu ku baxay sarkaalkaasi qiimaha badnaa islamarkaana deegaanada Galmudug ka howlgalayay.
Madaxweyne Qoor qoor wuxuu ka tacsiyeeyay geerida sarkaalkaasi ku timid isagoona ugu duceeyay ehalada iyo dowlada in Alle samir iyo iimaan ka siiyo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Fahad Yaasiin “Milateriga Somalia waxay u gacan galeen shirqool uu dal carbeed soo maleegay”

“𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚, 𝐬𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐝𝐢𝐢 𝐬𝐚𝐧𝐨 𝐞𝐞 𝐮 𝐝𝐚𝐦𝐛𝐚𝐲𝐬𝐚𝐲, 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐮 𝐠𝐚𝐜𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐥𝐞𝐞𝐧 𝐬𝐡𝐢𝐫𝐪𝐨𝐨𝐥 𝐮𝐮 𝐝𝐚𝐥 𝐜𝐚𝐫𝐛𝐞𝐞𝐝 𝐬𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐥𝐞𝐞𝐠𝐚𝐲…”
Taliyihii hore ee Sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin ayaa kashifay arimo culus iyo shirqoolo loo maleegay Milateriga Soomaaliya isagoona ku eedeeyay dal carbeed iyo saraakiil Soomaali ah inay iska kaashadeen.
ciidamada Xoogga Dalka Somalia sadexdii sano ee u danbeysay, waxay  gacan galeen shirqool uu dal carbeed soo maleegay”ayuu yiri Fahad Yaasiiin oo intaasi ku daray saraakil Dowlada xilal ka soo qabtay inay fududeeyeen.

Saraakiisha dalka carbeed la shaqeysay midkood wuxuu sheegay inuu laba kaarle yahay oo waliba dhanka alshabaab xitaa la shaqeeyo.
Inkastoo Fahad Yaasiin cadeymo soo bandhigin hadana qoraalkiisa oo sidiisa u qoran ayaa sidan u qornaa:-

May be an image of 1 person and text that says "Yasin @FahadBinYasin SHIRQOOLKII DALKA ee Ciidanka Xoogga Dalka, saddexdii sano dambaysay, waxay gacan galeen shirqool uu dal carbeed soo maleegay, ayna fuliye ka noqdeen laba qof oo toos ah xilal uga soo qabtay xafiisyo awood siinaya iney qorshaha shisheeyaha, adeegsadeen habab arxan darro ah. Taariikhda Ciidanka Dalka intii jireen, dhibaatada geesteen ciidanka qaranka labadaas qof, waligeed mid lamid ah ma soo marin. Shacabka Soomaaliyeed mudan yihiin iney helaan sharraxaad eex shirqool ee loo dhigay Ciidanka Labadaas, mid kamid ah wuxuuba ahaa laba kaarle, hal qorshe ayuu ugu adeegayey shisheeye iyo Shabaab ajande ah, balse kala hadaf your isku"

 

XOGTA: Dagaalka Deegaanka Abooreey iyo wax badan oo Dowlada Somalia ay kaa qarisay

BUULO-BURDE (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo badanaya shakiga shacabku ka qabaan warbixinada ka imaanaya dagaalka deegaanka Abooreey ee duleedka Magaalada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan xili warbnaahinta xitaa ku wareertay wararka ay ka helayaan dhanka Dowlada marka la eego dagaalka iyo xaaladiisa.

Dhagaha shacabka waxaa shalay subax aroortii lagu shubay in habeen hore ay alshabaab qabsadeen Deegaanka Abooreey balse subaxaasi ay ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanku ka saareen.

Kadib maxaa dhacay akhriste hadana saaka waxaa lagu waabariistay sidii shalay subax oo hadana waxaa la yiri ciidamada Dowlada ayaa saaka duulaan qaaday kana saaray Alshabaab, halkaasi markey joogto dadka qaar shakiba ku bilowday sida warbixintani loo sheegayo ,taasi waxaa ka sii daran marka la wareysanayo masuuliyiinta wax inay qaladan yihiin waad dareemeysaa.

Haddaba xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in xaalad adag ay ka taagan tahay deegaanka Abooreey islamarkaana wararka soo baxaya ee dowlada mararka qaar ka run sheegeyso balse aysan shacabka u cadeyneyn in gacan ku heynta marba dhinac uu galayo.

Xogta aan heleyno waxay intaasi ku dareysa in beenta ugu weyn ilaa galabta lagu soo gaarsiiyay shacabka warbaahinta ku xiran marka la eego gacan klu heynta deegaanka Abooreey cida ay ku galbaysatay.

Warar hoose ayaa sheegaya in dagaalkii ilaa hada Alshabaab aan laga saarin deegaanka balse ay kaliya go’doonsan yihiin.

Guud ahaan deegaanka wali waa la iskula jiraa balse gudaha waxaa heysta wali alshabaab halka macawisleyda iyo ciidamada Dowalda ay ku wareegsan yihiin oo xitaa arintu gaartay saaxiibada caalamka iyo ciidamada cirka Somalia kuwaasoo  dhanka cirka ka taakuleeya ciidamada.

Warar kale oo aan la hubin ayaa sheegaya in hada loo diyaar garoobayo sidii loo duqeyn lahaa alshabaabka ku dhex jira deegaanka Abooreey iyadoo ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka la faray inay ka dheeraadaan oo dib uga soo baxaan go’doominta ay ku hayaan.

Ugu dambeyn sababta Alshabaab ugu mintidayaan Abooreey ayaa la sheegay inay u arkaan istaraatiiji taasoo keentay sida Raage Ceelle,Masaajid Cali Gaduud iyo ruun-nirgood inay xooga soo saareen oo dagaalamayaashii ugu badnaa keeneen Hiiraan.

Wixii war ah ee soo kordha wararkeena xiga ayaad kaga bogan kartaa insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Taliyihii hore ee Ilaalada Madaxooyada oo xilka ku wareejiyay Taliyaha cusub+SAWIRRO

May be an image of 3 peopleSida lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Munaasibad ay xilalka kula kala wareegeen Taliyihii hore ee Guutada 77aad Gen. Xassan Aadan dhicis iyo Taliyaha Cusub ee Guutada G/Le Dhexe Maslax Maxamud Maxamed ayaa ka dhacday Madaxtoyada qaranka.

Munaasibada ay xilalka kula kala wareegeen Saraakiishaan waxaa goob joog u ahaa Agaasima ku Xigeenkiisa Madaxtoyada Qaranka Maxamad Aamiin sheekh cusman iyo Guddi saraakiil ah oo ka tirsan Taliska Xoogga.May be an image of 5 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 peopleMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 4 people and textMay be an image of 1 personMay be an image of 3 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 9 people
- Advertisement -

news

eBooks Buy Fiction, Non-Fiction, and Textbooks Online

0
In the digital world of rapid movement, access to books has never been easy. Whether you are a student, lover of books or specialists,...

Murf AI

book store near me

HOT NEWS