Home Blog Page 70

XOGTA: Safarka Ra’iisulwasaare Xamsa ee Laas-caanood

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo kordhaya safarka la sheegay in Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi-Barre uu ugu socdaalayo Magaalada Laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Warar ku dhaw dhaw madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Ra’iisulwasaaraha uu booqan doono Laas-caanood sabtidaama Axada ama isniinta soo socota iyadoo qaban qaabada soo dhaweyntiisa ay wali ka socoto Laas-caanood.

Ciidamo madaxtooyada ka tirsan oo boqolaal ah ayaa la sheegay inay dhawaan u safrayaan laas-caanood si ay uga sii hormaraan Ra’iisulwasaaraha islamarkaana uga qeybqaataan amnigiisa inta uu joogo Magaaladaasi.

Maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo ayaa la soo sheegayaa inay hada gacanta ku hayaan koontaroolka Magaaladaasi gaar ahaan Garoonka diyaaradaha iyo nmadaxtooyada SSC Khaatumo inta u dhexeysa iyagoo aad u adkeyay amniga aagaasi iyo guud ahana dhaq dhaqaaqa gaadidi iyo dadba.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Howlgal lagu laayay Alshabaab badan oo ay isla fuliyeen Dowlada iyo Jubaland

No description available.Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa maanta guul weyn ka soo hooyay howlgal ballaaran oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu beegsaday kooxaha Khawaarijta sida ay shaacisay idaacada ciidamada Dowlada.
Howlgalkan oo si taxaddar leh loo qorsheeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo ay kooxda Khawaarijtu kaga sugnaayeen deegaanka Qabri Shariif.
tiro badan oo ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay, halka kuwo kalena ay baxsadeen iyaga oo dhaawac ah.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa sheegay in la burburiyay goobihii ay kooxdaasi kaga dhuumaalaysanaayeen deegaanka, isla markaana laga hortagay khataro ay qorsheynayeen in ay fuliyaan.

Ciidanka XDS iyo kuwa Jubbaland ayaa maalmihii ugu dambeeyay wado howllgalo khawaarijta lagu naafeeyay.

Gudoomiye Shuute “Reer Sh. dhexe iyo Soomaalida kale uma sina dagaalka Alshabaab”

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute oo ciidamo badan kula hadlaayay furimaha dagaalka Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa u sheegay in Dadka Gobolka Shabeelaha dhexe Soomaalida kale aysan u sineyn dagaalka.

Gudoomiye Shuute wuxuu u sheegay macawisleyda Gobolka Shabeelaha dhexe in masuuliyad gaar ah ay ka saaran tahay la dagaalanka kooxda Alshabaab.

“masuuliyada ugu badan waxay saaran tahay dadka gobolka shabeelaha dhexe waxaa la idinka rabaa inaa raganimo dheeraad ah iyo geesinimo dheeri ah muujisaan oo aan loo kala harin sidii aan isaga sifeyn lahayn” ayuu yiri Gudoomiye Shuute

“Khawaarijtu waxay Khatar ku yihiin, nafteena, maalkeena, sharafkeena iyo waxkasta oo diintu ilaalisay, mida kale madax war gala malaha khawaarijta laakiin waxay leeyihiin madax mudac gala” ayuu mar kale  yiri Gudoomiye Shuute

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Shirka Golaha Wasiirada iyo waxa maanta looga hadlay+SAWIRRO

Muqdisho, Khamiis, 03 Abriil 2025: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka socda qeybo ka mid ah gobollada dalka.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixin faah-faahsan oo ku aaddan dagaallada socda ee lagu ciribtirayo argagixisada, iyada oo goluhu bogaadiyey geesinimada iyo naf-huridda ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaannada ee dagaalka kula jira Khawaarijta, isla markaana caddeeyey muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo booqashada furimaha dagaalka, si loo dhiirageliyo geesiyaasha Qaranka u halgamaya.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulanka guddoominayey, ayaa golaha warbixin ka siiyey booqashadii uu ku tagey furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose maalintii ciidda, isaga oo golaha faray in la joogteeyo taakuleynta iyo garab-istaagga ciidanka Qaranka.
Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, ayaa golaha la wadaagtay halka ay marayaan howlaha shidaal baarista ee socda iyo caqabadaha jira, iyada oo Wasaaraddu caddeysay in ka hor dhammaadka sanadkan la soo gabagabeyn doono shaqada baarista ee loo yaqaan (3D Seismic Survey), si loo cayimo goobaha shidaalku ceegaago, looguna gudbo heerka xiga ee qodaalka ceelasha shidaalka.
Shirka Golaha ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee ku aaddan Agaasime ku-xigeenka Hey’adda Istaatistikada Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Daahir oo loo cusbooneysiiyay muddo xilleedka.
— Dhammaad —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed JimcaaleMay be an image of 1 person and textMay be an image of 9 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 6 people, dais and text

Wiil u dhalay Xildhibaan oo lagu dilay Magaalada Baladweyne

BALADWEYNNE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goor dhaw oo maanta ah lagu dilay halkaasu wiil uu dhalay xildhibaan C/qaadir Abuubakar Dhagaweyne oo ka mida baarlamaanka Maamulka Hirshabelle.

Kooxo hubeysan oo qaar ka mida xaafadaha  Magaalada Baladweyne ka dhacayay Mobile-da gacanta ayaa la soo sheegayaa inay dileen wiilka markii ay rasaas ku fureen.

Meydka wiilka oo aad u da’yar islamarkaana ah 15 jir ayaa goobta rasaastu kula dhacday laga qaaday.

laamaha amaanka wali kama hadlin xili kooxihii dilka gaystayna ay goobta ka baxsadeen balse looga fadhiyo Booliiska inay soo qabtaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Dowlada oo magacowday Guddiga Qaran ee Taakuleynta Dagaalka lagula jiro Alshabaab

Muqdisho, Khamiis, 03 Abriil 2025: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Guddiga Qaran ee Taakuleynta Dagaalka lagula jira kooxaha Khawaarijta ah ee Shabaab iyo Daacish.

Xubnaha Guddiga Taakulaynta Dagaalka, ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali.

C/Maalik Muuse Coldoon oo lagu xirey Magaalada Ber-bera

BER-BERA (DAYNIILE.COM)-Samafale C/Maalik Muuse Coldoon ayaa la soo sheegayaa in lagu xirey Magaalada Berbera ee Maamulka Somaliland.

Ciidamada Booliiska Maamulka Somaliland ayaa kaxaeystay oo xabsigana dhigay lamana yaqaan sababta xarigiisa loo cuskaday.

Xariga C/maalik wuxuu ku soo aadayq xili tan iyo Ramadaankii uu wariyuhu baraha bulshada ku faafinayay tuhun uu ka qabay in ciidamadu raadinayaan oo la doonayo in la xiro isagoo waliba u baxsaday dhanka Gobolada Sool iyo Sanaag meelo ka mida.

Sidoo kale Ciidamada Boolisku ilaa hadda kamay hadal xariga  iyo eedaha loo haysto C/Maalik Muuse Coldoon.

Waa markii ugu horeysay oo C/maalik ay xiraan Maamulkq Somaliland tan iyo markii Madaxweynaha Somaliland loo doortay C/raxmaan Cirro balse madaxdii ka horeysay marar badan ayaa xabsiga la dhigay.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

France “Dalka Iiraan deg deg haloola heshiiyo ama aan weerarno si looga hortago nuyukleerka ay sameysanayaan

PARIS (DAYNIILE.COM)-Dowlada Faransiiska ayaa dalalka reer Galbeedka waxay u jeedisaylaba mid ay ku dhaqaaqaan in Iiran lala heshiiyo ama duulaan Milateri ay ku qaadaan si looga hor tago hubka Nuyukleerka ay sameysanayaan dhamaadka sanadkaan.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa hadalkaan jeediyay kadib  kulan uu Madaxweynaha Faransiisku u qabtay Golaha wasiirada Faransa taasoo looga hadlay arintaan.
Wasiirka arimaha dibada Faransiiska wuxuu carabka ku dhuftay in Nukliyeer ay samaysato Iran uu halis ku yahay dunida oodhan.
 “Dalka Iiraan ama aan weerarno ama heshiis halala galo ku saabsan hubka nuyukleerka”ayuu yiri Wasiirka arimaha dibada Faransiiska.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Maxamed saciid faroole “Ra’iisulwasaare Xamsa haduu Laas-caanood booqdo wuxuu noqonayaa halyeey

GAROWE (DAYNIILE.COM)-Maxamed saciid faroole oo ah Wasiirkii hore ee qorsheenta Maamulka Putland ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Bare uu booqanayo Magaalada Laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool.
Wasiirkii hore ee qorsheenta Maamulka Putland wuxuu xusay inuu isagu marar badan kula taliyay Xamsa inuu booqdo Laas-caanood,wuxuu daboolka ka qaaday inay ku farxayaan hadii uu booqdo Laas-caanood.
“hadii uu booqdo Laas-caanood wax walba wixii aan ku haysanay waa cafis aana kuwada faraxsanahay inuu yimaado.”ayuu yiri Masuulkaasi reer Puntland.
Maxamed saciid faroole sidoo kale wuxuu sheegay in isaga uu ka mid yahay dadkii hore u eedeyn jirey Xamsa Cabdi-Barre .
“Ra’iisulwasaare Xamsa haduu Laas-caanood booqdo wuxuu noqonayaa halyeey”ayuu mar kale yiri Masuulkaani.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMohamed S. Farole on X: "2025 all roads will lead to #Garacad inshallah!" /  X
- Advertisement -

news

Weekly Meal Planner and Grocery List | Google Sheets Digital Template...

0
Weekly menu and shopping list | Digital model of Google sheets | Automated purchase list | Food preparation | Printable digital food planner Plan your...

Murf AI

book store near me

HOT NEWS